Maayarka Hargeysa Oo Kormeeray Mashaariic Ay Dawlada Hoose Waddo

0
597

7130Hargeysa (Geeska)-Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa Shalay  kormeeray mashaariico ay dawladda hoose Hargeysa iyo Haayado Caalami ahi iska kaashadeen oo laga hirgaliyay qaar ka mida xaafada Caasimadda. Sidoo kale waxa uu uu Maayirka Magaaladu Kormeer ku soo sameeyay xarumo loogu talo galay in laga hir galiyo Barkino ay baabuurtu istaagan isla markaan dadka laga qaado cashuur ugu horayin maayrika oo halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxaan Soo Booqnay Xaruntan oo xarun leh laba laybareeri,meshii dadwynuhu ku kulmayeen,garoonkii ciyaaraha mashruucan oo ay nala fulinayso Hayada UNHCR,Sadexdiisa Bilood ee Hore Maashaariicda Aanu ugu Talo Galay Waxa Ka Mida Caagagii la dhigaayay wadooyinka si qofku sharaabka uu cabo isagoo gaadhigiisa ama lugaynaya sidaa ugu rido,ishaariiyinkii oo lix isgoos ku xidhayno oo dhamaan doona inta ka hadhay bisha labaad ilaa bisha sadexaad Ishaarooyinka waxa aanu ku Xidhi Donaa ISgoyska Madaxtooyada,ka Telasoom,ka basaska Idaacad,Toodal Ka Xero Awr iyo iskgoyska saldhiga New Hareysa.

Waxaanu Samayn doonaa wadooyin oo aanu ka kala samyin doono hada gacanta ku hayno laba wado Gacan Libaax,Saylada xoolaha ooh al kilo mitir ah,Siinay ooh al kilo mitir laga samayin doono,Sacaadiin jigjiga yar oo haf kilo mitir ah intaasina waa wadooyinka aan sadexdan Bilood ka shaqyan doono iyada oo aanu dhinac wai doono marmarkii ay dadku soconayeen . Dhinaca kale waxa uu Maayirku Booqday Goobo lugu wado in laga dhigo baarkin ay baabuurtu istaagaan waxaanu yidhi  isaga oo ka hadlaya arintan “ halkan waxa ka socota shaqo waxaanu ugu talo galay in ay noqto halka aanu ku bilaabayno baarkinkii oo lacag ah,waan halka kowed ee imika laga bilaabayo marka la dhamays tirto waa Cusbitaalka Qaybtiisa Galbeed Gaadiidka U socda Madaxtooya Baarlamanka Kuli Halkan ayaa wada dhigan donaan halkaasna waxa ay noqon dontaa meel ka mamnuuc ah in gawaadhida la dhigo dakan waa laga kirayin donaa qiimo macquulha oo jaban waa laga kirayin donaa  abagabdii waxa uu maayirku baaq kal duwan u diray ganacsatada “waxaan ganacsatada u dirayaa baaq ah in meherad walba horteeda oo aanu u xilsaaray in shirkadaha marmarka wadaa ay dhigaan in ay shirkadaha gacan siiyaan wixii yare e dhaqaale ahan ay iska bixiyaan iyadoo sakad sakad loo wadi doono shirkadahan waxa aanu u qaybinay sadaex shirkadood oo kafayn doona ayuu ku soo gabgabeeyay hadaladisii Maayirku