Lawska Waxa Uu Ka Hortag U Noqon Karaa Cudurrada Kansarka, Macaanka Iyo Wadne Xanuunka

0
818

Washington (Geeska)- Dr. Majdi Badraan oo ka tirsan jimciyadda dhakhaatiirta xasaasiyadda iyo hab-dhiska difaaca jidhka ee dalka Masar ayaa sheegay in isticmaalka lawsku uu jidhka ka ilaalin karo xanuuno badan oo ay ka mid yihiin Kansarka, cudurka xusuusta dila ee Alzheimer, macaanka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Digtoorka oo u warramayey shabakadda wararka ee Al-Carabiya ayaa sheegayin cilmibaadhiso caafimaad oo cusubi ay xaqiijiyeen in lawska ay ku jiraann nafaqooyin aad u waaweyn oo muhiim u ah caafimaadka, kuwaas oo waxtarkooda ay ka mid tahay kor u qaadista hab-dhiska difaaca jidhka, in ay ka hortagaan cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, cudurka xusuusta dila ee Alzheimer ka iyuo Kansarka.

Waraysigan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa kale oo uu Dhakhtarku ku sheegay in in lawsku uu jidhka ka yareeyo calaamadaha gabowga, maadaama oo uu lawsku boqolkiiba 25 ka koobanyahay barootiino dib u cusboonaysiiya Nudeyaasha jidhka, iyo nafaqooyin kale oo aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin Asiidhka Foolik, Manganese iyo niacin, waxa kale oo lawska ku jira Faytamiinno tiro badan oo ilaaliya caafimaadka wadnaha iyo halbawlayaasha dhiigga, waxa uu hoos u dhigaa Kalastaroolka dhibaatada keena, waxa aanu jidhka ka ilaaliyaa mariidka iyo Jeermiska.

Dr. Badraan waxa uu sheegay in diirka lawska ay ku jirto Lid Mariid, iyo maaddo bacarimineed oo unugyada jidhka cusboonaysiinaya dhalaal iyo midabkiisa oo qurux badanna u sooceliaya, halka duxda lawskuna ay hodan ku tahay Barootiinno, Lid-mariidyo iyo cusbooyin macdaneed oo jidhka muhiim u ah. Waxa kale oo uu lawsku hodan ku yahay maadadda Niacin oo jidhka ka ilaalisa cudurka  dila maskaxda ee Alzheimer, kana hortagta in kaadi haysta ay dhagxaani ku samaysanto, waxa kale oo uu hodan ku yahay ganka oo jidhka ka caawiya, in uu iska saaro mariidka, in uu miisaanka dhimo iyo in uu ka hortago xiiqda.

Ugu dambayntii waxa uu Dr. Majdi sheegay in lawska ay ku jirto maadadda Tryptophan oo soo saarta maadadda Serotonin oo dhiirrigelisa hurdada, jidhkana ka ilaalisa sakatiga iyo niyadjabka, si aad ahna u wanaajisa xaaladda dabeecadeed ee guud.