Xildhibaan Kijaandhe Oo Ku Taliyey In Xeerka Doorashada Ee Goleyaasha Deegaanka Wax Laga Bedelo

37
2686

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, ayaa ka hadlay Doorashada Golaha Wakiilada, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in wakhtigeeda lagu qabto Doorashada,muranka ka taagan saami qaybsiga la xaliyo inta aan la gaadhin wakhtiga Doorashada.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku taliyey in nidaamka iyo xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka wax laga bedelo, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko khudbadii Madaxweynaha iyo go’aanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee qaar ka mid ah Wakiilada ama Sariifadda Somaliland ee Caalamka Mushaharka lagaga jaray, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlay khudbadii Madaxweynaha uu yidhi “Khudbadii Madaxweynuhu aad iyo aad bay u wanaagsanayd, oo khudbadiisu  meelo badan oo ina xanuunayey ayey taabatay, oo dhibaatooyinka ina haysta iyo baahiyaha dalka ka jira, ayey ka hadlaysay, oo rajo badan bay galisay khudbadii Madaxweynuhu umadda reer Somaliland, khudbada Madaxweynahana qodob walba dabar ayaa ku xidhnaa, oo sidaas ayaanu yeelaynaa, wakhtigaas ayaanu sameeynaynaa ayuu lahaa, iskamaanu lahayn ee Madaxweynuhu wax xaqiiqada ku saleeysan ayuu ku hadlaayey, waxaanu ku kalsoon nahay in qodob walba sidiisa loo fulin doono”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Doorashada Wakiilada ayaa yidhi “In Doorashada Wakiilada lagu qabto wakhtigeeda waanu taageersan nahay, oo waanu soo dhaweeynaynaa, in badan baanu fadhinay, dadkii na soo doortay waanu u mahadcelinaynaa, Golaha Wakiilada waanu ku raagnay, waana in Doorashada wakhtiga loo cayimay lagu qabtaa, waxa jira dalal kun sanno Barlamaan dooranaayey, oo waxan soo maray, oo dalalkaas waa inaynu weydiinaa waayo-aragnimadooda, oo nidaamkooda ayaanu soo qaadanaynaa, sidaas ayaa saami qaybsiga lagaga bixi karaa, dalalkaas ayaa marar badan isku qabsaday, dabadeed way xaliyeen, kuwaas ayaa waxay kaga baxeenaynu  weydiin doonaa”.

Xildhibaan Kijaandhe mar uu ka hadlaayey Doorashada Golahayaasha Deegaanka ayaa yidhi “Waa in wax laga bedelaa siyaabaha loo soo doorto Xildhibaanada Golayaasha Deegaanka, oo tiradoodana la yareeyaa, oo tusaale ahaan Hargeysa waa in intan laga yareeya, Xeerka Doorashada Golayaasha Deeganka in lagu noqdo oo wax badan laga bedelo ayey u baahan tahay”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here