Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah (15): Qisada Caashaqii Saddaam Xuseen: “Gabadhyahay Ama Ku Calfaday Ama Ku Dilay” Saddam

0
614

– “Waa aad is beddeshay” ayaa uu igu yidhi Saddaam Xuseen. Waxa aan iska dhigay in aanan waxba fahmin, inta aan Saddaam u dhoolla caddeeyey ayaa aan cod dabacsan iyo lahjad laddifan ku idhi, “Adiga ayaa xabiibi isbeddelay! Adiga ayaa isbeddelay ee aniga ma’aha!”

Hadalladaydaas Saddaam Xuseen waa uu iska dhego mariyey. Isga oo hadalkiisii iska sii watana waxa uu yidhi, “Wax kasta aa aan arkaa. Ma’ tihid Baari-dii aan aqaannay” (Magacaadeeda Parisoula ayaa uu u Saddaam Xuseen u soo gaabsan jiray Pari)

– “Anigu waa aan ku jecelahay. Sidii aan hore kuugu jeclaa ayaa aan weli kuu jecelahay” ayaa aan ku idhi.

– “Beenaley baa aad tahay! Sidee aan odhan karaa qof beenaale ah” ayaa uu iigu jawaabay.

In kasta oo dooddaas adag iyo hadalladaas qallafsani na dhex mareen, haddana habeenkaasna waa aanu wada seexannay, sidii oo aanay waxba na dhex marin ayaa aanu waagu furaash keliya noogu baryey. Weliba sidii caadadu u ahayd ayaa ay baastooladdiisuna iska taallay madaxa sariirta.

Markii waagu baryey inta aan maca salaameeyey ayaa aan shaqadaydii iska tegey. Laakiin maalintaas kadib Saddaam Xuseen isma aanu arkin. Xitaa markii uu talefishanka Maraykanka ee ABC ka daawaday waraysi aan siiyey, iskuma uu lurin in uu ila soo xidhiidho. Laakiin shaki igagama jiro in uu daawaday.

Maalintaas markii aanu kala tagnay Saddaam Xuseen waxaa maskaxdayda si fiican ugu jirtay in ay waajib tahay in aan baxsado. In kasta oo uu Saddaam ahaa nin aad u dareen dheer, oo weliba isticmaali jiray xeelado uu qofka moodsiinayo in uu ka fog yahay si uu u eego ficillada qofku samayn karo marka uu is leeyahay Saddaam kuuma dhowa. Waxa ay sheegtay in Saddaam Xuseen uu maalinba maalinta ka dambaysa ku sii badanayey shakiga uu iyada ka qabo, sidaa awgeedna uu kordhiyey dabagalkii iyo xakamayntii uu ku hayey. Iyada oo tusaalaynaysa hab-dhaqannada Saddaam ay ku aragtay ee muujinayey in ay ka shakidayna waxa ay buuggeeda ku sheegtay in Saddaam Xuseen uu mararka qaarkood inta uu talefanka kala soo hadlo oo uu u sheego in uu magaalada Mawsul ee woqooyiga Ciraaq joogo, haddana daqiiqado yar kadib uu gaadhigiisu u iman jiray si uu u qaado oo ay qasrigiisa Baqdaad ugu tegi jiray ama ay arki jirtay raggiisa oo ku daba jira.

Parisoula waxa ay sheegtay in aakhirkii ay ku guulaysatay in iyada iyo inanteeda Liza ay ka baxaan dalka Ciraaq, iyada oo gacan ka heshay sirdoonka Maraykanka iyo qaar ka mid ah Kurdiyiintii mucaaradka ku ahayd Saddaam Xuseen, isla markaana ay gashay qorshe ay inanteeda kalana ku saarayso.

