Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Baaqii Ay Denmark Iyo Holland Soo Jeediyeen Ee Ahaa In La Bilaabo Wada Hadalada Hargeysa Iyo Muqdisho

48
4163

Hargeysa (Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay baaq ay dhawaan jeediyeen safiirada dalalka Denmark iyo Holland u jooga dalka Kenya, oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaalida.

Safiirka Denmark ee Kenya Mette Knudsen iyo safiirka wadanka Holland ee Kenya Frans Makken, ayaa dhawaan ku baaqay in deg deg loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana la kulansiiyo madaxda Somaliland iyo Soomaaliya waxaanay hadalkan ka sheegeen magaalada Nayrobi.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo uu Wargeyska Geeska Afrika weydiiyay sida ay Somaliland u aragto baaqaas dalalka reer Yurub, ayaa yidhi “Inagu Somaliland ahaan marnaba kamaynu bixin wada hadalada, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, hore ayuu u sheegay inay Somaliland diyaar u tahay inay Somaliya la hadasho, marka la helo  jawi lagu wada hadlo, waxaana xaqiiqo ah in Somaliya ka leexatay jawigii labada dal ku wada hadli lahaayeen, waxaana xaqiqo ah in Farmaajo uu yidhaahdo wada hadalada Somaliland diyaar ayaanu nahay, haddana uu xaqiiqada iska indho tirayo, mar walbana mawqifkayguna  in aanu Somaliland iyo Somaliya ahaadan laba dal oo jaar ah oo kala madax banaan, maxaa yeelay markii hore ee aanu isku darsanay ee aanu midawnay laba dal baanu kala ahayn, haddana waanu kala baxnay, si kasta oo loo wada hadlana sinaba suurtagal ku noqon mayso in qadiyada iyo mawqifka Shacabka reer Somaliland laga noqdo, oo ah in Somaliland ahaato dal madax banaan, waxaana 97% Shacabka reer Somaliland u coddeeyeen in aanay rabin inay Somaliya la midobaan”.

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay socdaalka ay Somaliland ku timid  Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Britain u qaabilsan Afrika ayaa yidhi “Cid kasta oo Somaliland marka hore fikir kale ka aaminsan, markay arkaan oo ay yimaadaan, ayey qiraan nidaamka, dhismaha, dimuqraadiyada, nabadgelyada, horumarka iyo kala dambaynta ka jira, waxaana dhaba in Wasiirul Dawlaha inoo timid, ay ogaatay horumarka balaabadhan ee dhan kasta leh ee dalkeena ka jirta, iyo kala duwanaasha aynu kala duwan nahay Somaliya, waxaana dhab ah in Somaliland dhabihii horumarka hayso, halka Somaliyana aynu ognahay xaalada ka jirta”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay walaaca Beesha Caalamka ee dib u dhaca ku yimaada Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiilada ayaa ku jawaabay “Wax walba siday u dhacayaan ALLE ayaa og, qaybkana ALLE ayaa og, balse qorshuhu wuxuu ahaa in Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanku inay qabsoomaan Sannadka dambe bishiisa Saddexaad, ilaa haddana qorshihii waa sidii wax iska bedelayna ma jiro, dib u dhac ku yimidna ma jiro, haddii ay dib u dhac ku yimaadana ilama ah in isla sannadkaas ay dhaafi doonto, aniguna waxaan saddexda Xisbi kula talinayaa inay ka heshiiyaan oo is fahan ka gaadhaan arimaha Komishanka, iyo arimaha Doorashooyinka ee lagama maarmaanka ah”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here