Duruus Hoggaamineed Oo Ay Fiicnayd In Uu Madaxweyne Silanyo Ka Barto Nelson MandelaAfrika. Staff Writer (Q:4aad)

0
74

Picture1Haddii xisbiga ANC ee Mandela uu dadka reer Koonfur Afrika cod kaga raadsaday in uu dib u habayn ku samaynayo shuruucda dalka, kana dhigayo kuwo si siman muwaadiniinta madax iyo minjaba ugu  adeegaya, xisbiga madaxweyne Siilaanyo qudhiisuna taas oo kale waa uu sameeyey, oo xilligii mucaaradnimada iyo ol’olaha waxa uu meel kasta kaga dhawaaqay in dastuurka iyo guud ahaan xeerarkaba uu ku samaynayo dib u habayn togan. Laakiin Mandela tallaabadaas dhankiisa waa uu ka soo baxay; markii uu xilka qabtayba waxa uu ku dhawaaqay doorashooyin ay dadku soo dooranayaan guddi heer qaran ah oo dhammaan muwaadiniintu si siman caddaan iyo madowba isugu soo sharraxeen, waajibaadkeeda shaqana uu yahay in ay dib u habayn iyo curin ku samayso shuruucda dalka; guddidaasi waxa ay diyaarinaysay wax-ka-beddelka dastuurka iyo xeerarka dalka lagu dhaqa; waxa aanay dalka Koonfur Afrika u samaysay shuruuc cilmi ku dhisan oo qodob kasta loo eegay baahida dhabta ah ee jirta, dhaqanka iyo dabeecadda bulshada iyo wax kasta oo muhiim u ah sharci dejint. Sidoo kale waxa ay guddidu samaysay nidaam garsoor oo madax bannaan oo dhaqan gelinta sharciyadaas hubiya, awoodna u leh in uu cid kasta si caddaalad ah ugu socodsiin karo.

Haddaba haddii ay muwaadiniin badani Madaxweyne Siilaanyo codkooda ku siiyeen ballan-qaadyadii xisbigiisa ee ahaa in dib u habayn iyo wanaajin lagu samaynayo shuruucda dalka, dadkaasi maanta waxa ay tebeyaan in aanay waxba ka hirgelin qodobkii codkooda lagaga iibsaday. Maxaa marka hore qaldanaa, marka dambese maxaa dhacay?!!!

Madaxweyne Siilaanyo intii aanu talada dalka la wareeginba waxaa ka muuqatay in marka laga yimaaddo, inuu sida dadka caadiga ah u dareensanaa baahida loo qabo dib-u-habaynta shuruucda ee jirtay iyo garsoor xumada madaxa la iskula jiray, haddana aanu marnaba sii dejisan qorshe cad iyo nidaam cilmiyeysan oo uu u marayo arrintan muhiimka ah. Dad badanina waxaabay ku doodayeen in Md. Siilaanyo ku jaahwareersanaa shuruucda dalka, taas oo ay marag uga dhigayeen heshiisyadii sharciga baal marsanaa ee uu taageero raadsiga ula galay siyaasiyiin uu xoog bidayey, isaga oo qaarkood u sameeyey ballanqaadyo shuruucda dalka burinaya. Waxaa ka mid ah siyaasiyiintii uu ka mid ahaa wasiirka hadda ee Gaashaan-dhigga Axmed Xaji Cadami, oo uu madaxweyne Siilaanyo la galay heshiis dhigaya in haddii uu talada ku guulaysto uu Md. Cadami ka dhigi doono raysalwasaare. Dad badan ayaa markiiba u fahmay in is-beddelka shuruucda ee uu Siilaanyo niyadda ku hayaa uu la mid yahay uun ka ay inta badan sameeyaan madaxda Afrikaanka ee sharciga ka dhigta dhufays u ilaaliya kursiga.

Sababtu ha ahaato marka hore oo aanu daraasayn dib u habaynta shuruucda ee loo baahan yahay, ama isaga oo aan daacad ka ahayn midka ay doonto ee, dib u haybayntii shuruucda ee uu madaxweyne Siilaanyo ku baaqayey ficil ma’ay helin markii uu talada qabtay, tusaale ahaan dad badan ayaa filayey in marka uu madaxweyne Siilaanyo xilka qabto uu dardar gelin doono guddida dib u habaynta shuruucda oo uu Madaxweyne Rayaal magacaabay 2009kii, laakiin aan tan iyo xilligaas laga arag hawlqabad la taaban karo. Waa laga yaabaa in qof uu ku doodo in xeerar badan ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo samaysay, laakiin xisaabta ha ku darsado in qaar badan oo ka mid ah xeerarkaasi ay dhaliyeen doodo ah inay yihiin kuwo dano gaar ahi ka dhex muuqdaan, ama aan danta dadka lagu dhisin, waxaa ka mid ahaa xeerkii dhowaan la ansixiyey ee cashuuraha gaadiidka la saaray lacago waddo dhisidda loogu talo galay, laakiin culays badan ku keentay noloshii dadka, gaar ahaan markii ay arrintaasi saamaysay gaadiidkii dadweynaha oo booyadaha biyaha dhaamiyaa ka mid yihiin, waxaa kale oo ka mid ahaa, xeerkii sirdoonka oo cabudhin badan laga dareemay, dad badanina ku tilmaameen in uu burinayo qaar ka mid ah xorriyadaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta, ku dar xeerka saxaafadda ee xukuumaddu ay weli karkarinayso, iyo kuwo kale.

