“Somaliya Imika Islama Jaanqaadi Karno Oo Madaxweyne Iyo Barlamaan Shacab Soo Doortay Kama Taliyaan”

0
915

Axmed Yuusuf Yaasiin

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa tilmaamay in Somaliland iyo Somaliya aanay sinaba iskula jaanqaadi karin, madaama uu xusay in Somaliland tahay dal Dimuqraadiya, oo Doorashooyin xor iyo xalaal ahi ka dhaceen, isla markaana Shacabka reer Somaliland ay iskood u doortaan Madaxweynahooda iyo Barlamaankooda, halka uu tilmaamay in Somaliya aanay ka talin  Madaxweyne iyo Barlamaan ay Shacabku soo doorteen.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay  “Somaliland iyada ayaa isku tashatay, oo Maamulkeeda, Ciidankeeda iyo Shaqaalaheedaba iyada ayaa xalisa, halka Somaliya intaas oo maamul Goboleed ka jiraan, waxaana xusid mudan in Maamul Goboleedada oo ay ugu horeeysay Puntland, loo sameeyey in Somaliland lagu xumeeyo, halka runtii ay Somaliland amaankeedu sugan yahay, Somaliya maalayiin lacag ah ayaa amaankooda lagu dul cunaa, Somaliya markay dhisato maamul kaamila, oo gaadha Somaliya oo dhan, maxa yeelay Somaliya kama taliyaan Madaxweyne iyo Barlamaan ay Shacabku iskood u soo doorteen, halka Shacabka reer Somaliland ay iskood u doortaan Madaxweynahooda iyo Barlamaankooda, oo qof walba cida uu u garto inuu codkiisa siiyo ayuu siiya, markaas Somaliya imika islama jaanqaadi karno, maxa yeelay Madaxweyne iyo Barlamaan Shacab soo doortay, kama taliyaan, waxaana haboon inaynu wada hadalno Somaliya marka ay ka taliyaan Madaxweyne iyo Barlamaan cod shacab ku yimid”.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland iyada ayaa iyada ayaa xoriyadii ugu hor qaadatay, iyada ayaa shanti Somalida raadinaysay, midnimadii shanta Somaliyeedna wey fashilmeen, sidaas oo ay tahay Somaliland dib ayey ula soo noqotay xoriyadii ka luntay, cid kasta oo ku fikiraysa midnimo dambe inay Somaliya na dhex marto, ha ogoto in calankaas tawxiidku aanu dhacayn, sinabana Somaliya ugu biiri mayno, maxa yeelay waanu ka tashanay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here