Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson Mandela . Afrika Staff Writer (Q:7aad)

0
56

Picture6Waxa ay dad badani dhaliilayaan qaabka ay miisaaniyaddu u qaybsan tahay ee ay culayska saartay hay’ado aan muhiim ahayn, kuwii aasaasiga ahaana lacag aad u yar u qoondaysay, tusaale badanna inoogama baahna, marka aynu eegno miisaaniyadda Talefishanka qaranka ee ka badan miisaaniyadda loo cayimay qaar badan oo ka mid ah wasaaradaha adeegga bulshada. Waxaa intaas kaba sii daran musuq-maasuqii oo baahay iyo qandaraasyadii dowladdu bixinaysay oo badankoodu ku baxa hab-madow badani ku jiro dadka qaarna kuba tilmaamaan naas nuujin iyo cid jeclaysi.

Dersiga 6aad: u furfurnaanta bulshada iyo war-siinta muwaaidnka:

Nelson Mandela markii uu talada la wareegay waxa uu caado ka dhigtay in uu samaysto waqtiyo cayiman oo uu la kulmo, dadka rayiga iyo fikirka lagu tuhmayo, siyaasiyiinta aan xukuumaddiisa ku jirin iyo aqoonyahanka kala duwan ee dalkiisa. Jadwal sannadeedka madaxweynaha waxaa ku jiray kulamo uu la qaato dadkaas oo koox kastaa ay gaarkeeda tahay, si uu uga waraysto wax yaabaha ay dhaliisan yihiin, talooyinka ay hayaan iyo meelaha ay u arkaan in xukuumaddiisu ay u xooggan tahay ee u baahan in ay sii dhowrto, waxa uu lahaa talo wadaag iyo welib mararka qaarkood in uu la doodo dadka ka aragtida duwan si uu u tuso saxnaanta siyaasadda ama go’aamada uu qaatay, marar badan ayaanay dhici jirtay inta aanu go’aamada qaar qaadan in uu kulamo la yeesho dadka aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u bidayo arrinta uu go’aanka ka qaadanayo iyo siyaasiyiinta ruug-cadaaga ah. Waxaa la maqli jiray doodo talefishan oo uu madaxweynuhu si toos ah uga qayb galayo, iyo isaga oo xafiiskiisa mararka qaarkood ardayda iyo indheer-garadka kula qaadanaya kulamo ay si badheedh ah ugala doodayaan go’aamo uu qaatay iyo qadiyado qaranka khuseeya.

Somaliland waxa ay isku tirisaa qaran ku dhisan talo-wadaag iyo in arrimaha muhiimka ah wax la iska weydiiyo, Madaxweyne Siilaanyo oo muddo dheer mucaarad adag ahaana waxa ugu badan ee uu xukuumaddii ka horreysay ku dhaliili jiray waxa uu ahaa in aanay dadka talo iyo tusaale ka qaadanayn, arrimihii muhiimka ahaa oo dhanna iyadu kelideed isku koobtay, waxa uu fagaarayaal badan si adag ugaga khudbadayn jiray in ay qasab tahay in siyaasiyiinta iyo asxaabta siyaasadda ee uu ka mid yahay wax laga weydiiyo siyaasadaha iyo tallaabooyinka muhiimka u ah qaranka ee ay xukuumaddu qaadanayso, iyada oo mararka qaarkood uu ku talax tegi jiray illaa heer la moodo in xukuumadda uu ka rabo in tallaabo kasta oo ay qaadayso ay kala tashato isaga iyo raggiisa kale ee mucaaradka ay ku bahoobeen.

Waa run in talo-wadaggu uu yahay qori ka mid ah qori-ciideedka adag ee ay Somaliland kaga soo gudubtay caqabado badan, iyo xaalado nabadgelyo iyo siyaasadeed oo kakan, waxa aanay dad badani hadallada Md. Siilaanyo awgeed aamineen in Madaxweyne Siilaanyo uu noqon doono ruux bulshadiisa ku dhex jira, la dooda, talo wadaagna la yeesha, maxaase dhacay?!!

Madaxweyne Siilaanyo dersigaas kama uu qaadan taariikhda hoggaamineed ee halyeeyga reer Afrika Nelson Mandela, kumana uu socon tubtii wada-tashi iyo dad dhex gal ee uu xukuumaddii ka horreysay ku riixayey. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxaa aad loogu dhaliilaa in ay tahay xukuumad si qarsoodi ah u gaadha go’aamo iyo talooyin ugu yaraan ku qurux badnaa in xisbiyada siyaasadda iyo golayaasha sharcigu la ogaadaan, waxa ay gashaa heshiisyo caalamiya iyo kuwo maxalli ah oo qaarkood aanay la socon hay’adihii nidaam ahaan iyagu ku shaqada lahaa ama sharci ahaan xalaal ka dhigi lahaa. Siyaasiyiin iyo hal-door culayskooda ku leh dalka ayaa kaga cawda in xataa madaxweynuhu uu diido ama gacanyaraaashiisu ay hor istaagaan kulmo ay dalbadaan iyaga oo doonaya in ay madaxweynaha kala hadlaan talooyin muhiim u ah qaranka oo ay hayaan, ama tabashooyin jira oo ay fiican tahay in uu wax ka qabto.

