“Wakiiladii Aan Xafiisyada Lahayn, Laakiin Mushaharka Qaadan Jiray Ayaa Mushaharkii Laga Jaray, Si Loo Dhiirigaliyo”

55
3412

Dr Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahin ka bixiyay qoraal uu u qoray wakiilada dibadda qaarkood

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa faahfaahin ka bixiyay qoraal uu u qoray wakiilada dibadda qaarkood oo gunada laga joojiyay.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa isagoo faahfaahin ka bixinaya go’aanka uu soo saaray oo uu Geeska Afrika baahiyay wuxuu yidhi “Wakiilada lacagta lagama goyn, balse qofka mar waxa lagu abaalmariyaa wakhtiga, marna hawsha, markaas lacagtii lagu siin jiray wakhtiga markay bishu dhammaato, ee ahaa mushaharka loo diri jiray, ayaanu ku xidhnay inay lacagtu ku xidhnaato hawsha, qofkunaw uu soo dalacanayaa haddii uu xaflad sameeyey, haddii uu safar galay, ama qof khabiira hawl u qabtay, wixii kharashaad ah ee ku baxa hawsha baanu u bedelnay,xilkiina lagama qaadin ee wali qofku waa wakiilkii, oo imikaba waxa jira Wakiilo fara badan oo aan waxba la siinba, oo Wakiil sharafeeda”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey Wakiilada lacagta Mushaharka laga jaray ayaa yidhi “Wakiilada lagama wada jarin Mushahar, ee Wakiiladii aan Xafiisyada lahayn laakiin Mushaharka qaadan jiray, ayaa mushaharkii laga jaray, si loo dhiirigaliyo, oo ay wax u qabtaan, halkii ay ka qaadan lahaayeen   Mushahar ku soo dhaca, waxaana u bedelnay inuu qofku soo dalacdo shaqada kharashkeeda, dalka ayaanu u dhaqaalaynaynaa lacagtiisi, si wax loogu qabto, haddii uu qofku iska qaato mushahar isagoo shaqo kale haysta waa laga fiican yahay, markaas Wakiiladii lacagta lagama casilin, oo Wakiil walba halkiisi ayuu ku magacaaban yahay, laakiin waxa is bedelay habkii gunada loo siinaayey, gunanadooduna waa guno shaqo ku xidhan, waana dhiirigelin, oo halkii mushaharka laga siin lahaa, ayaa lagu abaalmarinayaa, hadba hawsha ay qabtaan”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here