Maadays: Gabadh Saygeedka Ku Sifaysay Tilmaamo Dusha Ammaan Uga Eeg Balse Ceebi Ku Laaban Tahay

0
969

Hargeyska (Geeska)- Harimacadka oo ka mid ah xayawaanka duur joogta ah ee hilibka ku nool ayaa la sheegay in uu yahay xayawaanka ugu hurdada jecel xayawaannada, hurdada Harimacadku lama mid aha ta’ Eyga, waayo Eygu waxa uu seexdaa hurdo feejigan, inta uu inyar hurdo ayuu deg-deg u baraaruga haddana waa uu ku noqdaa, sidaas ayaanu ku dhammaystaa waqtigiisa hurdada. Laakiin Harimacadku waxa uu seexdaa hurdo aad u xeel dheer oo aan si sahlan lagu toosin karin haddii uu galo. Dhanka kale Harimacadku aad ayuu u culus yahay, waxaana la sheegaa in marka uu ku boodo xayawaanka ama xoolaaha uu ugaadhsanayo uu markiiba culayskiisu dhabarka ka jebiyo neefka.

Libaaxa, waa boqorka kaynta, waana geesiga duur joogta in badan ayaa laga waramey geesinimadiisa iyo xataa in uu leeyahay dhaqanno badan oo gobonimo, laakiin waxa uu leeyahay, ceeb ah in aanu waxba dhawrtaysan, maanta ugaadha uu helo wixii uu ka cuni karo wuu ka calaf qaadaa, waxa soo hadha maxasta iyo xayawaannada kale ayuu u dhaafaa, dibna uma hanbo-raadsado. Haddaba labadan tusaale waxa aynu uga soconnaa qisadan ee dhugo:

Gabadh carabtii hore ka mid ah ayaa la yidhi waxa aad sifaysaa ninkaaga waxa aanay ku sheegtay, "Ninkaygu marka uu soo galo guriga waa Harimacad, marka uu baxana waa libaax” Dadka intii taqaannay dhaqannada xayawaannadani waxa ay fahmeen in uu ninkeedu yahay nin xun laakiin intii kale waxa ay u qaateen inay gabadhani ninkeeda ammaantay.