Dal Aan Ku Oollin Qaaradda Afrika, Madaxweynihiisuna Aanu Abid Arkin Afrika Oo Ku Soo Biiray Midowga Afrika

0
768

dddddAddis Ababa (Geeska)- Dalka Haiti oo ah jamhuuriyad ku taalla badda Caribbean ka, gaar ahaan gabeedka jasiiradda Hispaniola ayaa si rasmi ah xubin uga noqotay ururka Midowga afrika, waxa aana xubinnimadeeda si buuxda loogu ansixin doonaa shir madaxeedka AU ee qabsoomaya bishan aynu hadda bilownay.

Waa arrin laga yaabo in ay dad badani la yaabban yihiin ama madaxooda ku abuurtay su’aalo badan oo ay ka mid tahay in ay wax iska weydiiyaan bal in ururka Midowga Afrika uu ku dhisan yahay qawmiyado, midabbo ama dalal. Si kastaba ha ahaato ee sababta uu ururka Midowga Afrika u ogolaaday in uu xubi ka noqdo dal aan ka mid ahayn Afrika ay tahay dadka deggen Haiti oo loo arko in ay isir la’ wadaagaan dadka kale ee frikaanka ah. dalkan oo sannadkii 1804tii xorriyaddiisa ka qaatay dalka Faransiiska oo gumaysan jiray, waa dawladdii dad madow ahi leeyihiin ee ugu horreysay taariikhda.

Xubinnimada dalka Haiti oo Midowga Afrika uu ansixiyey bishii Labaad ee sannadkan, waxaa si rasmi ah u ansixin doona madaxda Afrika oo bishan Juun isugu imanaya magaalada Llongwe ee caasimadda dalka Malawi, waxa aana goob joog u ahaan doona kulankan madaxweynaha dalka Haiti Michel Martelly oo la sheegay in ay u tahay markii ugu horreysay ee uu qaaraddan Afrika socdaal ku yimaaddo.

Haiti iyo dalalka qaaradda Afrika:

Waxaa laga yaabaa dad badani in ay is weydiiyaan sababta uu dalkan aan Afrika ku oollin isagu u xiisanayo Afrika ama danta uu ka dheefayo. Dalka Haiti waxaa lagu tilmaamaa dalka ugu Afrikaansan dalalka ku yaalla Koonfurta qaaradda Ameerika, (Laatiin Ameerika) iyo badda Caribbean ka, sida dalal badan oo qaaradda Afrika ka mid ah oo kale, ayaa Haiti qudheedana waxaa muddooyinkii u dambeeyey la hadhay xasilooni darrooyin iyo xasarado siyaasi ah. Haddii ay Haiti arrimahan kala mid tahay Afrika, waxa uu wargeyska Geeska Afrika ogaaday in ay kaga duwan tahay arrimo kale oo muhiim ah, waa marka koowaad ee xorriyaddeeda ay qaadatay 1804 tii oo Afrika oo dhan ka horreysay, waxa ay 25 sano oo keliya ka dambaysay waqtigii uu xorriyadda qaatay dalka Maraykanka ee maanta dunida u arrimaya oo ahayd 1776kii, waxa aanay dawladnimada kaga horreysay dalalka Argentina oo 1816kii ahaa, Brazil oo 1822kii ahaa iyo Canada oo 1867kii ahaa, laakiin illaa maanta oo uu dalkani dawladnimo lahaa muddo ka badan laba qarni wax kasta oo waa uu kuga liitaa kagana dib dhacsan yahay dalalkan uu ka dawladnimada horreeyey, haddii wax uun in la sheego ay noqotana waxa uu caan ku yahay dhinaca suugaanta, gabayada, farshaxanka iyo Muusikada.

Dalka Haiti oo trada guud ee dadkiisu ay tahay 10 Milyan iyo 6 boqol oo Kun, ayaa boqolkiiba 95 ay yihiin Madow Afrikaan ah, oo in ka yar boqolkiiba 1 ay Muslimiin yihiin, tan iyo bishii Labaad ee sannadkan waxaa madaxweyne ku-meel-gaadh ah ka ahaa dalka Jocelerme Privert.