Haddii Aad Mid Raadinayso Farxad Sannad Ah Lacag Ururso, Haddii Aad Doonayso Mid Weligeed Ahna Qof Caawi

50
4092

Beijing (Geeska)- Waxaa jira halkudheg afka Shiinaha ku jira oo yidhaahda, “Haddii aad doonayso farxad saacad ah ah, qadada kaddib seex. Haddi iaad doonayso mid maalin dhan ahna kalluumaysi u bax. Haddii aad raadinayso farxad sannad ah, waxa aad u baahan tahay lacag, laakiin haddii aad doonayso mid noloshaada oo dhan ah, qof caawi”

Cilmibaadhiso caafimaad ayaa daahfurtay in qofka oo caawiya dadka kale ay u noqoto dawo ka yaraysa walbahaarka iyo warwarka, sababna u noqonayso farxad.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Pittsburgh ee Maraykan ayaa ogaaday in taageeridda iyo u gargaaridda dadka kale ay keento acsaabta oo degta iyo qofka oo firfircooni dheeraad ah dareema, taas oo xoojinaysa caafimaadka guud ee qofka. Khubarada oo ka hadlayey sababta ay arrintani ku imanayso ayaa sheegay in mar kasta oo uu qofku caawiyo qof kale in ay firfircooni geliso maskaxda qaybteeda la xidhiidha dareenka waalidnimada. Sida oo kalana ay yarayso hormoonnada kor u kiciya warwarka iyo diiqadda.

Tijaabo arrintan la xidhiidha oo ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa muujisay, qofku marka uu sadaqad bixiyo ama qof baahan uu si uun u caawiyo in uu nafsad ahaan dareemo sida ruux culays saaran iska riday iyo in uu bulshadiisa aad ugu xidhanyahay.

Cilmibaadhis kale ayaa iyaduna taageertay isla natiijadaas hore, waxa aanay tilmaamtay in caawimada tooska ah ee aad dadka kale tartaa ay kaa yaraynayso heerka cabsida iyo sakatiga nafsiga ah, isla markaana ay qofka ku beerto dareen togan oo xoog badan.

Baadhis ay isla arrintan ku samaysay jaamacadda Oxford ayaa daahfurtay in qofka oo samafal iyo hawlo wanaagsan ku kaca, sida in uu caawiyo hay’adaha samafalka, ay qofka ku abuurto dareen farxadeed.

“Raadka ay hawlahani kugu yeelanayaan, waa uu yar yahay, noloshaada caadiga ahna kaa duwi maayaan, laakiin waxaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan in noloshaadu ay jihada saxda ah u socoto” sidaa waxaa yidhi cilmibaadhe D. Scott Koori, oo daraasaddan samaynteeda ka qayb qaatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here