Doodda La Xidhiidha In Dunida Ay Ku Noolaan Jireen Dad Ka Waaweyn Inta Dabiiciga Ah Iyo Qisooyin Maragfur Ah (2)

0
27

Washington (Geeska)- Qormadan oo uu wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay ayaa Shabakadda Huffington Post waxa ay ku eegaysaa qisaska qolfoofyo iyo hadhaadi aadame aad u waaweyn oo ay cilmibaadhayaashu meelo kala duwan oo dunida ah ka heleen, kana qaateen fahamka ah in sheekabarelydaas hore ay xaqiiq tahay.

Cimlaaqyadii togga Geerida

Togga geeridu waxa uu ku yaallaa gobalka California ee dalka Maraykanka, sababta ay saynisyahannadu magacan ugu bixiyeenna waa ahaanshiyihiisa deegaan. Waa dhul lama deganaan oomane ah, laguna tiriyo meelaha ugu kulul uguna ingagagan woqooyiga Ameerika oo dhan, ciiddiisuna waa burciid guur-guurta.

Sannadkii 1931 kii, ayaa dhakhtar cilmibaadhe ahaa, oo lagu magacaabi jiray magacaabo Bruce Russell waxa ay isaga iyo saaxiibkii Daniel Bove safar cilmibaadhiseed ku tegeen togga geerida, baadhis kadibna waxa ay sheegeen in ay togga hoostiisa ka heleen silsilad godad ah.

Labada cilmibaadhe waxa ay heleen qolfoofyo aadame oo aad u waaweyn, dhererkooduna gaadhayey 2.74 Mitir. Baadhistii lagu sameeyey qolfoofyadan waxaa ka soo baxday in cimrigoodu jiray 80 kun oo sano ka hor. Arrinta kale ee xiisaha leh ee ay heleen waxa ay ahayd dhar ka samaysay saan u eeg haragga xoolaha, oo qaarkood dhererkooda marka sida khamiiska dusha laga soo xidho gaadhaya illaa jilibka hoostiisa. Laakiin lama garan nooca xayawaan ee saantaas laga saaray.

Cilmibaadhisihii dheeraadka ahaa ee lagu sameeyey kadib waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in ay u eegtay in goobtan ay degi jireen dad asal ahaan ka yimid qaaradda tirtirantay ee Atlantis.

Godadkii Lovelock

Weli Maraykanka ayaa aynu ku jirnaa ee meel 20 Mayl dhinaca Koonfureed ka xigta gobalka Nevada oo lagu magacaabo godadka Lovelock ama ‘Godka Qoobka faraska’ ayaa sannadkii 1911 kii, laba nin shaqaalaha macdanta qoda ahaa waxa ay ka heleen digo shimbireed, arrintaas oo culimada ataarta ku abuurtay dareen ah in ay goobtan ka jirtay nolol hore oo dhulka hoostiisa ku aasantay, baadhitaanno dheeraad ah oo ay wadeen cilmibaadhayaashuna ayaana 18 sano kadib, waqtigaas hore waxa ay heleen kumannaan aataar weelal qaddiimi ahi ka mid yihiin iyo weliba qolfoof dad oo 60 qof oo inta dabiiciga ah aad uga waaweyn ah.

Qolfoofkan ayaa dhererkoodu u dhexeeyey Laba mitir iyo badh illaa Saddex mitir, baadhitaanno dheeraad ah oo lagu sameeyeyna waxa ay iftiimiyeen in ay ahaayeen qolfoofka qabiil caddaan midabkoodu ahaa oo ka mid ah dadkii Asal ahaan kumannaan sano ka hor degi jiray Ameerika.

Bulgaria

Magaalada Varna ee dalka Bulgaariya, oo ah degmada saddexaad ee dalkaas ugu weyn, dadka deggenna lagu qiyaaso 350 kun oo ruux, waxa ay ku taallaa xeelliga bari ee badda Madow. Waxa ay taariikhyahannadu aaminsan yihiin in deegaankan ay ku ooli jirtay magaalo qaddiimi ah oo Qarnigii toddobaad ee dhalashadii Nebi Ciise (CS) ka hor ay samaysteen Giriiggii hore.

Xeeldheerayaal cilmibaadhis ku sameeyey dhulka la aaminsan yahay in ay ku ooli jirtay magaaladan lagu magacaabi jiray Odysseus ayaa ay saynisyahannadu ka heleen qolfoof nin oo aad u weyn, lana aaminsan yahay in uu noolaa horraantii Qarnigii Shanaad ee Miilaadiga. Xilliyadaas oo ay Odysseus ahaan jirtay xarumaha Kiristaanka ee muhiimka ah.
Waxa ay cilmibaadhayaashu ogaadeen in ay suurtogal tahay in uu ninkani dhintay xilli uu ka shaqaynayey meel ku dhow deyr magaalada ku waageersanaa, oo ah halka laga helay. Natiijada cilmibaadhistan oo soo baxday bishii Koowaad ee sannadkii 2015 ayaa ay xeeldheerayaashu ku sheegeen in qolfoofkani uu aad uga weyn yahay inta caadiga ah.
Hadhaadiga qolfoofyadii Ecuador
Daadad waaweyn oo oo sannadkii 2013 kii jiidhay magaalada Cuenca ee dalka Ecuador ayaa soo faqay qolfoofyo dad oo aad u waaweyn.
Cilmibaadhis kadib waxa ay xeeldheerayaashu sheegeen in qolfoofkani uu yahay haweenay noolayd 600 oo sano ka hor, markii lafaha dib la isugu geeyeyna waxa uu dhererka jooggeedu ka badnaa 2 Mitir, waxa kale oo ay cilmibaadhisuhu iftiimiyeen in ay muddo 60 sano ah noolayd.
Arrintan oo culimada ku dhalisay cilmibaadhiso dheeraad ah ayaa sababtay in la helo illaa shan qolfoof oo kale oo la mid ah ka haweenaydan, baadhitaanno lagu sameeyeyna waxa ay muujiyeen in dhammaan qolfoofyadani ay ka caafimaad qabaan xanuuno, isla markaana aan laga helin wax calaamad ah oo muujinaysa in ay jirto cillad caafimaad darro oo koritaan aan caadi ahayn ku keentay dadkan.