Itoobiya Oo Laga Yaabo Inay Maanta Doorato Raysalwasaare Cusub, Kuma Ayuuse Noqon Karaa?

37
4070

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga EPRDF ee ay ku bahoobeen xisbiyada dalka Itoobiya taladiisa haya ayaa la filayaa inuu maanta doorto raysalwasaaraha cusub ee bedeli doona raysalwasaarihii hore ee is casilay.

Sida ay xalay baahiyeen aqoonyahano Itoobiyaan ah oo falanqeeya arrimaha siyaasadda, waxa ay tilmaaneen inay soo dhammaadeen shirar u socday afarta xisbi ee ku bahoobay EPRDF, waxaana la filayaa inay maanta doortaan raysalwasaaraha cusub oo la horgayn doono baarlamaanka.

Afar siyaasi oo ka kala socda xisbiyada afarta ah ee ku bahoobay ururka EPRDF ayaa si weyn ugu loolamaya in midkood noqdo raysalwasaaraha cusub. Laakiin labada nin ee ugu dhow ayaa la saadaalinayaa inay kala yihiin Mr. Demeke Mekonen oo ka soo jeeda xisbiga ANDM ee Amxaarada. Mr. Demeke ayaa ah raysalwasaare-xigeenka dalka Itoobiya, waana Muslim.

Dr. Abey Ahmed oo isna ka socda ururka qoomiyada Oromoada ee OPDO ayaa ah ragga loo hadal hayo inuu noqdo raysalwasaaraha cusub ee dalkaas, waxaanu Dr. Axmed oo ah Muslim uu u muuqdaa siyaasi aad loo hadal hayo inuu noqdo raysalwasaaraha cusub.

Haddii uu labadan nin midkood noqdo raysalwasaare, waxay noqonaysaa markii u horaysay ee uu Itoobiya raysalwasaare ka noqdo hoggaamiye Muslimi ahi.

Si kastaba ha ahaate ururka EPRDF ee lagu bahoobay oo hadda dhammaystay kulamo ay u bixiyeen qiimaynta afarta xisbi ee uu ka koobanyahay ayaa hadda u muuqda inuu soo dhammaystay arrimihii kale islamarkaana ay dhawrkii maalmood ee u dambeeyay ku jireen xulashada raysalwasaaraha cusub.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here