3 Arrimood Oo Uu Sucuudigu Laaluush Ahaan Ugu Soo Bandhigay Erdogaan Si Loo Soo Afjaro Arrinta Weriye Jamaal

37
5662

Hargeysa (Geeska)- Amiir Khaalid Al-Faysal oo ah amiirka Makah Al-mukarama ee boqortooyada Sucuudiga iyo sida oo kale lataliyaha boqor Salmaan Bin Cabdalcasiis ayaa saddex maalmood ka hor booqasho qarsoodi ah ku tegey dalka Turkiga, waxa aanu kulan la qaatay madaxweyne Rajab Dayib Erdogaan, si uu ugu soo bandhigo arrimo lagu macneeyey laaluush oo uu doonayey in uu kaga bedesho soo afjaridda weriye Jamaal Khaashoqji.

Warbixin shalay 23kii Oktoobar lagu daabacay wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in amiirku uu madaxweyne Erdogaan oo ay xidhiidh saaxiibtinimo oo fiican leeyihiin, u soo bandhigay arrimo uu Sucuudigu u qaban doono Turkiga, haddii ay joojiyaan sii wadista qadiyadda wariyaha. Waxaa ka mid ah; Caawimo lacageed oo kala duwan iyo maalgashiyo lagu taageerayo dhaqaalaha Turkiga oo muddooyinkii dambe dhibaatooyin la kulmay, waxa kale oo uu Amiirku u sheegay Erdogaan in joojinta qadiyadda Jamaal beddelkeeda uu Sucuudigu qaadi doono xayiraadda ay isaga iyo dalalka ay xulafada yihiin saareen dalka Qatar oo ay xidhiidh dhow leeyihiin Turkiga.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya qof uu ku sheegay in uu saaxiib dhow la yahay madaxweynaha Turkiga ayaa qortay in Erdogaan uu diiday soo jeedinta Amiir Khaalid Al-Faysal, isaga oo ku tilmaamay in ay tahay ‘Laaluush siyaasadeed’.

Booqashada Amiirka ee uu wargeysku fashiliyey oo ah tii labaad ee intii ay arrinta wariyaha la dilay socotay, waxaa ka horreysay mid uu tobankii Oktoobar ku tegey dalka Turkiga oo uu la kulmay Erdogaan si ay isla arrintan isula gorfeeyaan. Kulankaas hore oo uu talefishanka Aljazeera fashiliyeyna waxaa ka dhashay heshiiskii ay Turkiga iyo Sucuudigu ku dhiseen guddiga wadajirka ah ee baadhista arritnan, iyo ogolaanshiyihii uu Sucuudigu ogolaaday in la baadho xarunta Qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbuul iyo guriga uu deggenaa qunsulka Maxamed Alcutaybi.

Soo jeedintan ‘laaluusha siyaasiga ah ee Sucuudiga ayaa ku soo beegmay xilli warbixinihii u dambeeyey ee baadhista arrinta Weriye Jamaal sheegayaan in Turkigu uu hayo cajalado cod ah iyo kuwo maqal iyo muuqaalba ah, oo muujinaya dilkii weriyaha iyo googoyntii hilbihiisa, kaddib markii uu qunsuliyadda dalkiisa galay 2dii bishan Oktoobar ee aynu ku jirno.

Hadalka Erdogaan

Dhinaca kalana madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan ayaa hadal uu salaasadii shalay ka hor jeediyey xildhibaannada xisbigiisa ugu jira baarlamanka dalka,  waxa uu si faahfaahsan uga warramay dilka warfidiyeenka Sucuudiga ahaa ee Jamaal Khashaqji lagu dhex dilay safaaradda dalkiisu ku leeyahay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Waxa aanu Sucuudiga ka dalbaday in ay sheegaan cidda ku lug lahayd dilkaas, oo illaa madaxda sare ee soo amartay ku jiraan iyo in dadka dilka geystay loo soo dhiibo si maxkamad loogu saaro Turkiga.

Erdogaan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay in uu u duceeyo Khaashaqji, tacsi uu u diray qoyska, gabadha u doonanayd, guud ahaan shacabka Sucuudiga, iyo wakiillada warbaahinta ee dunida oo dhan.

Madaxweyne Erodgaan waxa uu sheegay, in dilka Weriye Jamaal ahaa mid hore loo sii qorsheeyey, kaddib markii uu hore 28kii bishii sagaalaad u tegey qunsuliyadda si loogu sameeyo waraaqo kaga xidhnaa guurka gabadha u doonanayd ee Khadiija, laakiin qunsuliyaddu ay ballan dambe u qabatay. Waxa uu Erodgaan sheegay in dilka hortii ay magaalada Istanbuul yimaaddeen saddex nin oo ka tirsan sirdoonka Sucuudiga, kuwaas oo booqday keymaha Belgrade iyo meelo ka mid ah gobalka Yaaluwa ee dalka Turkiga.

Qodobbada kale ee uu Madaxweyne Erodgaan sheegay waxaa ka mid ahaa:

– Turkigu waxa uu ogaaday in dilka ka hor ay 15 nin oo Sucuudi ahi dulimaadyo caadiya ku yimaaddeen Turkiga. Waxa aana ka mid ahaa rag ka tirsan sirdoonka Sucuudiga iyo dhakhaatiirta qalniinka ku sameeya xilliga baadhitaannada sharciga la xidhiidha la samaynayo.

