Dawlad Tirada Golaheeda Wasiirrada Kala Badh Dhintay Si Ay Ula Tacaasho Dhibaatada Qiimo Dhac Ku Yimi Lacagteeda

59
3791

Buenos Aires (Geeska) – Dawladda Argentina ayaa ku dhawaaqday tallaabooyin guntigiijis ah oo ay doonayso in ay kula tacaasho dhibaatada dhaqaale xumo ee ka dhalatay qiima dhaca lacagta dalka. Madaxweynaha dalkaas Mauricio Macri oo taleefishana ka hadlay ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in dalka Argentina uu ku sii socdo xaaladda hadda ee ah in kharashka dalka ka baxayaa uu ka bato dakhliga soo gelaya.

Tallaabooyina cusub ee ay xukuumaddu qaadday waxaa ka mid ah go’aan kor loogu qaadayo xaddiga cashuurta ay dawladdu ka qaaddo badeecadaha iyo waxsoosaarka dibadda loo dhoofiyo. Waxa kale oo ka mid ah tallaabada xiisaha gaarka ah u yeelatay warbaahinta oo ah, in ay xukuumaddu tirtirtay kala badh wasaaradihii dalka, halka kuwo kale oo badanna ay isku dartay si ay isugu noqdaan wasaarad keliya oo kharashkeedu meel keliya yahay.

Korodhka cashuurta ee ay dawladdu soo rogtay waxa uu dhaqangeli doonaa maalinta u horreysa bisha koowaad ee sannadka foodda innagu soo haya ee 2019 ka.

Wasiirka dhaqaalaha ee dalkaas oo lagu magacaabo Nicolas Dujovne ayaa isna sheegay in tallaabooyinkan guntigiijiska ah ee ay xukuumaddu qaadayso ujeedadoodu tahay in hoos loo dhigo is-dhinka ku jira miisaaniyadda dalka ee sannadka soo socda, taas oo ah tallaabo lagaga hortagayo qiimaha dhaca hoos u sii socda ee lacagta dalka. Wasiir Nicolas Dujovne waxa uu sheegtay in rajada xukuumaddu qabtaa ay tahay in sannadka 2019 ka, tabnaanta laga saaro miisaaniyadda oo ay is goosato kharash iyo dakhli.

Lacagta dalka Argentina ayaa tan iyo bishii koowaad ee sannadkan ku jirtay xaalad qiimo dhac si xawli ah u socda ah, waxa aanay weyday kala badh qiimihii ay lahayd waqtigaas ka hor. Tallaabooyin kala duwan oo uu bangiga dalkaasi u qaaday xakamaynta qiima dhaca ayaa iyaguna noqday bar-kuma-taal , gaar ahaan tallaabadii uu rajada ugu badan ka qabay oo ahayd markii uu faa’iidada dulkaasrka ah kor u qaaday boqolkiiba 60.

Dhinaca kalana wasiirka dhaqaalaha ee Argentina ayaa toddobaadka soo socda u duulaya magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo ay kulan arrintan taagan la xidhiidha ugu ballansan yihiin Christine Lagarde oo ah agaasimaha hay’adda lacagta adduunka, oo lacag uu dalkan siiyo ku xidhay in xukuumaddu ay marka hore dhinto kala kaca aadka u weyn ee ku jiray dakhliga iyo kharashka dawladda. Tallaabadan hadda ay xukuumaddu qaaddayna waxa ay jawaab u tahay shardigaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here