7 Sababood Oo Ay Tahay In Aad Sonkorta Uga Fogaato Iyo Habka Ugu Fiican Ee Aad Isu Illowsiin Karto Isticmaalkeeda

45
2676

Hargeysa (Geeska)- Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahan yahay waqtiyo daryeel iyo kabis ama dayactir lagu sameeyo xubnaha iyo unugyada  kala duwan si ay si habsami ah u sii wataan gudashada shaqada ay jidhka u hayaan.

Buugga ’30 siyaabood oo aad dib ugaga shaqaysiin karto jidhkaaga’ oo uu qoray Ben Greenfield ayaa soo jeedinaya talooyin  iyo tilmaamo aynu uga faa’iidaysan karno ka takhalusidda dhammaan curiyeyaasha dhibaatada ku keena nidaamka nafaqo ee qofka. Kuwaas oo si toos ah saamayn ugu yeesha shaqada jidhka, hoosna u dhiga caafimaadka guud, waxaa ugu horreeya sonkorta cad.

Macaanka sonkorta cadi ma’aha dabiici, sida macaanka uu jidhku ka helo khudradda noocyadeeda, caanaha iyo badarka. Hay’adda caafimaadka adduunkuna waxa ay sheegaysaa in aanay fiicnayn in qofka qaangaadhka ah jidhkiisa uu galo wax ka badan boqolkiiba 10 ah kalooriska laga helo sonkorta iyo waxyaabaha la midka ah.

Qoraaga kale ee lagu magacaabo Diana Herrington oo aasaastay barta internet ka ee ‘Real Food for life’ ayaa sheegtay in ay jiraan sababood oo ay tahay in qofku uu dartood isaga daayo sonkorta, kuwaas oo kala ah:

  1. Nafaqo ma’aha

Waa kalooris madhan, oo waxtarkeeda cunto iyo nafaqadeedu aad u yar yihiin. Waxaa intaas u dheer in jidhku si uu u burburiyo una dhammaystiro geeddiga dheefshiid ee sonkorta uu u baahdo in uu dib xubnaha jidhka uga soo qaato faytamiinno muhiim ah. Arrintani waxa ay sababtaa in nafaqada jidhku hoos u dhacdo.

  1. Dufanka ayaa ay jidhka ku qabataa

Kalooriska sonkorta ku jiraa marka ay jidhka ku bataan waxa ay sababaan in ay ku kaydsamaan nudaha dufaneed ee jidhka, taas oo sababta in miisaanku uu kordho.

  1. Cadho badan iyo qulub

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in uu xidhiidh cadi ka dhexeeyo cunista sonkorta badan iyo in qofka ay ku dhacaan xanuunnada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, warwarka, qulubka, iyo xitaa in qofku uu bulshada ka faquuqmo. Sababtuna waa sonkorta oo sababaysa in Insulin ta iyo Adrenaline ta jidhka uu heerkoodu kor u kaco.

  1. Sonkortu waxa ay sababtaa cudurro khatar ah

Sonkorta oo jidhka ku badataa waxa ay sababtaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin, macaanka, kelyo xanuunka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Waxa kale oo suurtagal ah in ay burburiso awoodda uu ganacu u leeyahay in uu si habsami ah shaqadiisa u qabsado.

  1. Sonkortu waxa ay sababtaa suus

Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha.

  1. Waxa ay daciifisaa habdhsika difaaca ee dabiiciga ah

Sonkortu waxa ay hoos u dhigtaa firfircoonida dabiiciga ah ee shaqada habdhiska difaaca. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Loma Linda ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujisay in cunista badan ee sonkortu uu raad caafimaad darro ah ku yeesho shaqada unugyada dhiigga cad.

  1. Coodh-coodhka

Sonkorta cad / aan dabiiciga ahayn oo jidhka ku badataa waxa ay burburisaa barootiinka ‘Collagen’ taas oo sababta in coodh-coodh da’diisa ka soo horreeyaa uu jidhka ku bato.

Talooyin kaa caawinaya in aad sonkorta joojiso

Habka ugu fiicani waa in aad si tallaabo tallaabo ah u dhinto cuntooyinka sonkorta lagu daro, adiga oo taas beddelkeedana cunaya:

– Khudradda darayga ah iyo ta qallalan. In kasta oo ay sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay khudradad, haddana waa ay ka caafimaad badan tahay sonkorta samayska ah, waxa aanay hodan ku tahay faytamiinno iyo macdanno kala duwan. Waxa la ogaaday in khudraddu ay jidhka illowsiiso baahida iyo doonista uu u qabo sonkorta. Sonkortan dabiiciga ahi malaha kalooris, waxa aanay nafaqaysaa ganaca.

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in sonkorta dabiiciga ahi ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga, isla markaana ay caawiso dejinta dhiigkarka.

– Si tallaabo tallaabo ah u yaree isticmaalka macmacaannada kala duwan.

– Ku dadaal in aad cuntadaada ku soo koobto xilliyada cunto ee waaweyn, iyo in aad waqti go’an cunto, si aad jidhka ugu ilaaliso sonkorta oo hoos u dhacaysa haddii waqtigii jidhku cuntada u baahnaa uu dhaafo.

– Ku dadaal in aad cabto cabbitaannada dabiiciga ah, sida liinta noocyadeeda.

– Gurigaaga, xafiiskaaga, gaadhigaaga ama meel kale oo kuu muuqata ha dhigin sonkor ama shay sonkor leh sida shaglaydhka sonkorta leh, si aanay naftu doonistiisa u xasuusan.

– Ku dadaal jimicsiga, gaar ahaan socodka. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo aad dareento in aad sonkor ama macmacaan u baahantahay in aad bilowdo socod.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa isku raacay in jacaylka badan ee ay dadka ciyaaara / jimicsiyada sameeyaa u qabaan sonkortu uu hoos u dhaco marka ay jimcsiga sameeyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here