– Waxa ay Turkigu hayaan caddaymo sheegaya in Weriye Jamaal Khaashaqji si bahalnimo ah loo dilay 2dii Bishan Oktoobar, “Arrintaasi damiirka aadaminimo ayaa ay si weyn u dhaawacaysaa” ayaa uu yidhi Erdogaan. Oo intaas ku sii daray, “Damiirka bani’aadamnimo ma xasilayo illaa lala xisaabtamo cidda amarka dilka soo bixisay, iyo dhammaan kuwii fuliyey”

– Waxa uu Erodgaan sheegay in Kamaradihii ammaanka ee safaaradda laga saaray kaadhka xusuusta ee duubaya muuqaallada.

– Waxa uu sheegay in Sucuudigu uu afartii bishan Oktoobar si rasmi ah u beeniyey dilka Khaashaqji. In qunsulka Sucuudigu uu albaabada Qunsuliyadda u furay wakaaladda wararka ee Reuters, iyada oo la arkayey qunsulka oo si aanay danaynta arrintani ka muuqan u furaya qasnadaha iyo kabadhada qunsuliyadda yaalla si uu kamaradaha isugu muujiyo sida ruun doonaya in uu caddeeyo in aanay qunsuliyadda waxba ku qarsoonayn.

– Erdogaan waxa uu sheegay in dilka Jamaal uu ak dhacay magaalada Istanbuul, sidaa awgeed uu dalka Turkigu xaq u leeyahay in uu baadhis ku sameeyo. “Turkigu qadiyaddan dabagalkeeda waxa uu ku meteli doonaa dunuda oo dhan, iyo isaga oo wakiil ka ah damiirka aadaminimada” ayaa uu sheegay Erdogaan. Waxa aanu soo jeediyey in dunidu dib ugu noqoto heshiiskii Vienna ee la xidhiidhay xasaanadda diblumaasiyadda si aanay mar dambe u dhicin in cid dembi gashay ay ku baxsato shaadhka diblumaasinimada.

– Erdogaan waxa uu sheegay in 18 ka ruux ee uu Sucuudigu sheegay in uu u xidhay qadiyaddan, 15 ka mid ah ay dawladda Turkigu xaqiiqsatay in ay ku lug lahaayeen dembiga dhacay.

– Erdogaan waxa uu soo jeediyey in ay waajib tahay in la dhiso guddi madaxbannaan oo baadhis ku samaysa dilka Jamaal. Isaga oo boqor Salmaanka Sucuudigana ugu baaqay in 18 ka ruux ee Sucuudigu dembigan u qabtay loo soo dhiibo Turkiga si loogu xukumo.

Madaxweyne Erdogaan khudbaddiisan waxa uu ku soo bandhigay su’aalo badan oo jawaabtooda laga rabo Sucuudiga, waxa aanu caddeeyey in aan galka dembigan la xidhi doonin illaa uu Sucuudigu su’aalahaas ka jawaabo. Waxaa su’aalaha ka mid ah, sababta 15 ka nin ee Sucuudiga ahi u yimaaddeen Istanbuul, iyo cidda soo siisay amarka ay ku yimaaddeen? Sababta ay Qunsuliyadda ugu doorteen Meesha ay kula kulmayaan Jamaal Khaashaqji ee ay ku waraysanayaan sida ay ku andacoodeen? Sababta keentay in Sucuudigu warar is burinaya ka soo saaro dhimashada Jamaal? Sababta illaa imika aan loo helin maydkii Jamaal? Iyo qofka uu yahay gacanyaraha Turkiga ah ee Sucuudiga caawinayey, loona dhiibay maydka Jamaal si uu u qariyo?

– Erdogaan waxa uu sheegay in mar haddii la isku waafaqay in dilka Khaashaqji uu ahaa dhagar siyaasiya, in ay waajib tahay in dadka dawladaha kale ka socday, ee arrintan iyaguna ku lug lahaa, baadhista lagu daro. Hadalkan waxaa laga akhrisanayaa in Turkigu hayo dalal kale ama dad dalal kale ka socda oo arrintan ka caawiyey Sucuudiga, laakiin ma’ uu magacaabin.

– Erdogaan waxa uu Sucuudiga ka dalbaday in dhammaan dadka arrintan ku lug lahaa la caddeeyo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee dembigan amartay. Isaga oo carrabka ku adkeeyey in eed loo jeediyo rag ka tirsan nabadsugidda iyo sirdoonka Sucuudigu aanay ahayn arrin qancinaysa Sucuudiga iyo beesha caalamkaba.

– Ugu dambayntii Erdogaan waxa uu sheegay in baadhista uu Turkigu ku sameeyey dhagartani uu sababay in ol’oleyaal warbaahineed oo bahalnimo ah lagu soo qaaday, si sumcadda Turkiga loo dhaawaco, mararka qaarna la iskuba dayey in Turkiga lagu eedeeyo waxa dhacay, waxa aanu ku hanjabay in Turkigu uu ogyahay cidda wararkaasi ka imanayeen iyo ujeeddada laga lahaa ol’oleyaashaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here