Haboon Deeqa Oo Tukaan Iibiya Jumlada Ka Furtay Hargeysa

0
975

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirkada dharka ee Haboon Deeqa ayaa tukaankii ugu horeeyay ka furtay magaaladda Hargeysa, shirkadan Haboon Deeqa oo aad caan u ah ayaa tukaano dharka ah ku leh magaalooyinka Dubai iyo Jabuuti.

Mulkiilaha shirkadan Haboon Deeqa oo magaceedu yahay Haboon Jaamac Xasan oo warbaahinta kula hadlaysay tukaankan dhanka dharka ah ee ay ka furatay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegtay inay dalka ku soo kordhin doonto dhar casri ah.

Sida oo kale bacadlayaasha Waaheen,Masno iyo tukaanada dharka ee Hargeysa ayaa si diiran u soo dhaweeyay jumladlahan Haboon Deeqa, sida ay ka sheegeen xaflada furitaanka tukaankan dharka tayada leh  ee Haboon Deeqa.

Ugu horayntii Maxamed Ibraahin Dubad oo ku hadlaayay afka bacadlayaasha suuqa Waaheen ayaa si diiran u soo dhaweeyay Haboon Deeqa“Runtii waa meherad muuqaal qurux badan leh, in badan ayaynu ka maqlaynay warbaahinta Haboon Deeqa, laakiin maanta waxa ay inoo timi iyada oo cagaheedii ku socota, maheradeeduna waa bisaylkii loo baahnaa mar haddii aanay tafaariiqaynayn waxii ay iibinaysay, waad ogtihiin oo waxa jira meherado badan oo intay keenaan jumladii hadana iyagii uun tafaariiqeeya, haddaanay midh midhkaas nagu iibin aadbaanu u soo dhawaynaynaa hadaanu nahay bacadlayaasha suuqa Waaheen.”

Axmed Cabdi oo isaguna ku hadlaayay afka  suuqa Masno ayaa si diiran u soo dhaweeyay furitaanka jumladlaha Haboon Deeqa “Haddaanu nahay shaqaalaha Masno waxaanu aad iyo aad u soo dhawaynaynaa  Haboon Deeqa oo in badan warbaahinta  aanu  ka maqli  jirnay, in badana wax aanay keenin aanu ku iibinay magaceeda, laakiin hadda gacantaan ku haynaa, inaan yar oo afar jir ah ayaan dhalay oo markay tidhaahdo Haboon Deeqa wax iiga soo iibi ayaan idhaahdaa waan kaaga soo iibiyay aabo, waanu soo dhawaynaynaa.”

Sida oo kale Mawliid Axmed Jibriil oo ka tirsan dadka dharka ka ganacsada ayaa aad u soo dhaweeyay jumlad laha Haboon Deeqa“Waa maalin muhiim ah oo Haboon Deeqa oo aanu hawada ka maqli jirnay  ay dalkii soo cagi dhigatay, taasna waxa suurto galisay nabadgalayda iyo horumarka Somaliland ka jira, waxaanu leenahay dalka ku soo dhawoow waa dalkaagii hooyo, dadkana waxaanu leenahay ka warhayaa Alaabtii aad Dubai aad ugu dhoofi jirteen in halkan laydiin ku keenay.”

Ugu danbayntii Haboon Jaamac Xasan (Haboon Deeqa) ayaa farxad balaadhan ku tilmaamtay inay ka furtay Hargeysa jumladlihii ugu horeeyay ee dharkeeda, waxaanay xustay inay alaabooyin casri ah ku soo kordhin doonto suuqa ganacsiga ee Hargeysa, waxaan hadaladeeda ka mid ahaa“Waxa ii farxad ah in magaalo madaxdii Somaliland aan ka furo tukaankii ugu horeeyay ee jumlad ah, wax tafaariiq ahna aan ahayn, oo maanta(Shalay) aniga iyo inamadii suuqa ku jiray haday bacadle tahay iyo  hadii ay tukaanadii yar yaraa tahay intuba ay I hareero joogaan, kolba waxii ay naga dalbadaan ee casri ah ayaanu ku soo kordhino suuqa Hargeysa.”