Cuntada Shiilan Ama Qasacadaysani Waxa Ay Keentaa Dhiigkar, Wadne Xanuun Iyo Caafimaadarro Oo Kale

38
3358

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo dalka Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in cuntooyinka shiilan sida quraaca iyo saambuusaha ama cuntooyinka warshadaysani ay keenaan dhiigga oo kaca. Cilmibaadhayaasha oo ka tirsanaa maxadka caafimaad qaranka ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in nidaamka cunto uu ka mid yahay arrimaha saamaynta ku leh khatarta ah dhiigkarka.

Cilmibaadhistan waxaa lagu faafiyey Warsidaha caafimaadka ee ‘Journal of American Medical Association’ ayaa sheegaysa in cuntooyinka shiilan, cuntada warshadaysan iyo cabbitaannada sonkortu ku badan tahay ay dhammaantood dhiigga kiciyaan, gaar ahaan marka uu qofku dhiigkarka leeyahay.

Hilibka warshadaysan waxaa inta badan lagu daraa dawooyin iyo maaddooyin suurtageliya in cimrigiisu uu dheeraado, waxa kale oo ay ku daraan milix iyo maaddooyin ka ilaaliya in uu isbeddel ku dhaco dhadhanka iyo midabka. Halka marmarka qaarkoodna ay warshaduhu cuntooyinkan u isticmaalaan maaddooyin dhadhanka wanaajinaya. Haddaba waxa ay khubaradu sheegayaan in maaddooyinkani ay sababaan dhibaatooyin caafimaad darro oo tiro badan. Dhibaatada ay keenaanna ay ka mid tahay, dhiigkarka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Waxa ay daraasaddu ku Talisay in sida ugu habboon ee dhiigkarka lagaga hortegi karaa ay tahay in qofku uu miisaanka badan iska ilaaliyo iyo in uu si aad ah uga fikiro nidaamkiisa cunto, oo tusaale ahaan aanu isticmaalin cuntooyinka shiilan, cuntada qasacadaysan sida, kalluunnada, hilbaha xayawaannada kale iyo xitaa cuntooyinka noocyadooda kii ay yihiinba. Sida oo kalana aanay isticmaalin cabbitaannada ay biyuhu ku badan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here