Muddo laba sano iyo badh ah ayaa ay dadku dhowrayeen in madaxweyne Siilaanyo hirgeliyo wax-ka-beddelkii dastuurka iyo dib u habayntii shuruucda ee uu ku baaqayey, ugu dambayntii xilli uu dhamaystay kala badh muddo xilliyeedkiisii ayaa uu labada gole baarlamaan ka hor sheegay in uu hor keeni doono wax ka beddel uu codsanayo in dastuurka lagu sameeyo. In kasta oo aanu madaxweynuhu khudbaddiisaa ku faahfaahin, haddana nooca wax-ka-beddel ee uu niyadda ku hayo waxa uu ku caddeeyey nuqulka afka Ingiriisiga ee khudbaddiisa oo warbaahinta loo diray. Waxaana ka mid ahaa in uu doonayaa in wax-ka-beddel lagu sameeyo shaxda qaab-dhismeedka waaxda fulinta ee Somaliland, iyada oo madaxweyne ku xigeen labaad la soo kordhinayo, si ay u noqoto, madaxweyne ku-xigeenka 1aad iyo madaxweyne ku-xigeenka 2aad, weliba Md. Siilaanyo waxa uu ku doodayaa in wax ka beddelkani uu sees isu-dheelli tiran u noqon doono dhismaha qaranka.

Dad baa ku doodi kara in sababta uu madaxweyne Siilaanyo u door bidayo in la sameeyo laba madaxweyne ku xigeen ay tahay in uu doonayo in saddexda beelood ee ugu weyn Somaliland oo ah beesha dhexe iyo labada baalluhu ay dhammaantood ka muuqdaan qasriga madaxtooyda, laakiin taasi macno badan kuma soo biirinayso dheelliga la cabanayey, oo dastuurka ayaan marka horeba ku xigeenka awood siinin.

Waa arrin dabiici ah in bulshooyinka caalamku ay u qaybsan yihiin kooxo magacyo kala duwan sita, tusaale ahaan gobollo, fikirro siyaasi ah, caqiido diini ah ama qabiilooyin. Dalka Koonfur Afrika waxa uu caan ku yahay qaybsanaan dhinaca midabka ah iyo mid ay Afrikada kalaba la wadaagaan oo qabiil, laakiin haddii ay run tahay in madaxweyne Siilaanyo uu doonayo in uu qaabkaas ku saxo isku dheelli tirnaanta miisaanka siyaasiga ah ee Somaliland. Haddii uu madaxweyne Siilaanyo dareensan yahay in saami qaybsiga siyaasadda oo cadaalad laga dhigaa kaalin fiican ka ciyaarayo midaynta umadda iyo sinnaanshaha muwaadiniinta, waxa ay ahayd in uu mar kale dersigaa ka barto hoggaamiyihii reer Koonfur Afrika. Mandela isaga oo dareensan in cadaadiskii dheeraa ee midab takoorku uu bulshada aad u qaybiyey, waxa uu ku dadaalay in uu dhiso dowlad sal-ballaadhan oo ay si caddaalad ah uga dhex muuqdaan qaybaha kala duwan ee bulshadiisa, kuwii u codeeyey iyo kuwii ciqaabay ladaba. Waxa uu abuuray jawi shuraako siyaasiyi hoggaaminayso oo dowladdu tahay mid sida muraayadda ay qaybaha bulshadu isaga wada dhex arki karaan, haba ugu kala badnaadeen sida ay u kala tiro badan yihiin ee.

Somaliland waxa ay u qaybsan tahay nidaam qabiil, oo ah xaqiiqo aan si hawl yar la isaga indho tiri karayn, in beeluhu saami qaybsi caddaalad ah talada ku yimaadaanna waxa ay ka mid tahay cadaaladda bulsho iyo siyaasadeed ee uu madaxweyne Siilaanyo ku baaqayey muddadii uu kursiga u halgamayey, nasiib darro markii uu xilka la wareegay ma’ uu yeelin sidii laga filayey oo ahayd in uu ka xaqsooro mansabyada muhiimka ah ee dalka.

Markiiba waxaa xukuumaddiisa ka soo shaac baxay sad bursi ay heleen beelaha qaar, taas oo aad uga duwan dhammaan xukuumadihii ka horreeyey, haba ugu fiicnaato tii madaxweyne Cigaal ee. Dad badan ayaa bilowgii ku taamayey in hoggaamiyaha la doortay ee ruug caddaaga ahi uu ka tegi doono taariikh ah in uu dib u mideeyo bulshada kana dhex saaro shuushka iyo saxalka uu ku dhex abuuray tartankii adkaa ee xilligii doorashooyinka iyo ka horba u dhexeeyey isaga iyo xisbigii talada hayey ee UDUB. Nasiib darro waxa ay noqotay dersi kale oo madaxweyne Siilaanyo ku seegay taariikhda Nelson Mandela, waa taariikh ka qaldantay buuggiisa raad-reebka oo ay ku fiicnayd in lagu xasuusto dib u dhis qaran.

Wax ka beddelka dastuurka iyo dib-u-habaynta shuruucda oo dabcan ay ka farcamayso wanaajinta iyo xoojinta caddaaladda garsoorku, in kasta oo ay ku fiicnayd in ay ka mid noqdaan tallaabooyinkii ugu horreeyey ee uu madaxweyne Siilaanyo qaado, laakiin maadaama oo aanu weli tallaabadaa qaadin waa gacan uur ku jirta oo si buuxda looma saadaalin karo nooca ay noqon doonto iyo weliba sida ay u waafaqsanaan doonto horumarka iyo qarannimada quruxda badan ee umadda Somaliland hiigsanayso, waana tallaabo weli laga sugayo.