Dumarka Oo La Ogaaday In Kaarka Iyo Xanuunku Ka Yaraado Marka Ay Gacanta Qabsadaan Qof Ay Jecelyihiin

23
4627

Hargeysa (Geeska)- Koox cilmibaadhayaal ah oo ka tirsan jaamacado ay ka mid yihiin Colarado iyo Paris ayaa ogaaday in dumarku marka ay xanuun badan iyo kaar dareemayaan, haddii qof ay jecelyihiin uu gacanta qabto ay dareemaan ladnaan iyo kaarkii oo ka yaraaday.

Tijaabooyin kala duwan oo ay xeeldheereyaashu sameeyeen intii ay wadeen cilmibaadhista ayaa ay ku ogaadeen in gacmaha istaabanaya ee gabadha iyo qofka ay jeceshahay gaar ahaan ninku ay leedahay laba faa’iido. Faa’iidada koowaad waa in dareenka taabashadu uu keenayo in ay dareen geliyaan oo dhaqaajiyaan maaddooyinka kiimikaad ee maskaxda, taas oo sababta in dareenka xanuunku uu aad u yaraado, illaa heer uu qofku dareemo in uu u dulqaadan karo. Faa’iidada labaad oo u gaar ah ninka iyo xaaskiisa oo ah in jidhkooda is gaadhaa uu maskaxda ku abuuro xusuuso kale oo la xidhiidh leh nolol maalmeedkooda iyo habmacaamilkooda qoysnimo, mararka qaarkoonda shucuur gaar ah ku beera maskaxda. Labadaas faa’iido ayaa ah kuwa keenaya in gabadhu marka ay gacanta qabsato ruuxa ay jeceshahay, ay illowdo xanuunka ay qabtay.

Waxaa muddooyinkan dambe ku soo badanaya meelo badan oo adduunka ka mid ah in iyada oo laga faa’iidaysanayo arrintan ay dhakhaatiirtu ragga ku casuumaan in ay xaasaskooda la galaan qolalka dhalmada, si ay gabadhu u dareento raaxo nafsi ah iyo dareen illowsiiya xanuunka badan ee dhalmada.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa la aaminsan yahay in si guud ahaanba dadku ka siman yihiin xaaladaha murugada ama xanuunka ay dareemayaan in ay jecel yihiin inuu ka agdhowaado qof ay jecel yihiin. Waxa kale oo la ogyahay in gacanta oo qofka xoog loo qabto, gaar ahaan baabadaca iyo laabta oo si xoog ah loo geliyaaba in ay qofka ka yareeyaan xanuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here