Khiyaamada Hudheellada: Midabka, Qaab Qoraalka Diiwaanka Cuntada Iyo Lacagtuba Saamayn Ayaa Ay Leeyihiin

0
919

Hudheellada waaweyn badankoodu waxa ay ka siman yihiin in ay liiska cuntooyinka ay hayaan ee ay macaamiisha tusayaan u dhigaan qaab khiyaamo ku jirto oo saamayn dan u ah hudheelka ku yeelanaysa macmiilka. Qormo uu Geeska Afrika afka hooyo u rogay ayaa ay shabakadda caanka ah ee ‘I believe in science’ ku soo bandhigtay qaabka ay khiyaamadaas hudheelladu u sameeyaan, ujeedada ay ka leeyihiin iyo faa’idada ku jirta. Waxa aanay u dhigeen sida hoos ku xusan:

Xakamaynta ikhtiyaarka qofka

Hudheellada qaabka cilmiyeyesan u diyaariya diiwaanka ay cuntada ay hayaan ugu qoraan macmiilku waxa ay ka faa’idaystaan aragtida cilminafsiga ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘The paradox of choice’, oo marka aynu afksoomaali ku eegno nuxurkeedu ku soo ururayo in ‘mar kasta oo waxa aad kala dooranaysaa uu sii bato, uu  kugu badanaya walaacu [iyo Dookha oo kaa luma]” sababtaas ayaanay hudheelladu cuntooyin aad u tiro badan ugu taxaan warqadda ay ku qoraan cuntooyinka ay hayaan si macaamiishu uga doorato.

Gereg Raab oo ku xeeldheer diyaarinta liiska cuntooyinka lagu qorayo diiwaanka dalabaadka cuntada ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya yidhi, “Marka aad diiwaanka ku qorto wax ka badan 7 nooc ama cunto oo la kala dooranayo, waxaa macmiilka ku dhacaya in uu dawakho oo dookhu ka lumo, aakhirkana waxa uu dooranayaa uun noocii cunto ee uu caadada u lahaa in uu mar kasta dalbado. Waana taas sirta ugu muhiimsan ee ku jirta in qaabkan loo diyaariyo diiwaankan cuntooyinka.

Aaron Allen oo isagua ah lataliye sare oo dhinaca hudheellada ah ayaa mar uu arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Marka liiska cuntada hudheelka loo diyaarinayo qaabka lagu jaahwareerayo, waxa ay macmiilka ku noqonaysaa ciqaab, waxa aanu macmiilku tegeyaa isaga oo aaminsan in aanu si fiican u dhergin. Sababaha arrintaas keenayana waxaa ka mid ah, isaga oo marka horeba aan ku kalsoonaanayn cuntada uu doortay, sababtuna ay tahay dookhii ka qaldamay liiskan dheer awgii”

Sawirrada

Gereg waxa uu sheegay in sawirrada midabbada quruxda badan leh ee la raaciyo cuntada ku qoran warqadda ama liiska cuntooyinka hudheelka yaalla ayaa boqolkiiba 30 ka qayb qaadata korodhka iibka cuntadaas.

Barayn Mennek oo arrintaas sababaynayaana waxa uu yidhi sawirkani waxa uu ekenayaa in qofku uu u fahmo in cuntada loo keenayaana sidan u qurux badan tahay, sida oo kale waxa uu sawirku kor u qaadayaa baahidii cunto / gaajadii qofka haysay.

Qiimaha

Sababaha qofka ku kallifa in marka uu hudheel weyn wax ka cuno aanu la yaabin qiimaha qaaliga ah ee hudheelka waxaa ka mid ah, qaabka uu qiimuhu ugu qoran yahay cuntada horteeda oo ah mid lagu yara jaahwareerayo, tusaale ahaan waxaa si badheedh ah looga tagayaa calaamadda lacagta, iyada oo Doolar loo jeedo ayaan calaamaddii doolarka la raacinayn, markaa qofku nafsiyan in lacag laga rabo ayuun buu fahmayaa waxa aanu isu diyaarinayaa in uu bixiyo lacagtaas xitaa haddii ay yara badan tahay.

Khiyaamooyinka kale ee ay hudheelladu isticmaalaan marka ay doonayaan in qofku u diyaar ahaado bixinta lacagta badan ayaa ay hudheelladu liiska cuntooyinka ugu horreysiiyaan cuntada ugu qaalisan, kadibna waxa ay ku hoos qoraan cuntooyinka kale ee qiimahoodu macquulka yahay. Waa arrin caan ay ku yihiin dhammaantood in liiska loogu horreysiiyo cunto aad u qaaliya, oo lga yaabo in dhif laga dalbado, laakiin nafsiyan qofka arkaaba waxa uu u fahmayaa in hudheelku yahay hudheel dabaqad sare ah oo dad qiimahaa bixin karaa yimaaddaan iyo in uu si bilaa culays ah qofku u bixiyo cuntooyinka ka qiimaha hooseeya.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Cornell ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qiimaha lagu hor qorayo cuntada liiskan dalabaadka ku taallaa ay tahay hab kale oo macmiilka nafsiyan u diyaarinaya in uu lacag badan bixiyo.

Waxaa iyaduan xusid mudan qaabka khiyaamadu ku jirto ee qiimahaas loo qoro oo ah in lacagta lagu daro jajab (Fraction). Haddii cuntada qiimaheedu uu yahay 10 doolar, halkii $10 laga qori lahaa waxaa laga jarayaa sanaati aan macno lahayn. Tusaale ahaan waxaa laga dhigayaa $9.97. Marka ay isha macmiilku ku dhacdo in ay lacagtu toban ka yar tahay waxa uu u fahmayaa in qiimuhu jaban yahay.

Midabbada

Midabbada kala duwan ee loo sameeyo warqadda uu liiska cuntooyinku ku qoran yahay ayaa iyaduna ah hab khiyaamo ah oo lagu jihaynayo nafsadda qofka, tusaale ahaan midabka buluugga ah waxaa loo doortaa in qofka la dejiyo nafsad ahaan, waayo khubarada caafimaadka ayaa sheegay in midabkani hawshaas qabto.

Hudheellada waaweyni waxa ay isticmaalaan warqadda cuntooyinku ku qoran yihiinna ka dhigaan midabka casaanka ama huruudda ah. khubarada ku xeeldheer diyaarinta liiska cuntooyinka hudheellada waaweyn markii arrintan la weydiiyeyna waxa ay sheegeen in sababtu ay la xidhiidho fikirka cilminafsiga ku aroora ee sheegaya in midabka casaanka ahi uu qofka cuntada u furo, halka midabka huruudda ahina uu qofka dareenkiisa soo jeediyo, sidaa awgeed ayaa ay hudheellada waaweyni u jecel yihiin in aanay midabbadan isku darkooda seegin.