Siyaasiyiinta Somaliland Oo Si Dhow Ula Socda Isbedelada Ka Socda Gobalka Iyo Aragtidooda Saamaynta Ay Somaliland Ku Yeelan Karaan

65
3892

Hargeysa(Geeska)-Madaxda siyaasadeed ee Somaliland, ayaa u muuqda inay dhammaantood aaminsanyihiin in isbedelada ka socda gobalka Geeska Afrika ay saamayn toos ah ku yeelanayaan Somaliland, waxase aad moodaa inaanay isku waafaqsanayn nooca saamayntaasi noqon karto.

Madaxda siyaasadda ee Somaliland, ayaa waxa ay qabaan in isbedeladaas oo aanay Somaliland qayb ka ahayn ay haddana saamayn toos ah ku yeelanayaan, waxaanu wargeyska Geeska Afrika halkan ku soo ururiyay aragtiyaha siyaasiyiintaas oo uu intooda badan ka waraystay.

Dr. Sacad Cali Shire

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayuu dhawaan wargeyska Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko isbedelada ka socda gobalka iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland, waxaanu Dr. Sacad yidhiIs bedel kasta oo Geeska Afrika ka dhaca ha wanaagsanado ama ha xumaado, saamayan buu inagu yeelanayaa, waxaana rajaynayaa in mar walba inaga saamayn wanaagsan inagu yeeshaan, oo wixii khilaafaad ah ee jirana wanaag lagu dhammeeyo iyo in la dhawro xuquuqda bini’aadamka.”

Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xaaladda gobalka Geeska Afrika, wuxuu ka yidhi “Itoobiya waa dal weyn oo aynu jaar nahay waxaana ka socda isbadal weyn oo xawli ku socda oo saamayn ku leh dhamaan gobalka Geeska Afrika, waxa inagu waajib ah inaan si dhaw ula socono isbadalkaas.”

Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayuu isagana wargeyska Geeska Afrika su’aalay isbedeladan iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland, waxaanu Faysal yidhi, “Is bedeladaas deg dega ah ee xawliga ah ee ka socda Geeska Afrika waa is bedelo, u socda dhinaca wanaagsan waana is bedelo loo baahnaa, inagu haddii aynu nahay Somaliland waxaynu ka mid nahay Wadamada Geeska Afrika, waxaana xaqiiqo ah in is bedeladani saamayn inagu yeelanayaan, sidaas oo ay tahay waxaa haboon inaynu doorkeena ka ciyaarno is bedelada xawliga ah ee ka socda Wadamada Geeska Afrika, oo aynaan ka gaabinin, waxaa sidoo kale haboon inaynu is muujino, oo si wada jira ah u muujino qaranimadeena iyo jiritaankeena, kuna muujino xaalada kasta ama talaabo kasta oo aynu qaadi karayno, mana haboona inaynu is bedeladaas socda inaynu ka hadhno”.

Ismaaciil Buubaa

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo si dhow ula socda xaaladaha gobalka, ayuu isna Geeska Afrika su’aalay isbedeladan iyo saamaynta Somaliland, waxaanu yidhi  ” Is bedelada culus ee ka socda mandaqada,ciddii la socon kari weydana dhibaato weyn baa ugu jirta,Somaliland inay u fiirsato waxan dhacaya ee hareeraheeda ka taagan ayaa muhiima oo inay la jaanqaado kana mid noqoto dadka wax bedelaya.”

Dr. Gees

Dr. Maxamed Siciid Gees oo mar noqday wasiirkii arrimaha dibadda ee Marxuum Cigaal iyo Madaxweyne Rayaale, ayaa isna qormo uu dhawaan baahiyay wuxuu kaga hadlay isbedeladan “Dabayaaqada sannadkan 2018 ayey kala caddaan doonaan arrimahaasi hadda bilawga ahi, maadaama Itoobiya ay tahay dal xad la leh toddoba waddan oo Geeska Afrika ku yaal, uguna dhul weyn tahay, isla markaana ay ugu dad badan tahay, oo ugu biyo badan tahay, oo dadkeedu ku filiqsan yihiin derisyadeeda, waa dhab in isbeddelkeedu saamayn weyn ku yeelan doono deriska ama dalalka la jaarka ah. Waxa la yidhaahdaa haddii ay Itoobiya hindhisto, hargab ayaa ku dhaca dariskeeda.”

Wuxuu qoraalkiisa ku soo gunaanaday, “Allaah ha u naxariistee Axmed Ismaaciil Qaasim oo mar Ceerigaabo loo beddelay, ayey reer Ceerigaabo gabay ku boobeen soo dhaweyntiisa, si ay uga hadliyaan, kadibna waxa uu yidhi;“Waxan ahay nin dabin u galay, fuul ay coloobeen eh.

Dirindiir kolay ku tahay, laygu soo duulye.”

Shan u roon (Somaliland) ayaa lagu soo duulay!!! Waa la ii dardaar werinayaa derajaday yaa og?

Gunaanad

Waxa muuqata in siyaasiyiinta Somaliland ay si dhow ula socdaan isbedelada gobalka Geeska Afrika, sidoo kalena waxa muuqata inaanay Somaliland qayb ka ahayn isbedeladaas oo aanay si toos ah iyo si da’d ban toona ugu jirin. Waxase la isku raacsanyahay inay saamayn ku yeelanayaan, waxaana suurtogal ah in mustaqbalka dhow la arko saamayntooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here