Ciidanka Laanta Socdaalka Burco Oo Hawlgalo Dhinaca Amniga Ah Fuliyay

0
546

 

Burco(Geeska)- Ciidanka laanta socdaalka ee ee magalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ayaa habeen hore kormeer dhinaca amniga lagu xoojinaayay ka fuliyay  huteelada hurdada  ee  magalada Burco.

Hawlgalkan oo si aan caadi ahayn looga dareemay gudaha magaalada Burco,gaar ahaan Hoteeladda waaweyn ee la seexdo ayaa waxa warbaahinta uga waramay sidii uu dhacay Taliye ku xigeenka Ciidanka socdaalka gobolka Togdheer Farxaan ismaciil Cali (Farxaan-dacawo) waxaanu yidhi . "Runtii howl-galkani balaadhan ee aanu ku samaynay hudhelada Hurdada Burco ujedadiisu waxay ahayd sidii aanu xog buuxda uga heli lahayn cidkasta oo u hoyata amaba seexata hudhelada hurdada ee magaalada si amaanka loo xaqiijiyo xoojintiisa   . Waxaananu mid mid u waraysanay qof kasta oo seexda hudheeladaasi iyo masuuliyiintooda si aanu u ogaano qofkata isla mar ahaantana aanu xog buuxda ka helno meesha uu ka yimi iyo waliba halka uu ku socda .

Waxaanu hawlgalkani qayb ka yahay ololayaal dhinaca amniga ah oo aanu ka fulinayno hudheeladda Burco ,oo aanu mudooyinkan soo socda wadayno .

waxaanan amaan baladhan usoo jedinayaa guud ahaanba shaqalaha kale duwan ee Hudheeladda Burco oo  si fiican oo daacadi ku jirtio noola shaqeeyay  " ayuu yidhi Taliye ku xigeenka. 

Waxaanu intaasi ku daray taliyuhu oo uu usoo jeediyay milkilayaasha ama masuuliyiinta Hudheeladda Burco cid kastoo ay ka shakiyaan in ay la socodsiiyaan ciidanka laanta socdaalka gobolka Togdheer Xafiiskooda Burco iyo Lambaradooda.