Dumar Aan Marwada Koowaad Ahayn Oo Saamayn Ku Yeeshay Xukunka (Q: 3aad)

0
757

Hargeysa (Geeska)- 4. Waxa ay taageere muhiim ah u ahayd weerarkii Maraykanku ku qaaday Suuriya: Wargeyska Sunday Times eek a soo baxa dalka Maraykanka ayaa faafiyey in weerarkii Maraykanku uu ku qaaday garoonka Milateri ee Suuriya ku yaallay, kadib markii ay diyaaradaha dagaalka ee Suuriya dad maato ah ku xasuuqeen magaalada Khaan Shaykhuun ee dalkaas, in inanta uu dhalay madaxweyne Trump ee Ivanka ay ahayd shakhsigii ku adkaystay in gantaallo lagu duqeeyo saldhigga Shucayraat ee ay ka soo kaceen diyaaradaha Suuriya ee dadka xasuuqay. Ivanka oo shaqo ahaan aanay hawlaheeda ku jirin in ay arrimaha milateriga ee dalkaas ka arrimiso ayaa haddana ka qaybgashay shir lagaga tashanayey tallaabada ku habboon ee weerarkaas lagaga jawaabi karo, waxa aana laga dareemayey in ay si aad ah uga calool xumaatay sawirrada warbaahintu ka soo qaadday dadkii magaaladaas ee sunta kiimikada ah lagu rusheeyey.

Ivanka maba ay qarsan in ay hawshan ku luglahayd oo mar ay ka hadashay waxa ay qiratay in ay run tahay in aabaheed ay u sheegtay rayigeeda khuseeya duqayntaas. Laakiin waxa ay diidday in ay qirato in iyadu ay dalbatay weerarkaas jawaabta ahaa. Waxa aanay ku celcelisay in aabaheed Trump uu ahaa qofka go’aankaas qaatay, iyada hadalkeeduna ahaa uun rayi caadi ah oo ay u sheegtay.

Markii warkani si aad ah dibadda ugu soo baxay ayaa Guriga Cad ee Maraykanka oo sida muuqata diidaya in rayulcaamku qaato in Ivanka ay awood ku leedahay talada dalka, waxa uu soo saaray war uu ku diidayo in ay iyadu dalbatay weerarkaas, waxa se uu qiray in Ivanka ay rayigeeda arrintaas ku waajahan sheegtay, si la mid ah masuuliyiinta kale ee Guriga Cad.

Arrinta kale ee iyaduna saamaynta Ivanka muujinaysa ayaa ah muhiimadda weyn ee laga dareemay in ay siinayso qaxoontiga reer Suuriya. Waxa aanay marar kala duwan u sheegtay in arrintaasi ay tahay arrin muhiim ah oo in la baadho mudan. “Dunidu waxaa soo foodsaartay masiibo bani’aadamnimo oo caalamiya, sidaa awgeed waa in aynu xal u raadinteeda ka shaqaynaa” ayaa ay caddaysa Ivanka, laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in fikirkeedaasi uu gebi ahaanab ka soo horjeedo fikirka uu aabaheeda madaxweynaha ahi ka qabo qaxoontiga Suuriya.

Mar la sii weydiiyey in ay suurtogal tahay in Maraykanku uu qaado qaxoontiga Suuriyana waxa ay bixisay jawaab aan diidmo iyo ogolaanshiyo midna ahayn, balse waxa ay tilmaamtay in ay tahay arrin u baahan in dood ballaadhan laga yeesho. Taas oo mar kale khilaafsan aragtida aabaheed ee aan marnaba waxa xaajoodka ka ogolayn qaxoonti Maraykanka la keeno guud ahaan iyo kuwa Suuriya si gaar ah.

5. Shaqo iyo shaqaale u gaar ah: Kaalinta muhiimka ah ee ay Ivanka ku leedahay talada aabaheed loo igmaday waxaa marag u ah muhiimada ay ku dhex leedahay la’taliyeyaasha madaxweyne Trump iyo weliba ogolaanshiyaha uu Guriga Cad ogolaaday in Ivanka ay yeelato hawlwadeenno iyada u gaar ah oo gacanyareyaal u noqda. Waxa ay Guriga Cad ku leedahay haweenay u ah lataliye u gaara iyada.

Dina Xabiib oo isir ahaan Masar ka soo jeedda, horena gacanyare ugu ahaan jirtay madaxweynihii hore ee Maraykanka George Bush ayaa ah taliyaha koowaad ee Ivanka Trump. Sida oo kale Ivanka waxa ay magacowday agaasime madax u noqda hawlwadeennada iyada u shaqeeya ee Guriga Cad.

6. Ivanka waxa ay ka shaqaynaysaa in la dejiyo xeerar u gaar ah daryeelka ubadka: Awoodahaya yaabka leh ee Ivanka ku leedahay talada Guriga Cad wax yaabaha tirada badan ee muujinaya waxaa ka mid ah sida iyada oo aan xildhibaan ka ahayn golaha Kongareeska Maraykanka, ay haddana uga shaqaysay in ay samayso xeer cusub oo ku aaddaan dib u habaynta cashuuraha, gaar ahaan wax laga jaro cashuurta laga rabo waxyaabaha lagu daryeelo ubadka, arrintaas oo dad badani ay saadaalinayaan in ay ku adkaan doonto Ivanka in ay taageero uga hesho golaha Kongareeska, maadaama oo ay doonayso in muddo 10 sano ah lacag dhan 500 oo Bilyan oo doolar la geliyo ubadka, haddana waxaa ka muuqata in ay doonayso in ay marto jid kasta oo u suurtogelinaya ansixinta sharcigan.

Ivanka waxa ay Guriga Cad shir kula qaadatay xildhibaannada ugu badan Kongareeska iyo golaha odayaasha ee Maraykanka, si ay dood io aragti is-dhaafsi ugala yeelato arrintan. Waxaa dad badan ka yaabiyey awoodda Ivanka ee keentay in shirkaadi aanu ka dhicin sida caadiga ah golaha Kongareeska ee uu ka dhacay Guriga Cad oo ay ugu yeedhay xildhibaannada. Waana marag cad oo muujinaya sida awoodda badan ee ay Ivanka u saamaysay siyaasadda Maraykanka.

Ivanka ayaa xilligii uu aabaheed ol’olaha doorashada ku jiray waxa ay ballanqaaday in aabaheed uu daryeelka ubadka ka dhigi doono bilaa lacag, waana taas ay hadda ka hawlgashay hirgelinteeda, waxa se markaasba dad badan la yaabbanaayeen sida ay ugu dhiirratay in ay ballanqaad sidaa u culus samayso iyada oo aanu aabaheedii murashaxa ahaa mar keliya ka hadlinba wax khuseeya daryeelka ubadka. La soco…