Shalay Iyo Xuska Maalinta Ciidanka Qaranka Somaliland

0
677

ciidamadaHargeysa(Geeska) –Xuska Sannad Guuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Qaranka, oo Shalay ku beegnayd, isla markaana Sannadkan lagu qabtay Dararweyne, ayaa Madaxweynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaayno), uu ka qeyb galay, 

 Munaasibadii xuskan oo lagu qabtay Xarunta Tababarka Kuuliyadda Saraakiisha ee Dararweyne, ayaa Madaxweynuhu  waxa uu sidoo kale  xadhiga ka jaray  mashaariic kala duwan, waxaana mashaariicdan ka mid ah Furitaanka Dhisme balaadhan oo loo dhisay Saraakiisha iyo Saraakiil ku xigeenka Kuliyada tababarka dararweyne, gurigan oo qaadi doona 250 Sarkaal, qolka shirarka kuliyadaha oo qaadaya  250 Sarkaal, waxa kale oo uu Madaxweynuhu soo kormeeray dhismeyaal cusub oo loogu talo galay inay ugu yaraan 20 sarkaal ku nasan karaan, kuna qadayn karaan, waxna ku daawan karaan, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay saraakiisha iyo taliyeyaasha Ciidamada, dedaalka iyo horumarka ay ka muujiyeen dugsiga tababarka saraakiisha iyo guud ahaanba ciidamada qaranka Somaliland.

Madaxweynaha oo isagu halkaas ka hadlay ayaa waxa uu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Maanta (Shalay) oo ah maalintii aasaaska Ciidanka Qaranka, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidanka Qaranka, xaasaskooda iyo caruurtooda meel kasta oo ay joogaan, anigoo guud-ahaanba Ciidamada kala duwan qalabka sida hambalyo u diraya. Waxaan sidoo kale hambalyaynayaa dhamaan shacab-weynaha Somaliland gudo iyo debadba.  Ciidamadu waxay ka mid yihiin tiirarka qarankani ku taagan-yahay, cududa bulshadani dugsanayso ee ay ku seexato, waxaanay calaamad iyo astaan u yihiin dawladnimada iyo kala-danbaynta bulshadani ku taamayso.

 Ciidamadu waa difaaca qaranka, waa dal-jirayaasha u dibjira una dayacma illaalinta dadkooda iyo dalkooda, waana salka iyo dayrka ugu adag ee nabadgelyada aynu ku faano.

Anagoo ka duulayna muhiimada ay cududa ciidamadu dalkan ugu fadhiyaan, isla markaana dareensan duruufahooda gaar ahaaneed waxaanu tacab iyo dedaal gelinay kor u qaadida tiradiina, tayadiina, saanadiina iyo mooraalkiina, waana ta keentay in sadex-jeer mushahar ama gunno laydiin kordhiyo intii Xukuumadaydu talada dalka haysay.

Anigoo ogsoon in dedaalada la sameeyey weli aanay daboolin duruufihiinii gaar-ahaaneed, waxaan idin dareensiinayaa  in aad u shaqaynaysaan dalkiinii, uguna dulqaadataan darayada iyo debadyaalka, maxaa yeelay waxaad u soo diyaar garawday in aad dhiigiina u daadisaan, dalkaaguna wuxuu u qalmaa in aad u dhimato.

Waxaad ka war-haysaan in aanu sannad kasta kor u qaadno Miisaaniyadda Ciidammada oo maraysa 57,000,000 USD  taasoo iminka kor u dhaaftay gebi-ahaanba Miisaaniyadii Qaranka ee 2010 ee aan dalka kula wareegay oo ahayd 47,000,000 USD, halkaana waxaa qof kastaa uu ka garan-karaa ahmiyadda aanu siinay Ciidammada qalabka sida. Anagoo sanad-kasta kobcina saanada iyo qalabka aad ku hawlgashaan, isla markaana wakhti iyo dhaqaale badan gelinay derajada garbihiina ka bidhaamaysa oo aan aaminsanahay in ay qayb muhiim ah ka tahay haybadda iyo hannaanka kala-danbaynta ciidamada.

Waxaad ku calool samaataan in dadkiinu ogyihiin waxaad ugu maqantihiin dawlad-ahaan aanu ku hawlan-nahay daryeelkiina, waxaanan idin farayaa in aad mar walba illaalisaan dhisbiliinka ciidanka oo ah waxa aad kaga duwan-tihiin dadka shicibka ah”.  ka dib khudbada madaxweynaha waxa iyana halkaasi lagu soo xidhay kuliyada tababarka saraakiisha oo nasiib wanaag la dabaaldegay sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen balse ay iyagu kaga duwanaayeen tababarka u soo xidhmay maanta, waxaana shahaadooyin la gudoonsiiyey saraakiil ka kala socday Ciidanka Qaranka, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda waxaanu madaxweynuhu abaalmarino qaaliya gudoonsiiyey saraakiishii galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad.

Sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu shahaado sharaf gudoonsiiyey 10 sarkaal oo ahaa kuwii ugu sareeyey saraakiishaasi tababarka kuliyadu u soo xidhmay, kadibna waxa halkaasi ku soo xidhan tahay xafladii loogu dabaaldegaayey Sanad guurada 21aad ee ciidanka qaranka iyo xafladii xidhitaanka tababarka layliska saraakiisha ciidamada oo ka koobnaa xidigle ilaa dhame ama kabtan.Dhinacak kale waxa iyana halkaas ka hadaly Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Wasirka Gaashandhiga.