Caafimaadka Muhiim Uma Aha Saacadaha Uu Qofku Hurdo Waxa Se’ Sirtu Ku Jirtaa Nooca Hurdo Ee Uu Helo

0
21

Washington (Geeska)- Inta badan waxa ay dadka waaweyni ka cawdaan hurdo la’aan ama baraarugga habeenkii oo ku badan, iyo suuliga oo ay habeenkii marar ka badan intii hore u baahdaan. Xitaa saacadaha ay hurdaan ayaa ay marar badan dareemaan in hurdadoodu ay ahayd mid aan gaadhsiisnayd heerkii nasashada iyo xasiloonida ee ay xilligii dhalinyaronimada yaqaanneen. Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Berkley ee dalka Maraykanka ayaa baadhis ku sameeyey sababaha arrintan la’ la xidhiidhin karo iyo dhibaatada caafimaad ee hurdo yaraanta ka dhalan karta. Maqaal ay horraantii bishan aynu ku jirno ku faafiyeen majaladda Neuron ayaa ay ku sheegeen in dadka waaweyn oo heli waayo saacado hurdo oo ku filani ay kordhiso khatarta ah in xusuustu ka lunto, iyo sidoo kale xaalado caafimaad darro oo isugu jira kuwo nafsi ah iyo kuwo jidheed.

Matthew Walker oo ah bare-sare oo cilmi nafsiga iyo cilmiga neerfayaasha ka dhiga jaamacadda Barkley, isla markaana ah ninka qoray maqaal uu cinwaan uga dhigay, ‘Cudur kasta oo muddo kadib ina dilaa waxa uu inta badan xidhiidh sababeed la leeyahay hurdo yaraanta” Bare-sare Walker waxa uu maqaalkiisaa ku caddeeyey, in dabeecadaha aadamaha ay tahay in uu shaqadiisa adduun dadaal badan geliyo, culays xoog ahna is saaro si noloshiisa uu u dabbaro, laakiin ay seegto in dadaalkaas mid la mid ah uu geliyo daryeelka caafimaadkisia iyo ka war haynta xaalkiisa.

Walker waxa uu intaas ku daray, “Marka laga tago calaamadaha kale ee gabowga la socda, sida cirrada iyo coodh-coodhka, waxaa iyaduna jirta in hoos u dhaca ku yimaadda hurdada, kaas oo keeni kara xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin cudurka unugyada maskaxda dila ee Alzheimer ka, xanuunnada wadnaha ku dhaca, buurnida, macaanka iyo dhiig-furanka maskaxda”

Dhinaca kalana Walker waxa uu ka digay in dawooyinka hurdada oo la isticmaalaa aanay buuxinayn kaalintii hurdada uu qofku u baahnaa, balse ay dhici kartaba in hurdada ay sii xumeeyaan. Waxa ay khubaradu sheegeen in dawada hurdadu ay maskaxda dejiso uun, halkii ay ka ahayd in ay ka caawiso in ay hurdo dabiici ah hesho. Sidaa awgeed waxa ay ku taliyeen in aan lagu degdegin isticmaalka dawada hurdada ee uu qofku raadiyo habab kale oo uu kula tacaali karo mushkilada hurdo yaraanta.

Waxa kale oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in maskaxda aadamaha qaybaha ugu horreeya ee uu gabowgu gaadhaa ay yihiin qaybaha ka shaqaysa hurdada qotoda dheer, sidaa awgeed ay inta badan dhacdo in qofku mar kasta oo uu sii gaboobo, hurdadiisuna yaraato. Hoos u dhaca uu gabowgu ku keeno awoodda uu jidhku u leeyahay habaynta maaddooyinka kiimikaad ee neerfayaasha ayaa iyaduna galaafata hawsha ay maskaxdu u baahan tahay xilliga kala guurka hurdada iyo soo jeedka, waxa aana kiimikooyinkaas baayooloji ka mid ah, Gallanine oo xoojisa hurdada iyo Orexin oo xoojisa soo jeedka.

Si kastaba ha ahaato ee waxa ay khubaradu caddeeyeen in natiijadan ay heleen aanay dadka oo dhan meteli karin, maadaama oo ay caddahay in dad badani mar kasta oo ay sii da’ weynaadaanba hurdadoodu sii badato, cilmibaadhaha daraasaddan hormuudka uu ahaa oo lagu magacaabo Mandir oo arrintaas hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay daraasado kale oo dheeraad ah oo lagu ogaanaya sababaha kale ee keenaya in dadka qaar hurdadu ku badato kuwana ku yaraato.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu sheegeen in saacadaha la hurdayo oo la tiriyo ay ka muhiimsan tahay tayada hurdo ee uu qofku helayo oo la hubiyo, “Waxaa hore u badnaa ka warramidda tirada saacadaha uu qofku u baahan yahay in uu seexdo, waxa se’ muhiim ah in la laga taliyo hurdo wanaagga iyo qoto dheerida hurdada ay maskaxdu hesho” ayaa lagu yidhi daraasaddan uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u rogay.