Saddexdii Qof Ee Maraykan Ahba Laba Ayaa Aan Rumaysan Wararka Warbaahinta Ay Ka Maqlaan

51
4093

Washington (Geeska)- Waxa ay dadka Maraykanku aaminsan yihiin in boqolkiiba 62 wararka ay warbaahinta kala duwan ka maqlaan ay tahay warar dhinac u xaglinaya. Sahamin ay sameeyeen labada hay’adood ee Globe iyo Night Fan oo Maraykanka laga leeyahay, ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 44 warbixinaha wareed ee lagu baahiyo talefishannada, wargeysyada iyo idaacadaha iyo boqolkiiba 64 wararka lagu faafiyo baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet ku ay been abuur yihiin.  Warbixintan oo ay shabakadda wararka ee Almalaf ka soo xigatay shabakadda Business insider ayaa sheegaysa in boqolkiiba 80 dadka la waraystay ay aad uga niyadjabsan yihiin, kana cadhaysan yihiin wararka been abuurka ah ee warbaahintu faafiso.

Dadka sahamintan lagu waraystay ayaa mar la weydiiyey in cadhadoodu tahay xaglinta oo keliya iyo in ay sida oo kale ka hadlayaan hubaanti la’aanta wararka, waxa ay badankoodu ku doodeen in ay isku mid yihiin ama isku xidhan yihiin xaglinta iyo hubaanti la’aantu. Si kastaba ha ahaato ee macnaha ay dadka la waraystay uga jeedaan hubaal la’aanta iyo xaglin la’aanta ayaa la ogaaday in ay ku xidhan tahay hadba aragtidooda siyaasiga ah.

Sida sahamintan ka muuqata xisbiga ama fikirka siyaasadeed ee uu qofku aaminsan yahay ayaa raad ku leh fahamka iyo aragtida uu ka qaadanayo dhexdhexaadnimada ama dhinacjirnimada warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here