Cuntooyin Laga Heli Karo Dhulka Soomaalida Oo Si Aad Ah U Caawiya Dhimista Miisaanka Iyo Caafimaadka Guud

Published on Oct 10 2017 // Googooska Geeska

Hargeysa (Geeska)- Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad ee dadka dunida badankoodu ka cawdaan muddooyinkan dambe. Waxa ay dhaawacdaa quruxda guud iyo muuqaalka duleed ee qofka, laakiin waxaa ka sii daran in ay qofka ku keento xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin xanuunnada ku dhaca wadnaha, lugo xanuunka, xanuunka kalagoysyada iyo jilbaha, Dufanka oo dhiigga ku bata, iyo macaanka. Sidaa awgeed waxa ay mar kasta xeeldheerayaasha caafimaadku ku taliyaan in la maro nidaam cunto qaadasho iyo jimicsi oo caawinaya in uu gubto dufanka jidhka ku jira iyo in  miisaanku hoos u dhaco.

Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah cuntooyinka dhulka Soomaalida ka baxa ama loo soo dhoofiyo ee ay khubarada caafimaadku qireen in ay caawiyaan miisaan dhimista, waxa aanay yihiin: cuntooyina kalshiyaamta badan leh: Kalshiyaamtu waxa ay ka mid tahaycuriyeyaasha ugu muhiimsan caafimaadka lafaha iyo ilkaha, waxa xakamaysaa dareenka gaajada, waxa aanay caawisaa in uu jidhku burburiyo dufanka guud ahaan iyo si gaar ah dufanka ku guntama jidhka gudihiisa.

Tufaaxa: Tufaaxu waxa uu yareeyaa dareenka gaajo ee qofka, waxa aanu wanaajiyaa shaqada dheefshiidka, sida oo kale waxa uu ilaaliyaa caafimaadka caloosha oo uu ka ilaaliyo caloos istaagga. Diirka sare ee tufaaxu waxa jidhka awood u siiyaa in uu unugyada ka nuugo dufanka.

Fuulka: Fuulku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka galka leh ee sida weyn u caawiya yaraynta xaddiga dufan ee jidhka ku jira, waxa uu sida oo kale caawiyaa hoos u dhaca heerka sonkorta dhiigga. Fuulka waxaa ku jira Barootiinno qofka ku abuuro dareen dhereg ah sidaa awgeed uu cuntada iska yarayn karo waxa aanu gubaa dufanka.

Sinjibiil: Sinjibiishu waxa ay ka mid tahay dawooyinka dabiiciga ah ee si cilmi ah loo xaqiijiyey in ay buurnimada la dagaallanto, jidhka ka caawiso gubista dufanka. Waxa kale oo ay sinjibiisu nolol gelisaa muruqyada waxa aanay ka takhalustaa kaarka iyo xanuunka. Sinjibiishu waxa ay jidhka ku abuurtaa kulayl ku filan in uu dhalaaliyo dufanka ku urura unugyada jidhka, sidaa awgeed waxaa lagu taliyaa in lagu daro cuntada ama in sida shaaha oo kale loo cabbo.

Boorashka: Boorashku waxa uu ka mid yahay arrimaha ugu fiican ee guba dufanka jidhka, sonkortana heerka dabiiciga ah ku ilaaliya, waxa uu sida oo kale ilaaliyaa dheelitirnaanta maadadda Isnuliinta ee jidhka ku jirta.

Shaaha cagaaran: Shaah Akhtarku waxa uu ka mid yahay cabbitaannada dufanka guba, waxa aana ku jira maaddooyin liddi ku ah mariidka, isla markaana wanaajiya ka faa’idaysiga nafaqada cuntada ku jirta. Waxa kale oo uu jidhka siiyaa awood uu ku ilaalin karo heerka kalastaroolka.

Cilmibaadhiso lagu sameeyey shaaha cagaaran ayaa iftiimiyey in uu dawo u noqon karo cudurka Kansarka.

Basbaaska kulul: Busbaas akhtarka kulul waxaa lagu tiriyaa hababka ugu fiican ee jidhka ka caawiya in uu si aad u dhaqso badan u burburiyo dufanka ku urura, waxa aanu kor u qaadaa awoodda uu jidhku u leeyahay in uu nafaqada ka nuugo cuntada.

Biyo: Koob biyo ah oo diirran in aad subax kasta cuntada ka hor cabtaa waa arrin la hubsaday in ay jidhka ka caawiso in uu iska soo saaro biyaha dheeraadka ah eek u jira, kana takhaluso mariidka. Waxa kale oo koob biyo ah oo diirran laga faa’idaa in uu gubo dufanka jidhka ku urura. Waxa lagu taliyaa in qofka miisaanka dhimayaa uu ku dadaalo in uu cuntada 30 daqiiqo ka hors ii cabbo koob biyo ah, waxa uu qofka ku abuurayaa dareen dheregsanaaneed, waxa aanu wanaajinayaa dheefshiidista cuntada.

Beedka: Dad badan ayaa aaminsan in beedku uu raad taaban oo caafimaad ku leeyahay jidhka, waxa ay qaarkood ku andacoodaan in uu jidhka ku badiyo kalastaroolka, laakiin waxaa hubaal cilmiya ah in kalastaroolka ku jira beedku uu yaahy midka fiican ee jidhku u baahan yahay, sida aadka ahna u caawiya in jidhku iska gubo dufanka iyo kalooriska. Waxa kale oo uu leeyahay, asiidho duxeed iyo barootiinno u fiican caafimaadka.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!