Heesaa Caan Ahayd Oo Muslimtay, Sababta Hanuunkeeda Iyo Magaca Ay Dooratay

49
4724

Dublin (Geeska)- Fannaanadda caanka ah ee Sinead O’connor oo u dhalatay dalka Ireland ayaa barteeda Twitter ka ku faafisay dhambaal ay ku sheegayso in ay qaadatay diinta Islaamka. Waxa kale oo ay sheegtay in ay magaceedaas hore ka guurtay oo hadda kaddib loogu yeedhi doono Shuhadaa’ Davit.

Fannaanaddu waxa ay farriinteedan Twitter ka ku tidhi, “Waxa aan ku dhawaaqayaa in aan ku faanayo qaadashadayda diinta Islaamka” Shuhadaa’ oo sii wadda qoraalkeeda ayaa sheegtay in muslimnimadeedu ay timid kaddib dadaal dheer oo diineed oo ay gashay, “Waxa natiijo dabiiciga ah ee ka dhalata geeddi kasta oo diineed oo ay maskaxi hagayso” ayaa ay tidhi.

Shuhadaa’ waxa ay muujisay in muslimnimadeeda ka hor ay samaysay cilmibaadhis ku aaddan diimaha samaawiga ah ee dunida ka jira, kaddibna ay gaadhay natiijadan ah in diinta islaamku ay tahay ta ay diimahaas oo dhami ku soo ururayaan, “Dhammaan kutubta daahirka ahi, waxa ay kugu hagaysaa Islaamka oo kutubta muqaddaska ah ee kale, ka dhigaya kuwo aan maanta loo baahnayn (Nasakhaya)” Fannaanaddu qoraalkeeda ay dadka ugu sheegaysay isbeddelka ku yimi aaminsanaanteeda diiniga ah, waxa ay ku soo gabagabaysay, “Waxa aan yeelan doonaa magac kale, waxa aanu noqon doonaa Shuhadaa’…”

Intaas kaddib heesaaga muslimtay waxa ay barteeda Twitter ka ku faafisay war ay ku sheegayso bar cusub oo ay hadda kaddib isticmaali doonto, taas oo ay ku furatay magaceeda muslimnimada kaddib ay la baxday ee, ‘Shuhadaa’ Davitt” waxa aanay ku faafisay sawirkeeda oo ay xisaab xidhan tahay” Shuhadaa’ Waxa kale oo ay barteedan ku faafisay fiidyow ay ka muuqato iyada oo eedamaysa.

Shuhadaa’ waa heesaa iyo hal-abuur aad u soo shaac baxday dabayaaqadii siddeetamaadkii, oo iyada oo labaatan jir ah ay soo saartay albambkii caanka noqday ee ‘The Lion and the Cobra’. Sannadkii 1992 kii iyada oo marti ku ah barnaamij talefishan ayaa ay si aad ah uga hadashay tacaddiyada dhinaca jinsiga ah ee kaniisadda Kaatoliga dhexdeeda lagula kaco ubadka yaryar, waxa aana yqaadda yhees uu lahaa heesaaga caanka ah ee Bob Marley. Barnaamij soo saaraha iyo martidii barnaamijka fadhidayba waxa ay kaga nixisay markii inta ay soo saartay sawirka baadarigii kaatoligga ee xilligaas Pop John Paul kii labaad. Waxa ay ku eedaynaysay in aanu waxba ka qaban dhaqan xumada kaniisadda weyn ee Kaatoligga ka dhex socota.

Sannadkii 2000, mar ay u warrantay majaladda Curve oo si gaar ah uga warrantay arrimaha dadka isku jinsiga ah ee wax is mooda, waxa ay sheegtay in ay qudheedu ka mid tahay dadkaas oo ay marar badan samaysay dhaqannadaas foosha xun.

Sinead O’connor sannadkii 2007 oo ay waraysi siisay barnaamijka Oprah waxa ay sheegtay in ay qabto xanuunka nafsiga ah ee afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Bipolar mood Disorder’ oo ah in qofku uu yeesho laba dabeecadood oo is kedis ah isu bedbeddela, tusaale ahaan farxad iyo nayaayiro aan la qiyaasi karin oo ilbidhiqsi gudaheed isu beddesha niyad xumo iyo murugo. Waxa aanay caddaysay in ay mar isku dayday in ay is disho.

Sannadkii 2014 kii ayaa ay mar kale sheegtay in saddex dhakhtar oo marar kala duwan baadhitaan dambe ku sameeyey ay caddeeyeen in ay nafsi ahaan caafimaad qabto oo aanay qabin xaaladda marka hore lagu sheegay.

Sinead O’connor waxa ay hore u sheegtay in ay diinta kiristanka haysta, iimaankeeda diintaasina uu ka caawiyey in ay ka gudubto duruufo adag iyo macaamilo xumo ay la kulantay carruurnimadeedii.

Si kastaba ha ahaato ee 19kii bishan Oktoobar ee 2018 ka ayaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in geeddi dheer kaddib ay hadda rarka ku furtay muslimnimo. Shuhadaa’ afar jeer ayaa la guursaday waxa aanay leedahay afar carruur ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here