Haddii uu madaxweyne Siilaanyo xukuumaddii ka horreysay ee Md. Rayaale mar kasta ku dhalleecayn jiray in ay af xidhan tahay oo aanay ummadda u sheegayn waxa jira ee runta ah, iyo hadba xaaladaha soo cusboonaada, isaga ayaaba ka sii dheereeyey, waxa ay mucaaradku ku canaantaan in heshiisyada uu galo iyo kulamada uu la qaato dunida oo ay ka mid yihiin heshiisyada iyo kulamada wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya aanu madaxweyne Siilaanyo marnaba warbaahinta si kal-furan ugu soo bandhigin ama dadka masiirkooda ay khusayso ee reer Somaliland fahamsiin waxa socda ee dhabta ah iyo xaqiiqada kulamadaas ay xukuumaddiisu kala kulantay. Tan iyo markii uu madaxweyne Siilaanyo xilka qabtay weli dood toos ah kama uu qayb gelin, mana ay dhicin in uu saxaafadda dalka soo hor fadhiisto isaga oo sida Mandela diyaar u ah in la weydiiyo su’aalo furan oo la xidhiidha xaaladda dalka, waxa aana muuqata in tallaabadaas uu xataa kaga fiicnaa hoggaamiyihii uu ku canaananayey ee ka horeeyey oo ahaa Md. Rayaale.

Aamusnaanta madaxweyne Siilaanyo oo mararka qaarkood gaadha heer arrimo xasaasi ah aanu kaba hadal, ayaa keenta in dacaayado badan iyo hadallo tiro ay mucaaradkiisa iyo dadka dhaliilaa ku faafiyaan rayul-caamka Somaliland,  taas oo wax badan oo ka mid ahna ay bulshadu qaadato.

Dersiga 7aad: Xorriyadda hadalka iyo saxaafadda

“Warbaahinta madax bannaan, ee dabagalka, naqdiga iyo baadhista samaysaa waa dhiigga ay ku nooshahay dimuqraadiyad kastaa… saxaafaddu waa in ay ka xor ahaataa farogelinta dowladda. Waa in ay lahaataa awood dhaqaale oo ay kaga maarmi karto xod-xodashasada iyo jeebka masuuliyiinta dowladda.. waa in ay lahaataa madax bannaani buuxda oo ay danaheeda gaarka ahi aamin u yihiin, si ay ugu u noqot mid dheerran oo ku dhac leh, cabsi la’aanna ay uga warranto waxa jira. Waa in uu dastuurku dalku ilaaliyaa saxaafadda madax bannaan, si ay iyaguna awood ugu helaan in ay ilaaliyaan una hadlaan xuququda muwaadiniinteenna” Ereyadani waxa ay ka mid ahaayeen khudbad uu madaxweyn Mandela jeediyey bishii labaad 1994kii, isaga oo ka hadlayey muhiimadda ay warbaahintu leedahay.

Nelson Mandela waxa uu talada dalkiisa la wareegay xilli uu ka soo doogayey nus qarni cabudhin, iyo dulmi ah oo aanay cidina xaq u lahayn in ay si xorriyad ah aragtideeda u cabbirto, af iyo qoraal midna, taas oo marka horeba ahayd sababta bud dhigga u ahayd halgankiisii dheeraa ee qadhaadhaa oo uu ku diidanaa tacaddiga xuquuqda aadamaha iyo cabudhinta xorriyadda hadalka ee nidaamkii midab takoorka ahaa. Hoggaamiyeyaal badan oo reer Afrika ah ayaa sida Mandela uga soo dagaalamay gumaysiga, dulmiga, tacaddiga iyo cabudhinta xorriyadaha aasaasiga ah, laakiin haddana markii ay halganka ku guulaysteen waxba kama ay qaban tabashadii ay ka dagaalamayeen ee iyagii ayaaba ka dhigtay dhufays ay ku adkaystaan kursiga; sidaa awgeed dad badan ayaan bilowgii filahayn in uu Mandela ka duwanaan doono hoggaamiyeyaashaas, nasiib wanaagse waa uu ka duwanaaday. “Caqabadda keliya ee ugu weynayd ee naga horimanaysay waxa ay ahayd in aanu gacan ka geysanno dhismaha nidaam bulsho oo xorriyadda shakhsiga ahi leedahay micnaheda keliya ee ah xorriyad shakhsi ah. Waa in aanu dhisnaa ummad uu udub dhexaadkeedu yahay xorriyad, isla markaana damaanad qaadaysay xorriyadda siyaasadda iyo xuquuqda aadamaha oo ay muwaadiniintu u siman yihiin” Waa ereyo kale mid ahaa khudbaddii ugu horreysay ee Mandela markii uu madaxweynaha noqday ka hor jeediyey baarlamankii ugu horreeyey ee dimuqraadi ah ee uu d