Facebook Oo Sabab U Noqday In Nin Darawal Ahi Uu Xaqiisii Ka Helo Sarkaal Booliis Oo Ku Xadgudbay

31
4102

Qaahira (Geeska)- Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar ayaa ku qasbanaatay in ay baadho xaqiiqada Fiidyow lagu baahiyey barta bulshada ee Facebook. Fiidyowgan oo ay faallooyin iyo dib u sii faafin ku sameeyeen kumannaan ka mid bulshada dalkaas, ayaa laga arkayaa sarkaal ka tirsan booliiska oo xadgudub kula kacaya darawal aan wax dhibaato ah geysan. Waxaa muuqanaya sarkaalka oo xagga dambe ee baastooladdiisa madaxa kaga garaacaya darawalkan, dhaawac aad u weyna gaadhsiiyey.

Sababta keliya ee uu sarkaalkani falkan ugu kacay ayaa ahayd khilaaf ka dhex dhashay isaga iyo darawalka oo la xidhiidhay midkooda xaq u leh in uu ku horumaro jidka. Waxaa cadho gaar ah abuurtay sida arxandarrada ah ee uu sarkaalkani isaga dhegamariyey dadka jidka marayey oo ka baryaya in uu joojiyo garaacista darawalka oo aan isagu la dagaalamayn.

Dadka reer Masar ee faallada ka dhiibtay falkan ayaa wasaaradda arrimaha gudaha ka codsaday in arrintan baadhis run ah lagu sameeyo, waxa aanay faafiyeen lambarka gaadhiga uu watay sarkaalka booliiska ahi. Markii arrintani saamayn weyn ku yeelatay rayulcaamka dalkaas ayaa ay qasab noqotay in wasaaraddu ay soo fara geliso, waxa aana durbadiiba u caddaatay in falkani uu run yahay. Wasiirka arrimaha gudaha Masar ayaa markii falkan la xaqiijiyey kaddib, waxa uu soo saaray amar uu sarkaalkan kaga joojinayo shaqada, kuna amrayo in loo gudbiyo qaybta dembi baadhista, si looga qaado tallaabada anshax marinta sharciga waafaqsan ee uu mutaysto.

Dadka Fiidyowgan ku faafiyey baraha bulshada ee Internet ku intaas kuma ay joogsan, balse waxa ay raadiyeen darawalka falkan lagula kacay, oo magaciisu yahay Maxamuud Maxamed, waxa aanay gaadhsiiyeen halka ay ku dambaysay sheekadani iyo tallaabada adag ee laga qaaday sarkaalkii sida kibirka ah ugu gacan qaaday. Dadka reer Masar ee arrintan ka hadhi waayey waxa ay darawalkan u soo bandhigeen in ay ka caawinayaan dhinaca sharciga iyo qareenka uu u baahan karo, si uu xaqiisa uga helo sarkaalkan.

Darawalka oo taladan ka duulaya ayaa isaguna xeerilaalinta dalkaas u gudbiyey dacwad rasmi ah oo uu kaga cabanayo falka uu sarkaalku kula kacay, waxa aanu marag ahaan xeerilaalinta ugu gudbiyey fiidyowga laga duubay markii sarkaalkani garaacayey darawalka, waxa kale oo maragga u galay dad badan oo ka mid ah dadkii goobjoogga u ahaa falkani markii uu dhacayey. Xeerilaalinta ayaa bilowday diyaarinta dacwaddan iyo baadhisteeda si ay sarkaalkan booliiska ah ugu gudbiso maxkamadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here