Dumarka Muslimiinta Ee Ingiriiska Oo U Bilaabay Ol’oleyaal Ay Ku Doonayaan In Laga Qayb Geliyo Maamulka Masaajidda

0
5686

London (Geeska)- Hay’adda ugu weyn hay’adaha muslimiinta ee Ingiriiska ayaa bilowday barnaamij ujeeddadiisu tahay in dumarka muslimiinta ah loo diyaariyo xilal sare oo ay ka qabtaan arrimaha maamulka masaajiddada iyo hay’adaha bulshada ee ay muslimiinta dalkaasi leeyihiin.

Waxaa lagu bilaabay 20 haween ah oo muddo lix bilood ah la siinayo koorsooyin sare oo ay hay’adda Muslimiinta Ingiriisku ugu talagashay in ay ku bartaan maamulka, waxa kale oo ka mid ah duruus gaar ah oo dhinaca diinta ah iyo in loo sameeyo tababarro waayoaragnimo oo ay ka mid tahay in la geeyo masaajiddo si ay u soo arkaan qaabka maamul ee masaajiddadaas, iyo in la baro hab hadalka qumman iyo sida ugu fiican ee khudbadaha diiniga ah loo jeedin karo.

Warkan oo uu faafiyey wargeyska The Guardian ayaa intaas ku daray in shirweyne ay muslimiinta Ingiriisku bishan Oktoobar horraanteedii ku qabsadeen magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska lagu soo qaaday qorshahan cusub ee la doonayo in dumarka lagaga qaybgeliyo maamulka masaajiddada iyo hay’adaha kale ee ay muslimiintu leeyihiin. Gaar ahaan kuwa dhinaca cibaadada, samafalka iyo barnaamijyada bulshada la xidhiidha.

Warbixintu waxa ay sheegtay in maamulka masaajidda Ingiriiska ay imika aad ugu yar yihiin dumarku. Warmurtiyeed ka soo baxay golaha muslimiinta Ingiriiska ayaana lagu yidhi, “Maqnaanshiyaha kala duwanaanshiyuhu (Ragga iyo dumarka) waa arrin aan la aqbali karin. Waxa lagama maarmaan ah in arrintan ay ka gudbaan golayaasha maamulka masaajidda, hay’adaha bulshada iyo ururrada samafalku guud ahaanba noqdaan kuwo lagu wadajiro si hawsha ay qabanayaan u noqoto mid dhammaystiran.

In kasta oo aan warka rasmiga ah ee Golaha muslimiinta lagu sheegin, haddana wargeyska The Guardian waxa uu hoosta ka xariiqay in hindisaha golaha muslimiinta Ingiriisku uu ku soo beegmay xilli ay dumarka muslimiinta ahi dalbanayaan in ay helaan xuquuq ta ragga la siman oo dhinaca maamulka masaajidda ah.

Waxaa isna jira urur lagu magacaabo ‘Fura masaajidkayga’ (Open My Mosque) oo ay dumarka muslimiinta ah ee magaalada Bradford oo ku taalla woqooyiga Ingiriisku u samaysteen in ay ku soo dhacsadaan waxa ay ku sheegeen xaqa ay u leeyihiin in ay ragga ula sinnaadaan masaajidda. Ururkan ayaa ururiyey lacago badan oo tabaruc ah, waxa aanay sheegeen in ay ka shaqaynayaan sidii loo heli lahaa masaajid ay dumarku maamulkiisa iyo hoggaamintiisaba gacanta ku hayaan.

Andalin Rasaaq oo madax ka ah barnaamijka kor u qaadista ka qaybgalka dumarka ee maamulka masaajidda ayaa sheegtay in dumarka muslimiintu ay bulshada dhexdeeda hawl aad u fiican ka hayaan, laakiin inta badan aanay lahayn waayoaragnimo ay kaga qaybgalaan golayaasha maamulka ee sare, iyo golayaasha go’aamada sare lagu gaadho, waxa aanay intaas ku sii dartay, “Masaajidda oo dhan waxaa ku waajib ah in ay u taagnaadaan qiyamka sinnaanta iyo ka wada qaybqaadashada hawlaha masaajidka”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here