Khaladaadka Sharci Ee Heshiiska Kooto Ee HEMA Books

34
3469

Hadal-haynta Khaladaadka Sharci ee heshiiska Kooto ee wadagaleen Wasaarada Waxbarashada Somaliland & Shirkada HEMA Books

Qeybo badan oo kamid ah, Ardeyda Dugsiyada dalka iyo aqoonyahanka ayaa, siweyn u falanqeeyay,saameynta iyo dariiqa

Ardeyda wax ka barta Dugsiyadda kala duwan ee Dalka Somaliland ayaa, Todobaadyadii u dambeeyay siweyn u hadalhayey,khaladaadka sharci ee ay ku heshiiyeen Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland iyo Shirkadda daabacaada buugaagta ee Hemo-Books kaas oo ay kasoo kordheen dareeno la xidhiidha waddada loo marey heshiiskan sharciyadiisa iyo saameynta taban iyo toga nee uu Mustaqbalka ku yeelan doono Manhajka Waxbarasho ee Dugsiyada Hoose/dhexe ee Dalka iyo waliba Waxbarashada Ardeyda.

Qeybo badan oo kamid ah, Ardeyda Dugsiyada dalka iyo aqoonyahanka, oo Warbaahinta Maxalliga uga xogwaramey, nidaamka heshiiskan ayaa sheegay in uu saameyn ku yeelan karo geedi socodka Waxbarashada iyo manhajka labadaba, sidaa daraadeedna, uu wado halaq mareen u noqon karo,in nidaamka Waxbarashadda lagu saleeyo qaab ganacsi,oo aan loo eegin tacabkii hore usoo galey Waxbarashadda.

“Horta marka horeba waxa khalad ah dariiqada Sharci ee loo marey heshiiskan, waxa kale oo khalad ah in Geedi socodka Waxbarashada iyo manhajkeeda,nidaam Ganacsi loo duwo,iyaddoo heshiiskani ku saleysnaa xiligii Xukuumaddii hore oo Shirkado badani saameyn ku yeesheen nidaamka dawliga ah tani waxey qalin daraale ku tahey tacabkii Waxbarashadda hore loo so galiyey”Sidaa waxa yidhi Khaalid Cabdi Habane oo kamid ah Ardeyda wax ka barta Dugsiyadda dalka.

Geesta kalena sarkaal sare oo katirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo ka cudurdaartey in magaciisa la xuso,ayaa hadhwanaagnews u xaqiijiyey in Heshiiskani yahey,mid xaaraan ku ah qawaaniinta Waxbarashada iyo habsami u socodkeeda,isagoo tilmaan ka bixiyey in ay Mustaqbalka saameyn ku yeelan karto Manhajkii ay tacabka badan soo galiyeen Macalimiintii ugu faca weynaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Qeybaha Crucilumka iyo Hay,adihii kasoo shaqeeyay intaba.

Arintan ayaa qeybo badan oo kamid ah aqoonyahanku   siweyn u falanqeeyay,saameynta iyo dariiqa sharci ee loo marey,heshiishka Wasaaradda iyo Shirkada Heemo kaas,oo ku kooban Maxkamadda Rafcaanka Gobolka M/Jeex ee Hargaysa,oo laga diiwaan galiyey taariikhdu markay ahayd 30/07/2017, iyadoo Maxkamaddu u habraacday ama u cuskatay Qodobadda sharci ee kala ah 938, 939, 951 XM iyo Qodobka 144 XHM, iyadoo su,aasha ugu weyni ka taagan tahey,heshiiskan Heemo-Books iyo Wasaaradda Waxbarashadu miyaanu waafaqsaneyn qaanuunka Dawliga ah,iyo Heshiisyada ay Dawladdu dhinaca ka tahay halkeebaa laga Diiwaangeliyaa?.

Haddaba hadalheynta heshiiskan,oo loo xidhey mudo shan iyo toban sanadood ah Shirkadan Hemmo-books waxa hadaleynta iyo faaqidaada aqoonyahanku diiradda ku saarey lagu koobay Qoddobadan.

1-In aanu jirin wax dan ah oo Wasaaradda Waxbarashada ugu jirta Heshiiskan, sababtoo ah sida ku cad Heshiiska Lacagta Lagu iibinsanayo Buugaagta waxa iska qaadanaysa Shirkadda Keligeed;laguma cadeyn nuxurka qadarka Wasaaradu ku leedahey.

2-Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray Ujeedadii, Awoodii iyo Shaqadii Wasaaradda Waxbarashada dalka ee ahayd meelmarinta Siyaasada dawladda ee ku waajahan waxbarashada ee ku cad Qodobka 15aad ee Dastuurka, Iyo Qodobada 38aad, 21aad iyo 22aad ee Xeerka Kala xadaynta Nidaamka Dhismaha Xukuumadda ee Xeer Lr.71/2015;

3-Heshiiskani wuxuu meesha ka saaray shaqadii iyo waajibaadkii ay Qarankan JSL uga Masuulka ahayd Madbacadda Qaranku, sababta oo ah Hawshii Daabacaada Qaran waxay Wasaaradda Waxbarashadu siisay Shirkad gaar loo-leeyey oo ay ku naasnuujinayso, halkii ay ahayd in Madbacada  Qaranka la Maalgeliyo oo ay daabacdo Buugaagto.

4-Ma jiro Nidaam Xisaabeed cad oo lagula Xisaabtamo Shirkaddaasi iyo Muhiimada heshiiskeedu u yeelan karo Waxbarashadda Ardeyda iyo isticmaalka Manhajka.

5-Heshiiskan lagama Diiwaangelin isla markaana, lalama Socodsiin Xafiiska Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka.

6-Heshiiskani wuxuu lid ku yahay Xuquuqihii Waxbarasho ee Aasaasiga ahaa ee Muwaadiniinta, ee ahayd in ay Helaan Waxbarasho Lacag la’aan ah. Waayo Arday kasta oo dhigta Dugsiyada Dawladdu wuxuu ku khasban yahay inuu Buugaagtii Waxbarsho ee Manhajka Qaran uu ka iibsado Shirkaddan Hemma Books. Xigasho: Qaran News

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here