Caadooyinka Qosyka Boqortooyada Ingiriiska

44
3318

London (Geeska)- Ka bilow u foorarsiga ay tahay in boqoradda loo foorarsado markasta oo la’ lakulmo, wad illaa aad ka gaadho dhaqanka ah in mar kasta oo la’ lahadlayo ay qasab tahay in loogu yeedho, ‘Your majesty’ (Sarrayntaada ama sharaftaada). Sheekada la xidhiidha caadooyinka boqortooyada Ingiriisku, waxa ay warbaahinta iyo hadal haynta dadka aad ugu soo noqotaa mar kasta oo qof qoyska ka mid ahi guursado qof aan boqortooyada ka mid ahayn. Waxaa u dambeeyey guurkii bishii shanaad ee sannadkan isu keenay, wiilka ay boqoradda Ingiriisku ayeeyada u tahay ee Amiir Harry iyo gabadha jilaaga filimada Maraykanka ahaan jirtay ee Rachel Meghan Markle.

Gabadhan oo noqotay afadii ugu horreysay ee iyada oo carmal ah uu guursado wiil ka tirsan boqortooyada Ingiriiska, markii ugu horreysay ee wiil boqortooyada ka tirsani uu guursado gabadh da’ ahaan ka weyn, isla markaana ah gabadhii ugu horreysay ee isir Afrikaan ah leh ee qoyskaas u dhaxda, ayaa dhowaan markii ay qoyska ku biirtay waxaa ay kamaradaha warbaahintu marar kala duwan qabteen iyada oo ku kacaysa arrimo jebinaya caadooyinka boqortooyada. In kasta oo loo fahmay in ay ka ahayd aqoondarro aanay weli si fiican u wada baran ama ula qabsan ku dhaqanka caadooyinkaas.

Caadooyinka boqortooyadu waa kuwo aan qornayn. Qaar badan oo ka mid ah oo taariikh aad u fogi ka soo wareegtayna imika waa la iska dhaafay oo qoysku kuma dhaqmo. Inta nool ee lagu dhaqmaa waxa ay u qaybsantahay kuwo waajibaya xubnaha qoysku in ay ilaaliyaan iyo caadooyin laga rabo in ay dhowraan xitaa dadka qoyska martida u ah iyo dadweynaha caadiga ahi marka ay la joogaa boqoradda ama joogaan guryaha boqortooyada.

Qodobka koowaad waa in gabadha cusubi ay dareento in ay maalinta guurka laga bilaabo, meel kasta oo ay tagto ay ku metelayso boqoradda iyo xubnaha qoyska boqortooyada, sidaa awgeed laga rabo in ay dhowrto caadooyinka. Haddii mid ka mid ah caadooyinkaas ay si xitaa aan ku talagal ahayn u qaladdo, waxa ay u dhowdahay in saacado gudahood ay sheekadaas oo fadeexad ahi ku soo baxdo bogagga wargeysyada dalka ka soo baxa.

– Qoyska boqortooyada oo ay ku jirto Rachel Meghan Markle, iyo qof kasta oo guursada qof ka tirsan qoyskan waxaa mamnuuc ka ah in uu siyaasadda galo. Waxaa ka mamnuuc ah ka qaybgalka inta badan ee dhacdooyinka siyaasiga ah, ma codayn karaan xilliga doorashooyinka, isumana sharrixi karo mansabyada dawladda. Waxaa xiise leh in sharciga dalku aanu ka qaaday xaqii muwaadinnimo ee codaynta iyo is sharraxaadda, laakiin haddana waxaa jira sharci dhigaya in siyaasadda ka qaybgalkeedu uu sharcidarro ku yahay, si ay u muujiyaan dhexdhexaadnimadooda siyaasiga ah.

