Lix Qalad Oo Ay Tahay In Laga Feejignaado Marka Baradhada La Shiilayo

28
3733

Hargeysa (Geeska)- Dad badan waxaa garaadkooda ku jirta in baradhada oo biyo lagu kariyaa ay arrin fudud tahay, waana ay saxanyihiin marka sidaa guud loo qiimeeyo. Laakiin waxaa muhiim ah in maskaxda lagu hayo in ay jiraan qaladaad badan oo dhaca xilliga baradhada la karinayo, kuwaas oo ay muhiim tahay in laga feejignaado si loo helo baradho dhadhankeedu fiican yahay, caafimaad ahaanan aan dhibaato keenin.

Warbixin lagu baahiyey shabakadda wararka ee Aljazeera oo iyaduna soo xiganaysay wargeyska Le Figaro ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in cunto-kariya caanka ah ee Clement Shekar oo u dhashay dalkaasi uu dhowaan soo saaray liiska qaladaad uu sheegay in aad u dhaca marka baradhada la karinayo.

  1. Baradhada ruqurta leh: Iska jir in aad kariso baradhada leh ruqurta, sababtuna waa in ay khatar ku tahay caafimaadka. Ruqurta baradhada ku samaysanta waxaa ku jira xaddi aad u badan oo ah maadadda Solanine oo khatar ku ah jidhka.

Ruqur oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Bud’ oo waslad yar (Waxyar) oo geed ah, laakiin aan ka mid ahayn keedka ama midhaha, oo ka soo baxda midhaha geedka ama caleentu halka ay ka soo bilaabato. Waxa jidhif yar oo marmar caleemo yari ka sii dul baxaan.

  1. Baradhada oo dhan isku si looma bisleeyo: Baradhada diirkeeda sare is wada haysto, qaradana leeyahay, (culus yahay) waxa ay ku fiican tahay karinta, ama in moofada lagu bisleeyo. Laakiin baradhada diirkeeda sare khafiifka yahay waxa ay si fiican ugu bislaan ogtahay shiilista.
  2. Maydh baradhada: Baradhada inta aan dabka la gelin waxaa fiican in marka hore si fiican loo maydho si looga dhaqo ciidda, raadadka suntii geedka cayayaanka lagaga buufiyey intii uu baxayey, iyo wax kasta oo laga yaabo in ay dhulka ka soo raaceen. Clement waxa uu sheegay in habkani uu yahay sida ugu fiican ee uu qofka uga dheeraan karo sumowga.
  3. Biyaha ha hor karin: Dadka qaar ayaa marka hore biyaha kariya, kaddibna baradhada ku rida. Laakiin khabiirkan cunto karintu waxa uu sheegay in ay tahay fikir qaldan. Waxa uu sheegay in marka baradhadii lagu rido biyo aad u karaya, ay taasi sababayso in baradhadii oo aan karinba uu diirku kulaylka biyaha awgood fasakhmo, taasina waxa ay keenaysaa in ay burburto ama dildillaac samayso iyada oo aan weli si fiican u bislaan. Waxa uu ku talinayaa in marka hore biyaha oo qabow lagu rido baradhada, kaddibna aan kulaylkiisu xad dhaaf ahayn la saaro, laguna daayo 15 illaa 20 daqiiqo, si ay ula bislaato karista biyaha ee ay la soo bilowday.
  4. Baradhada oo caydhin ha diirka ha ka siibin / fiiqin: Clement waxa uu ku talinayaa in baradhada oo qaydhin ah aan diirka laga saarin, gaar ahaan marka la doonayo in aan la karin ee la shiilo. Sida ugu fiicani waa in marka hore biyo karaya lagu dhex rido dhowr daqiiqo lagu daayo, kaddibna la qaboojiyo. Markaas ayaa uu diirku iskii u kacayaa oo ay fududaanaysaa in laga saaro.
  5. Biyaha aad baradhada ku karisay hayso

Khabiirkan cunto karintu waxa uu sheegay in biyaha baradhada lagu kariyey ay aad ugu fiican yihiin nadiifinta dhulka. Waxa uu sheegay in maaddada sonkorta ah ee ku jirta baradhadu ay leedahay awood aad u xooggan oo ah dhinaca nadiifinta iyo nuugista dufanka. Sidaa awgeed ay si fiican u nadiifin karto marmarka iyo sibidhka, gaar ahaan meelaha dufanku ku dhego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here