Hay’adda Caafimaadka Adduunka Ayaa Sheegtay In La Qabsiga Ciyaaraha Fiidyowgu Ay Daroogada La Mid Tahay

37
2903

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa qabatinka ciyaaraha Fiidyowga lagu ciyaaro kala mid dhigtay cudurrada dadka ku dhacay, gaar ahaan la qabsiga balwadda maandooriyaha ah iyo khamaarka.

Dareenka doonitaan iyo u boholyowga dadka qaar u qaadaan ciyaarahan marka ay ka raagaan, ayaa ay hay’addu liiska cudurrada ka gelisay darajada kow iyo tobnaad ee caalamiga ah.

Agaasimaah qaybta caafimaadka nafsiga ah iyo daweynta balwadaha ee hay’adda WHO, oo lagu magacaabo Shikhar Saxena ayaa mar uu arrintan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Kaddib markii aanu la tashannay xeeldheereyaasha dunida oo dhan, (..) waxa aanu ogaannay in xaaladdaas uu qofku dareemo marka uu ciyaarahan waayo, ay mudan tahay in lagu daro liiskan cudurrada”

Dhinaca kalana hay’adda WHO oo sii sharraxaysay xaaladdan ay ku dartay cudurrada ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ‘xaaladdaas ka dhalatay la qabsiga ciyaarta fiidyowga lagu ciyaaro ama ciyaaraha kale ee taleefanka ama aaladaha kale ku jiraa, ay gaadho heer qofku is xakamayn kari waayo, ciyaartuna ay noqoto waxa ugu horreeya, ee danihiisa iyo hawl maalmeedkiisa kale oo dhan ka mudan. Waxa kale oo uu la qabsigani keenaa in qofku uu ciyaarta wado, muddo dheer isaga oo aan dareemayn dhibaatada kale ee ka soo gaadhaysa’.

Goorma ayaa qofka la odhan karaa cudurkan ayaa haya?

Haddii ay dhacdo in la qabsiga uu qofku cudurkan la qabsaday ay dhaawacday hawlihiisii kale ee shakhsiga ahaa iyo hawlihii iyo shaqadii u taallay ee qoyska, bulshada ama dhaqanka iyo aqoonta, xaaladdaasi ay noqoto xaalad aan qofka ka tegin ugu yaraan muddo 12 bilood ah. Sannadkaas oo mar kasta ciyaartan uu ku fikirayo ama ciyaarayo, waxa uu macnaheedu noqonayaa in uu cudurkani hayo, una baahan yahay in dhaqso looga daweeyo.

Sida uu Shikhar Saxena sheegayna haddii aan qofka laga daweyn,  xaaladdiisu waxa ay gaadhi doontaa heer uu cuntada iyo hurdadaba ka jeclaado ciyaarta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here