Dawooyinka Been Abuur Ah Ayaa Sannad Kasta Dunida Ku Dila Tobannaan Kun Oo Ruux Waxa Aana Ugu Horreeya Dalalka Afrika

32
3058

London (Geeska)- Warbixin caafimaad oo cusub ayaa iftiimisay in tobankii dawo ee kasta ee yaalla suuqyada dalalka dunida saddexaad lagu tilmaamaa ay tahay dawo been abuur ah ama ugu yaraan tayadeedu ka hoosayso intii saxda ahayd, taasina ay sabab u noqoto in sannad kasta ay dawadaasi galaafato nolosha tobannaan kun oo qof oo ay ka mid yihiin carruur badan oo Afrikana ah oo si qaldan ama bilaa waxtar ah looga daweeyo sabab xanuunka iyo cudurka duumada.

Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa sheegtay in ka ganacsiga dawooyinka ee aad ugu soo badanaya, isla markaana sii fududaanaya sida in internet ka lagu kala iibsadaa ay sii badinayso khatarta dawooyinka been abuurka ahi ku hayaan dunida, albaabkana u furayso in dawooyin sun ah ama aan isu dheellitirnayn ay suuqa soo galaan.

Waxa ay warbixintu sheegtay in dadka dawada ka ganacsada ee Afrika ay doorbidaan iibsiga dawada qiimaheedu jaban yahay, oo aanay muhiim u ahayn in ay ka eegaan dhinaca tayada, si ay suuq fiican u helaan isla markaana ula tartamaan dawada qaaliga ah la hubo tayadeeda.

Waxaa suurtogal ah in dawada been abuurka ah ay ku jiraan walxo aan caafimaad ahaan la hubin ama si qaldan la isugu daray maaddooyinka ay ka samaysan tahay, ama in ay noqoto mid aan waxba ka tari karin xaaladda caafimaad ee loo cunayo.

Baadhis ay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku samaysay 100 cilmibaadhisood oo la sameeyey intii u dhexeysay 2016 iyo sannadkan 2017 iyada oo tijaabo ahaan la hubiyey tayada saamballo dawo oo tiradoodu ka badan tahay 48 kun, ayaa waxaa ka soo baxday natiijo ah in boqolkiiba 10 iyo badh dawooyinka lagu iibiyo suuqyada dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay ay yihiin dawooyin been abuur ah ama aan tayadoodu gaadhsiisnayd heerkii saxda ahaa.

Ka ganacsiga dawooyinka ee dalalkan ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 300 oo bilyan oo doolar sannad kasta, taas oo noqonaysa in ganacsi gaadhaya 30 Bilyan oo doolar sannad kasta lagu kala iibsado dawooyin been abuur ah.

Xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Edinburgh ee Scotland oo uu ururka caafimaadka adduunku u igmaday soo daraasaynta khataraha caafimaad ee dawadada been abuurka ah ayaa sheegay in ay khasaare aad u ballaadhan ku hayso aadamaha dunida.

Sida lagu sheegay warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in ku dhowaad 72 kun oo carruur ah oo u dhinta sabab xanuun sida oofta ugu dhinta la ogaaday in dawooyinka Antibaayootigga (Jeermis dilaha) ee la siiyaa ay ay yihiin kuwo tayadoodu aad u liidato, taasina ay sabab u noqotay in ay xanuunkan u dhintaan. Waa kale oo ay sheegeen in dawada Antibaayootigga ah ee tayadeedu xun tahay ay keento khatarta ah in jidhku la qabsado antibaayootigga oo marka dambe lagu daweyn kari waayo, meeshana ay ka baxdo faa’idadii dawadan oo ah ta keliya ee lagu badbaadiyo bukaanka dunida.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here