Daanyeerka Dheddig Waxa Ay Ku Dhex Noolaataa Beesheeda Laakiin Labku Waa Maraad Aan Dib U Soo Garan Deegaankiisa

51
4569

London (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in daanyeerka kiisa dheddigga ahi aanay ku kalsoonaanin labka. Wargeyska Daily Telegraph ayaa warbixin uu dhowaan faafiyey waxa ku sheegay in saynisyahanno ka tirsan jaamacadda Ingiriiska ee The University of St Andrews oo xarunteedu Scotland tahay, ay ogaadeen in xitaa marka uu daanyeerka labka ahi uu dhedigga tuso in uu aad ugu xariif yahay soo qadhaabista, sidaa awgeed uu awood u leeyahay in uu iyada iyo dhashaba u soo qadhaabo, in haddana aanay ku kalsoonaan ee ay iska sii wadato hababka u gaarka ah ee ay iyaduna ku qadhaabato. Arrintaas oo xeeldheereyaasha daraaseeya dabeecadaha xayawaanku ay ku macneeyeen kalsooni darro daanyeerka dheddig ku qabo labka, oo ay ka mid tahay in uu ka cabsi qabo in uu fulin waayo wacadka ah in uu isagu qadhaabka qaabilsanaado. Xeeldheereyaasha oo arrintan sii dabagalay ayaa ogaaday in daanyeerka labka ahi uu caado u leeyahay in uu hadba koox ama qoys cusub oo daanyeerro ah isaga tago oo iyaga uu ku biro. Taasina ay daanyeerka dhedigga ah siisay faham ah in warwareeggaas badani uu daanyeerka labka ah ku keenayo in uu garan kari waayo halka ay joogaan qoyskiisa ama raxanta uu isagu ka midka ahaa. Waana sababta keentay in aanay ku kalsoonaan in uu qadhaab u doono oo kaddibna u keeno iyada oo la sii joogta dhasha.

Waxa kale oo ay daraasaddu muujisay in dabeecadda daanyeerka lab ay ka mid tahay in uu ku farxo oo uu xiiseeyo barashada daanyeer kasta oo uu ku qanco ama ka helo habdhaqankiisa, lab iyo dheddig midka uu doono ha noqdo ee.

Baresare Andrew Whiten oo ka tirsan kuliyadda Cilminafsiga iyo cilmiga neerfaha ee jaamacadda Andrews ayaa mar uu la hadlay wargeyska Daily Telegraph waxa uu ku sheegay in sababta ugu weyn ee kala duwanaanshiyaha labada jinsi ee daanyeerku ay tahay fahamkooda ama doonista xidhiidhka wadareed ee ay wadaagaan; dhediggu waxa uu doonayaa xidhiidh ka beesha oo kale ah oo waara, halka labku uu jecel yahay in uu hadba wadartii uu doono ku biro. Sababtaas ayaana keenaysa in daanyeerka dheddig uu xidhiidhada ugu badan ee bulsho la yeesho daanyeerka kale ee dheddig, labkana aanu xidhiidh dhow iyo galangal badan midna la samaysan. Bare-sare Whiten ayaa ka hadlay xidhiidhka uu daanyeerka dheddig la yeesho bulshadiisa, waxa aana hadalladiisa ka mid ahaa, “Dhediggu waxa muhiim u ah in la ilaaliyo xidhiidhada adag ee ay la leeyihiin dhedigga kale oo ay ogtahay in nolosheeda oo dhan ay la qaadanayso wadarta ama beesha, ay la kortay ama ka dhalatayba. Laakiin xidhiidhka ay labka la yeelanaysaa waxa uu noqdaa mid aan adkayn. Waayo kalsooni badan kuma qabto xidhiidhka daanyeerka lab ee aanay hubin inta ay maskaxdiisu awood u leedahay in ay beeshan deegaankeeda ama hoygeeda soo garato”

Xeeldheereyaasha cilmibaadhistan sameeyey waxa ay ogaadeen in daanyeerka labka ahi uu jecelyahay la noolaanshiyaha labka kale oo uu aaminsan yahay in uu awood dhedigga ka badan u leeyahay soo ururinta qadhaabka, taas oo marka xayawaannada kale la eego aad uga duwan, maadaama oo ay iyagu xidhiidhka jinsiga kale doorbidaan, sababo jinsi ah awgeed.

Dhaqanka ah hadba kooxdii ama beeshii daanyeerro ah ee aad ku soo baxdo la nooloow oo la dhaqan, ee uu daanyeerka labka ahi leeyahay, waxa ay mar kasta burinaysaa dhaqanka daanyeerka dheddig ee ah beeshaada ku ekoow, sidaa awgeed marnaba ma dhici karo xidhiidh kalsooni ku waara oo daanyeerka dheddig la yeelan karo labka maraadka ah ee haddii uu ka dhaqaqaaqo oo aanay la socon, ay ka cabsi qabto in aanu dibba u soo garan beeshiisa. Xidhiidhka labka waxa ay ka doorbiddaa dheddigga oo ay ogtahay in ay ka itaal yartahay labka qadhaab ahaan, kana waxsoosaar hoosayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here