Madaxweynaha Oo Xadhiga Ka Jaray 350 Guri Oo Loo Dhisay Dad Danyar Ah

0
537

Picture1Hargeysa (Geeska)-Madaxwaynaha  Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  xadhiga ka  jaray  350-guri oo loo dhisay dadka danyarta ah ee degan xaafadda Sheekh Sancaani  oo ah Xaafad cusub oo laga dhisay Magaalada Hargeysa.

350-Guri, oo hirgelintooda ama dhismahooda ay maalgelisay Dawladda Japan, waxaa hirgelinta dhismahooda fulisay hay’adda UN-habitat, iyadoo ay ka qayb qaadateen qorshayntoodda Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland iyo dawladda hoose ee caasimadda.

Munaasibadii furitaankan Guriyahan oo doraad ka dhacday Xafaadaas ayaa waxa ka qeyb galay Madaxwaeynaha, Wasiiro, XIdhibaano, Salaadiin, masuuliyiin ka socday hay’adihii gacanta ka gaystay mashruucaasi   iyo dadweyne aad faro badan. Madaxweyneaha oo hadal ka jeediyay xafladaasi waxa uu sheegay in ay aad uga war hayn doonan dadka Danyarta ah isla markaana ay ku dedaali doonaan ka xukuumad ahaan  in ay ka soo baxaan Waajibka ay ku leeyihiin dadka Danyarta ahi.waxaanu yidhi “Dadweynaha halkani isugu yimid ee qiimaha iyo qaayaha leh  aad iyo aad ayaan idiinka mahad celinyaa sida wacan ee dhaqanka idiin ah ee aad noo soo dhawayseen.  waxa aan leeyahay halkan aynu joogno ee aynu u dabaal degayno isla markaana aynu dejinayno dadkii qaxoontiga ahaa oo aynu doonayno in ay meel fiican iyo wax wanaagsan ku nooladan . waxa weeyi  in aynu u mahad celino dawladihii iyo Hay’adihii ka qayb galay aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa.

Waxaan idiin cadaynayaa in haddii aanu nahay xukuumada Somaliland in aanu diyaar u nahay oo qayb libaax ka qaadan doono wixii dadka dantiisa ah ee Umadaas Qaxoontiga ah aanu waajibka naga saaran ka soo baxno Insha Alla.”

Wasiirka Wasaaradda Dib u Dejinta  Axmed Cabdi Kaahin oo isna Munaasibadaasi ka hadlay ayaa   ka sheekeyey Marxaladihii kala duwan ee uu Mashruucani guryaha lagu dhisay  soo maray.isagoo xusay in talaabadani ay ka mid tahay qorsheyaasha u yaala Madaxweynaha waxaanu yidhi “Waxa aan Dadweynaha u sheegay aniga oo mahad naqaaya hay’adaha nagala qayb qaatay Mashruucan in aan halkan oo qudha waxba laga dhisayn balse Gobolada Somaliland oo dhan laga dhisaayo siyaasadaasina ay tahay siyaasadii uu Madaxweynuhu noo dhigay ee uu yidhi danyarta wax haloo qabto. Waxa aan idin leeyahay kuwa beri idin odhanaaya waxba Dawladu may dhisin ,waxa aad ku tidhaadan beenalayaal anagu dhagax aan dhigo waa aanu dhisnaa oo aanu furnaa.  Hay’ada WFP waxa ay balan qaaday in ay  wadada xaafada u dhisaan iyo in ay raashin idin siiyan ee taasna ogaada jidka dhibaatadu ka jirta waa la idiin dhisayaa ee sidaa u ogaada”

Agaasimaha Hawlaha guud ee oo isna  munaasibadaas ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu qorshahani iyo dhismayaashani ku yimadeen, Hay’addihii ka qeyb qaatay, Dhismayaasha ay ka wadaan Gobolada Dalka.

Gudoomiyaha Xaafadda Sheekh San-caani    Cumar Aadan Caraale, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka   warbixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo maray Mashruucan isaga oo Madaxwaynaha usoo bandhigay baahiyaha kala duwan ee xaafadaasi u baahan tahay

 Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo isna halkaas ka hadllay, ayaa mhadnaq balaadhan u soo jeediyey cid walba oo gacan ka geystay ama dhiistay dhismayaashan, waxaanu tilmaamay in wax badan loo taray dadkan danyarta ah ee loo dhisay Xaafadan cusub,

 Sidoo kale waxaa iyana halkaasi ka hadlay Masuuliyiin ka socday  Hay’ada Un Habitat oo ay ka mid ahayd Ms Caasha iyo Mss Ana oo dhammaantoodba  ka warbixiyey sida uu Mashruucani guulaystay iyaga oo sheegay in Mashruucan uu Ku baxay qiime lacageed oo dhan 3 melyan iyo badh .