Haddii Aanan Afkaygoow:- W/qAxmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

10
304

Dhalashada afkaygiyo,

Dhigashada fartaydaan,

Kaga baxay dhibaatoon,

Hawlihii ku dhaafee

Waa inaan ku dhaataa, afkayga,

Waa inaan ku dhistaa, afkayga,

Waa inaan ku dhaqdaa, afkayga,

Waa inaan ku dhergaa, afkayga,

Waa inaan ku dhintaa, afkayga.

    Hadraawi  "Afka hooyo"

"….Waxa jiray oday awawgay ah oo cimri iyo cudur isugu darsameen. Marka la waydiiyo xaalladiisa caafimaad ee la yidhaa: Iska waran? Wuxuu odhan jiray alla ha u naxariistee "Haddii ay cishaha igu gaadho, waa haddii ay waydo meel ay ka baxdo". Waxaan uga socdaa wadnaha ayaan farta ku hayaa oo waxaan is idhaa Af-soomaaliga toban sanno oo danbe ma lagu sii hadli doonaa? Markasan idhaa waa haddii ay waydo meel ay ka baxdo……"

Erayadan qadh-qadhyada iyo qota dheerida lihi waxay ka mid ahaayeen farriin bogaadin iyo boorin isugu jirtay oo iiga timid akhriste deggan kililka shannaad ee Soomaalida Itoobiya. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa  uu si quus leh ugu soo geba-gabeeyay "Walaalaw bal wax qor qor"

Run ahaantii inkasta oo aanan qabin in Af-soomaaligu toban sano ama labaatan sano ku dabar go'i karo, haddana dareenno taban oo arrintaa ku saabsan baa laabtayda mar walba lula. Maalin aan sii fogayn waxaan ku baydhay dhalinyar Soomaaliyeed oo meel lagu kulmo fadhida. Is nabdaadin ka dib buug gacantayda bidix ku jiray ayay soo wada holliyeen, markii aan u sheegay qolada buuggu yahay( Inuu Soomaali yahay). Hankoodii hoos buu u dhacay; qaar ka mid ahina waxay si dhaadasho ku jirto u yidhaahdeen: Soomaaliga ma akhrinaba. Hadda garo'oo kuwa sidan u hadlayaa  waxay ku dhasheen, ku barbaareen kana yimaadeen Soomaaliya. Lama yaabin,  waayo gudaha qofka Soomaaliga ah waxa si aan dareen lahayn ugu abuuran in ku hadalka iyo wax ku qorka afafka qalaad ay ku jirto sarayn iyo sareedo. Halka ay hoosayn iyo liidnimo u arkaan in Af-soomaaliga wax lagu barto ama wax lagu qoro. Dadka sidaa hoose u fekerayaa waxaanay dhaadanayn in ay iyagu is yasayaan marka cid walba laga tago. Waayo qof kasta oo aannu is baranaa waxa uu I waydiiyaa wadanka aan u dhashay, ka dibna waxa uu igu yidhaa af ma leedihiin, haddana waxa uu ii sii raaciyaa ma af qoran baa? Yaab, bal waxaad is waydiisaa sirta ku jirta cidda aan ahay iyo afka aan ku hadlo xidhiidhka ka dhexeyn karaa muxuu yahay? Wuxuu yahay: " qof aan af lahayni wuxuu ka dhigan yahay ummad aan af lahayn, ummad aan af lahayna waxay ka dhigan tahay ummad aan jirin" Markaa jiritaanka ummadda iyo horumarkeedu wuxuu ku jiraa sida ay afkeeda u danayso, una daryeesho haddii aynu nidhaa miyaynu qaldanahay?

