Gariirka Iyo Khalkhalka Ku Dhaca Habdhaca Garaaca Wadnaha, Calaamadaha Lagu Garto Iyo Daweyntiisa

50
5592

London (Geeska)- Wadnaha oo gariir laga dareemo ama garaaciisu uu si habsami u dhici waayo, sida in uu degdego ama gaabis noqdo ama labada isku daraa waxa ay keentaa neefsiga oo uu qofku qawado, daal iyo dawakhaad, haddii ay muddo dheer sii jirtana waxa ay keeni kartaa dhiigga oo ka xidhma maskaxda ama ku furma, taas oo keenta faalig iyo in unugyada maskaxdu ay dhintaa, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka qaranka ee boqortooyada Ingiriisku. Waxa kale oo xaaladdan ka dhalan kara wadnaha oo shaqadiisa gaba, kaddib marka uu dhiigga wada gaadhsiin kari waayo jidhka oo dhan.

Caadi ahaan garaaca wadnuhu waxa uu ku saxan yahay inta u dhexeysa 60 illaa boqol jeer in uu garaaco halkii daqiiqo, waa marka uu qofku xaalad nasasho ah ku jiro ama aanu wax hawl ah oo daal keenaysa wadin.

Calaamadaha

Dhibaatada ugu weyn ee ay xaaladdani leedahay waa in aanu qofku marar badan dareemin ba in wadnihiisu garaaca si qaldan u samaynayo, fursadda keliya ee lagu ogaan karaana ay tahay qofka oo si uun dhakhtar u taga baadhistaas lagu ogaado. Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira calaamado kale oo marar badan lagu garto xaaladdan, waxa aana ka mid ah:

– Daal iyo burbur qofka oo aan hawl qaban, wahsi badan.

– Wadnaha oo lulan ama garaac aan caadi ahayn sameeya, xaaladdan oo inta badan ilbidhiqsiyo keliya socota, daqiiqadana noqon karta.

– Wadnaha oo garaaciisu noqon waayo mid si habsami ah oo dabiiciya u socda, tusaale ahaan garaacu degdeg noqdo.

– Qofka oo awoodi waaya in uu jimicsiga ama ciyaaraha jidhka sameeyo. Neefsiga oo cidhiidhi noqda, dawakhaad uu dareemo iyo xitaa miyir beel, laab xanuun iwm.

Sababaha keena

Cilmigu weli sabab cad uma uu helin xaaladdan garaaca aan caadiga ahayn ee wadnaha, laakiin inta la ogyahay, da’da qofka oo weynaataa waa ta ugu badan. Laakiin waa ay dhici kartaa in lagu arko dad aan dhibaato hore oo caafimaad lagu ogeyn, miisaankooduna uu saxan yahay.

Waxa kale oo xaaladdan lagu arkaa dadka wadne xanuunka leh, dadka dhiigkarka leh, dadka xididdada dhiiggu adkaadeen / qallafaan, xanuunnada ku dhaca haniyeyaasha wadnaha, xanuunnada abuurta ah ee wadnaha, cilladaha ku dhaca muruqyada wadnaha, ololka ku dhaca xuubka muruqa wadnaha iwm.

– Shaqada qanjidhka hunguriga oo inta caadig ah ka badata, dheecaanka uu soo deynayaana kordho, kaarka iyo nabarowga sambabada, xiiqda, sambabada oo xidhma, kansarka sambabada iyo macaanka ayaa iyaguna keena garaacan aan caadiga ahayn ee wadnaha.

– Khamriga cabbistiisa, miisaanka oo kordha, cabbitaanka maadadda Caffiene ku badan tahay oo la badsado, iyo maandooriyaha ayaa iyaguna dhammaantood xaaladdan keena.

Daweynta

Daweynta ugu fiicani waa in uu qofku isticmaalo dawooyinka nidaamiya garaaca wadnaha, taas ayaana ah habka ugu fiican ee uu ku xakamayn karo khatarta ah in xaaladdani maskaxda dhaawacdo, haddii xaaladdu sii xumaatana waxaa jira habab iyo qalabyo caafimaad oo iyagana la adeegsan karo.

Talo

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in marka ugu horreysa ee aad dareento in garaaca wadnahaagu sidii caadiga ahayd ka tagay, adiga oo aan hore xaaladdaa isugu ogeyn, in aad sida ugu dhaqsaha badan u tagto dhakhtar kuu sameeya gurmad degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here