Lampsos waxa ay buuggeeda ku sheegtay in iyada iyo inanteeda Aliky ay Baqdaad ka baxeen sannadkii 2001da, qorshaheeduna ahaa in ay Ciraaq ka baxdo iyada oo sii maraysa magaalada Dahawk ee Kurdistaanta Ciraaq. Laakiin, waxaa khiyaameeyey dadkii safarkeeda kala shaqaynayey oo sirdoon ahaa, waxa aana gacanta ku dhigay sirdoonka Ciraaq oo xabsiga dhigay. Waxa ay sheegtay in xabsi dhulka hoostiisa ah la geeyey oo ay muddo ku xidhnayd, kadibna loo gudbiyey xabsiga dumarka oo ka baxsanaa Baqdaad.

Iyada oo ka sheekaynaysa sidii xabsiga ay uga soo baxsatayna waxa ay sheegtay in maalin maalmaha ka mid ah ayaa koox ilaaladii xabsiga ahayd ay kala baxeen qolkii ay ku xidhnayd. “Xaggee aad ii kaxaynaysaa?!” ayaa ay weydiisay.

– “Baqdaad ayaa aanu ku geynaynaa” ayaa ay ugu jawaabeen.

Parisoula markiiba waxa ay nafta u sheegtay in lagu wado halkii lagu dili lahaa. Waxa ay xasuusatay hanjabaadihii Saddaam Xuseen, sidaa awgeed waxa ay aamintay in caawa ay tahay habeenkii la khaarajin lahaa. Si kastaba ha ahaato ee waxa ay aragtay iyada oo baabuurkii marba marka ka dambaysa kala sii durkayo magaalooyinka Ciraaq, halkii ay ka filaysay in uu jidka Baqdaad la mari doonana uu qabsaday jidka taga xuduudka Ciraaq iyo Urdun.

Sidii ayaa gaadhigii uu dalka Ciraaq kaga saaray, waxaana la geeyey dalka Urdun, hudheel ku yaalla magaalada Cammaan ee caasimadda ah. Markaas ayaa ay garatay in cidda wadatay ay ahayd rag ka socda jabhaddii mucaaradka ahayd ee lagu magacaabi jiray, Golaha waddaniga ah ee Ciraaq, oo si dadban ula shaqaynayey, gacanna uga helayey sirdoonka Maraykanka oo fududeeyey in gaadhiga lagu siday Parisoula uu ka tallaabo xadka labada dal.

Sababo aanay illaa hadda caddayn Parisoula ayaa ay muddo u joogtay Suuriya iyo magaalada Beyruut ee xarunta dalka Lubnaan kadib waxa ay sheegtay in loo duuliyey dalka Thailand oo ay waraysiyo kala duwan kula yeesheen baadhayaal ka socda sirdoonka Maryakanka ee CIA iyaga oo ka rajo qabay in ay ka helaan xog ka caawisa fahamka nolosha gudaha ee Saddaam Xuseen iyo xaaladaha sirta ah ee dalka khuseeyey. Parisoula oo ka warramaysa dareenkeeda ku aaddan qaar ka mid ah su’aalihii CIA ay weydiisayna waxa ay tidhi, “Suu’aalaha qaarkood ayaa ahaa kuwo aan macno badan xambaarsanayn, sida su’aalaha ahaa; Xaggee uu Saddaam Xuseen ku noolyahay? Xaggee uu cuntada ku cunaa? Xamaamyada qasriga ee uu isticmaalaa xaggee ay ku yaallaan? Waxa ay ku kala duwan yihiin ama lagu kala garan karo Saddaam Xuseen iyo ragga Saddaam-u-ekeyaasha ah ee uu sameeyey si loogu qaldo?

Mar kale oo uu Talefishanka ABC waraysi dheer la yeeshay Parisoula waxa ay Saddaam Xuseen ku tilmaamtay ‘Mucaashaq ka shidaal qaadan jiray isticmaalka dawada Viagra (Dawada hamada loo isticmaalo) oo xiisayn jirya daawashada filimka ‘The Godfather’.

Goodfhater waa Filim Maraykan ah oo laga soo dheegtay buug uu sannadkii 1969kii qoray Mario Puzo oo Talyaani ah. Buuggaas oo ka warramaya qisada qoys Talyaani ah oo Maafiyada ka tirsan. La soco…