Khubaro Caalami Ah Oo Madaxweynaha Masar Ku Tababari Doonta Anshaxa Madaxda

0
569

 

Picture2Qaahira (Geeska)- Ilo xog-ogaal ah oo u warramay Wargeyska Al-yowm As-Saabic ee ka soo baxa dalka Masar ayaa sheegaya in madaxtooyada dalka Masar ay hadda ku hawlan tahay sidii ay dibadda uga soo kaxaysan lahayd khubaro ajaanib ah oo ku xeel dheer, anshaxa iyo hab-dhaqanka mudan ee madaxweynayaasha, si ay madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi u siiyaan duruus ka caawisa in uu ka gudbo caqabado soo waajaha marka uu la kulmo madaxda caalamka guud ahaan, iyo gaar ahaan dalalka reer galbeedka. Warbixin uu wargeyskani qoray ayuu ku sheegay in arrintani ay timid markii dhowaan ay caddaatay in ku hadalka luuqadda Ingiriisida ee madaxweyne Mursi aanay gaadhsiisnayn heerkii u qalmay, qaabka uu ugu dhawaaqayaana aanu sax ahayn, isla markaana aanu luuqadaha kale ee reer galbeedka waxba ka aqoonin. Iyo weliba iyada oo la arkay in madaxweynuhu aanu aqoon u lahay tallaabooyin badan oo muhiim u ah anshaxa iyo hab-dhaqanka caalamiga ah ee looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha dunida.

Xidhiiidho kala duwan ayaa ay madaxtooyada dalka Masar la waddaa ururro iyo mac-hadyo caalamiya oo ku yaalla London iyo Washington, si ay uga soo kiraystaan khubaro madaxweyne Dr. Maxamed Mursi ku tababarta hababka kala duwan iyo anshaxa aasaasiga ah ee cilmi ahaan loo qoray ama si caadiya la isula yaqaanno balse aan qornayn.

Dhinaca anshaxa meelaha sida gaarka ah farta loogu fiiqay in uu madaxweynuhu ku liitana waxaa ka mid ah, hab-dhaqannada iyo anshaxa kala duwan ee ay tahay in uu ku qaabilo munaasabadaha kala duwan ama isku midka ah ee ka dhacaya dalalka kala dhaqan ama diin ah, casuumadaha cunto ee rasmiga ah iyo kulamada caalamiga ah. Waxaa la filayaa in khubaradaasi ay madaxweyne Mursi siin doonaan koorsooyin xooggan oo la xidhiidha dhaqannada kala duwan ee dunida, labbiska iyo qaabka loogu salaynayo munaasabadaha kala duwan iyo xidhiidhada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa ay qasab tahay in ay maraan madaxda, boqorrada iyo guud ahaanba hoggaamiyeyaasha kala duwan ee dunidu marka ay dalalka shisheeye booqanayaan ama munaasabadaha caalamiga ah ka qayb galayaan. Waxaa la barayaa sida dhaqso loogu xallin karo qaladaadka ka dhici kara madaxweyne marka uu munaasabadahaas iyo kulamadaas joogo iyo sida ay tahay in uu isagu qaladkiisa u dambabaso.

Waxaa isna madaxweynaha tababarkan ku wehelin doona sarkaal hadda kadib loo xilsaari doono ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka madaxweynaha si uu dhaqso ugu saxo qaladaadka laga yaabo in ay dhacaan, waxa kale oo uu ka masuul ahaan doonaa labbiska iyo ilaalinta muuqaalka duleed ee madaxweynaha ku habboon, waana arrin dunida oo dhan ka jirta.

Xogahani waxa ay intaas ku dareen in tababarrada muddadaa la siin doono madaxweyne Mursi ay ku jiraan, qaabka salaanta iyo soo dhoweynta marka uu qaabilayo hoggaamiyeyaasha muhiimka ah rag iyo dumarba, sida ay isugu xidhan yihiin salaanta uu hoggaamiyaha salaamayo iyo xidhiidhka labadooda dal, waxaa sidoo kale la bari doonaa luuqadda Ingiriisida, halka luuqadaha Faransiiska iyo Jarmalkana waxoogaa laga bari doono, maadaama oo loo arko in ay yihiin luuqado muhiim u ah Masar oo xidhiidho adag oo diblumaasiyadeed la leh dalalka Faransiiska iyo Jarmalka, qaabka ay tahay in uu ula hadlo warbaahinta, qaabka hadalka iyo anshaxa looga baahan yahay marka uu hoggaamiyeyaasha dhiggiisa ah shirarka jaraa’id la qabanayo.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in madaxweyne Maxamed Mursi uu isagu dalbaday khubaradan iyo in tababarradan la siiyo, gaar ahaan markii dhowr jeer aad loogu dhaliilay hab-dhaqanno lagu arkay marar uu madax kala duwan oo caalamiya la kulmayey, arrintaas oo ay ka xumaadeen dadka reer Masar oo isku tiriya dadka ugu ilbaxnimada fog dunida, isla markaana dadkoodu aqoonta aad ugu fiican yihiin.  Hab-dhaqannada sida aadka ah loogu naqdiyey madaxweyne Mursi waxaa ka mid ahaa, madaxweynaha oo markii uu dhowaan safarka ku tegey dalka Jarmalka laga dareemay qaladaad anshax oo qaarkood yihiin kuwo qof kastaa iska garan karo, tusaale ahaan dhoolla caddaynta iyo wax kasta oo ay labada masuul gaar isu soo yidhaahdeen, haddana marka ay warbaahinta hor yimaaddaan in la muujiyo in midiba kan kale wanaag badan u hayo, habka socodka, iyo in la isku ixtiraamo kala hor-maridda, is-barashada iyo is-baridda. Waxase ay arrinta ugu foosha xumi dhacday markii sawirrada warbaahinta ee laga soo qaaday shirkii jaraa’id ee ay wada qabteen madaxweyne Mursi iyo haweenayda raysalwasaaraha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel, laga arkay madaxweynaha oo saacaddiisda ku mashquulsan xilli hadal laga sugayey, Merkel na ay ku eegaysay indho laga garanayo inay la yaabtay.

Ugu dambayntii waxaa madaxweynaha la bari doonaa qaabka ay tahay in uu isaga caabbiyo su’aalaha kulul ee suxufiyiinta iyo weliba qaabka uu jawaabihiisa uga dhigi karo kuwo aan la qawadin, xataa haddii aanu wax buuran sheegayn, tusaale ahaan in aanu jawaabta bilaabin isla marka ay ka soo dhammaato afka suxufiga.

Xogta uu helay wargeyska Al-youwm As-Saabic waxa ay sheegaysaa in sidoo kale tababarro dhinaca anshaxa shaqadooda ah la siin doono, afhayeenka madaxweynaha, agaasimaha madaxtooyada, xoghayaha gaarka ah ee xafiiska madaxweynaha iyo masuuliyiin kale oo qasriga madaxtooyada ka tirsan. Waxaana la filaya in uu uu bisha Maarj ee foodda inagu soo haysa uu heshiis shaqo dhex mari doono madaxtooyada dalka Masar iyo khubaradaa tababarka bixinaysa oo lagu wado in ay tababarka madaxweynaha bilaabaan isla bisha taas xigta ee Abriil 2013ka.