Jacayllada Trump Ma Dhammaadaan: Cabsida Laga Qabo In Uu Dumar Badan Siiyey Lacago Aamusiiya

29
2881

Washington (Geeska)- Waxaa toddobaadadii u dambeeyey dalka Maraykanka aad uga socday dacwadda iyo doodaha la xidhiidha lacagta la sheegay in uu madaxweyne Trump siiyey gabadha filimada jinsiga ah metesha ee lagu magacaabo Stormy Daniels, si aanay u sheegin xidhiidhka dhex maray ama dacwad ka dhan ah ugu soo oogin. Haweenaydan ayaa sheegtay in Trump xilligii uu ol’olaha ku jiray, uu lacagtan siiyey si uu u aamusiiyo, isaga oo ka cabsi qaba in hadalkeedu uu wax ka beddelo natiijada doorashada madaxweyne ee uu gelayey. Iyada oo ay arrintani weli taagan tahay, ayaa qareenka Donald Trump uu sheegay suurtagalnimada in Trump uu sidan oo kale lacago siiyey dumar kale oo iyagana uu xidhiidh dhex maray si aanay u hadlin.

Rudy Giuliani oo la hadlay talefishanka ABC ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in aanu haynin xog sugan oo sheegaysa in qareenkii hore ee Turmp, Michael Cohen uu lacago kale siiyey dumar, laakiin haddana aanay arrintaasi wax fog la’ ahayn, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aan aaminsanahay in haddii ay dantu ku qasabtay in uu lacag bixiiyo, in uu bixiyey” Isaga oo hoosta ka xariiqaya in Trump uu hore lacago ugu dhiibay Michael Cohen si loo qariyo ficillo dhaqan xumo ah oo uu ku kacay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warrantay in haddii ay caddaato in Trump uu bixiyey lacago kale, oo uu xidhiidhadiisa haweenka ku asturayo, in ay taasi sii murgin doonto xaaladda Trump oo bilowgii hore deedifeeyey in uu wax lacag ah siiyey Stormy Daniels.

Jilaaga filimada dhaqan xumada ah, Stormy Daniels ayaa 130 kun oo doolarka Maraykanka ah ka guddoontay qareenkii hore ee Trump Michael Cohen, lacagtaas oo qayb ka ahayd heshiis, lagu aamusiinayey Stormy si aanay u sheegin xidhiidhka jinsi ee ay sheegtay in uu sannadkii 2006 dhexmaray iyada iyo Trump. Laakiin Trump ayaa marar badan beeniyey in uu wax xidhiidh jinsi ah la yeeshay gabadha Stormy, isaga oo haddana, qoraallo uu ku faafiyey bartiisa Twitter ka  ku qirtay in uu qareenkiisa dib ugu celiyey lacago uu siiyey gabadhan, si ay u soo afjarto waa uu ugu yeedhay eedaheeda been abuurka ah.

Qareen Rudy Giuliani oo u warramay wargeyska New York Times waxa uu caddeeyey in ol’olihii doorashada kaddib uu qareenkii ka horreeyey ee Michael Cohen uu Donald Trump ka qaatay lacag dhan 460 kun ama 470 kun oo lacagta Maraykanka, lacagtaas oo isugu jirtay lacagta la siiyey gabadha la aamusiiyey iyo kharashaad kale. Dhinaca kalana, Stormy Daniels ayaa madaxweynaha Maraykanka ku soo oogtay dacwad la xidhiidha in uu fadeexadeeyey, kaddib markii uu bartiisa Twitter ka uu ugu qoray ereyo aflagaado ah oo ay ka mid tahay in ay beenaleyd tahay iyo in ay eedo aan jirin ku masabidayso, isaga oo daba socda sheegashadeeda ah in uu mar sii horreysay xidhiidh jinsi dhex maray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here