Waxa kale oo ay moog yihiin qolada aan kor ku soo xusnay in afafka ay horumariyaan dadka wax bartay  ee iyaga la midka ahi, halka ay iyagu afkoodii boodhka ku qasayaan.  Ma diidani in afaf badan la barto, oo anniguba inkasta oo aan bilow ahay haddana waxaan bartaa Carabiga iyo Ingiriisiga. Waxaase is waydiin mudan maxaan u bartaa? Waxaan u bartaa inaan aqoonta iyo afkaarta wanaagsan ee ku kaydsan afafkan obocdooda u soo bandhigo bulshadayda, kuna soo bandhigo afkayga. Oo maxaa ku jaban haddii aan ku soo bandhigo afafkaa qalaad ee ay ku qornaayeen awalba? Waxa ku jaban waxa wiiqmaya mar walba fahanka farriintayda ee ku aadan bulshadayda. Sidee bay u wiiqmaysaa? Waxay u wiiqmaysaa hadda marka aan Soomaali wax ku qorayo waxa igu soo dhaca mararka qaarkood erayo culus  oo Af-soomaali ah, ka dib waxaan is waydiiyaa eraygaa boqolkiiba inta fahmi karta. Waxaana  ii soo baxa  inay dad yari garan karaan, markaasaan tir tiraa oo aan dib u raadiyaa eray u dhigma oo dadka badidiisu fahmayaan. Waxaan sidaa u samaynayaa in fariintaydu  noqoto mid cad oo cuddoon. Waxaanse adiga ku waydiiyay ma Soomaali baad wax u baratay mise faranji? Waxaan wax u bartay Soomaali. Dee Soomaalidu af bay leedahay ee afkeeda ugu gudbi waxaad u hayso ee fikir ah. Haddii ay leedahay anigu markii hore wax kuma baran Af-soomaaliga. Haddana inaan wax ugu gudbiyaa way igu adag tahay ee maxaa xal ah? Waa runtaa oo inta Soomaali wax u baratay ama af carbeed bay wax ku barteen ama af faranji laakiin waxaan ku waydiiyay inaynu Soomaalida carabiyayno ama faranjiyayno oo ay inaga ina soo raacaan iyo in aynu  iyaga raacno oo aynu afkeenna si qoto dheer u baranno ka dibna aqoon iyo afkaar wixii inagu soo dhaca aynu ugu gudbino midkee baa kula haboon? Waxa ila haboon inaan afkeenna aad u barano oo sidii aynu u hormurin lahayn ka shaqayno, laakiin waxa jirta aragti aan la is moogaysiin karin, taas oo ah aragtida bulsheed ee ku aaddan qofka afafka qalaad ku hadla. Oo maxay tahay aragtidaasi? Waa mid kor u qaadaysa meeqaanka qofka afafka qalaad barta illaa uu dareemo mudnaan iyo ixtiraam gaara, markaa aragtidaa bulshada sideed u aragtaa? Waa runtaa oo bulshadu qayb bay ka tahay aasitaanka afkeeda  waxaase ugu wacan aqoon la'aan. Aragtida  aqoonyahanka ee afka ku aaddana? Waxaan u arkaa mid ka sii hoosaysa ta bulshada. Oo in bulshada adduunka laga iibiyo qaddiyadeenna Soomaaliyeed miyaad ka soo horjeedaa? Maya, laakiin ma inagaa lehba maanta wax adduunka laga iibiyo. Ma faqriga, jahliga iyo dagaalada aynu sababnay baan bulshada adduunka u bandhignaa?. Dadka Af-soomaaliga wax ku qoraa iyaga laftigoodu qayb ma ka yihiin hoos u dhaca afka? Haa, way ka yihiin waayo dadka had iyo jeer uma soo gudbiyaan wax hufan oo haadsan. Waxa aan macnaha buuran lahayn ee ay gawl galaana dadka waxay ku abuuraan aragti taban oo ah in aan Af-soomaaliga lagu soo gudbin Karin dareenada dhabta ee uu qofku qabo. Markaa maxaa xal ah? Waxa xal ah in afka loo tudho, loo damqado, loona diirnaxo.  Waar naga dhaafoo, adigu ma ku hadashaa afafkaa qalaad? Si toosa uguma hadlo ee si dadban baan ugu hadlaa. Kuma fahmin.. Waxaan ka wadaa hadalka ayaan dhex gal galiyaa erayada qalaad sida "Waxa naga support gareeyay"  Oo maxaa kugu kalifay inaad dhex galiso? Dadka ayaan dareensiinayaa inaan aqoon leeyahay. Oo aqoontu ma af qalaadbaa waa halkii Cali Sugulee? Haa sida Soomaalidu u haysato. Ugu danbayn haddii aanan afkaygoow arradkaaga ka shaqayn, Haddii aanan boodhkiyo buska kaaba dhawrayn, Soomaali kama dhalan.

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

Awliyo177@hotmail.com.

Comments are closed.