– Qof kasta oo qoyska boqortooyada ka mid ah waxaa laga rabaa in uu u dhaqmo sida ay boqoraddu u dhaqanto. Tusaale ahaan haddii ay adiga oo fadhiya ku soo dul istaagto waa in aad istaagtaa, oo aanad fadhiisan illaa ay fadhiisato, haddii aad miis ku wada cuntaynaysaan waa in aanad boqoradda ka hor bilaabin cuntada. Waxa aad ogaataa in ay boqoraddu xaddidayso waqtiga la cashaynayo iyo muddada cashadaas loo fadhiyayo, sidaa awgeed waxa aad iska jiraysaa in aad sii fadhido boqoraddii oo kacday.

– Xubnaha qoyska boqortooyadu marka ay isugu yimaaddaan munaasabad, waxaa caado ah in ay u fadhiistaan sida ay u kala darajo sarreeyaan ama naanaysta boqortooyo ee ay wataan u kala weyn tahay. Taas oo ah in sida ay dhaxalka ugu kala dhowyihiin ay boqoradda ugu kala dhowaanayaan.

– Boqoraddu ma qaadanayso baasaboor, sida oo kale caado uma laha in ay gaadhi kaxayso, oo meel kasta oo ay u baxayso waa in darawal u gaar ahi ku kaxeeyo baabuurka.

– Waxaa mamnuuc ah in qof marti ahi uu taabto qof qoyska boqortooyada ka mid ah, xitaa haddii ay sawir wada gelayaan waa in uu ag istaago iskana jiro in gacantiisu taabato. Marka keliya ee jidhka qofka reer boqor la taaban karaa waa marka salaanta oo weliba ay anshax ahaan tahay in qofka salaamayaa u yara foorarsado, haddii aanu isaguna qoys boqortooyo ahayn.

– Haddii idinka oo dhowr qof ah boqoradda booqasho ugu tagtaan, oo aad doonayso in ay kula hadasho, dhinaca midigta ka fadhiiso, waayo caadada ayaa ah in ay la hadasho uun qofka dhinaca midig ka xiga.

– Carruurta boqortooyada Ingiriiska waxaa caado ahaan laga rabaa in loogu labbiso qaabkii dharqaadasho ee sannadkii 1950 kii ka jiray qoyska iyo dalkaba.

– Dhaqannada soo jireenka ah ee laga rabo dumarka ka dhashay ama u dhaxay qoyska boqortooyada Ingiriiska waxaa ka mid ah in gabadhu ay is asturto, qaawanida iyo dharka aan asturnayn waxaa ay u arkaan in ay tahay calaamad dumarka xun lagu garto. Gabadha qoyska boqortooyada ka tirsan, gaar ahaan boqoradda haddii ay meel u baxayso, waa in ay madaxa masar saarto iyo in aanay xidhan dhar laabteedu muuqanayso. In kasta oo dhaqankan dhinaca labbiska uu badankiisu hadda ka guuray qoyska, gaar ahaan dhaqanka ahaa in aanay dhudhumada luguhu muuqan.

– Dumarka qoyska boqortooyada waxa caado u ah in ay maalintii xidhaan koofiyad weyn, halka fiidkana ay xidhaan giraanta astaanta u ah boqorrada ee madaxa la saarto. (Taajka). Waa dhaqan muddo qarniyo ah ay soo kala dhaxlayeen xubnaha qoyska boqortooyadu.

– Dumarka boqortooyada Ingiriisku marka ay fadhiyaan meel furan / dad dhexdii ama qof muhiim ah la joogto, waxaa waajib ku ah in ay labada cagood is dulsaarto, iyo in gadhkooda aanay kor u qaadin, hoosna aad ugu foorarin ee ay meel dhexe ku hayaan. Si aanu madaxu kor ugu qaadmin, hoosna u foorarsan.

– Dhar aan qaali ahayn aadna u liidan ayaa laga rabaa in ay ku labbisato gabadha ka tirsan qoyska boqortooyada Ingiriiska.

– Qoyska boqortooyada waxaa ka mamnuuc ah in ay mar keliya safar wada galaan. Caadadani waxa ay ku aroortaa dhaqan fog, oo diidayey in qoyska, gaar ahaan boqoradda iyo inta dhaxalka sugaysaa, ay masaafad fog hal mar wada safraan. Sababtu waxa ay ahayd mid maangal ah, waayo khatarta ayaa xilliyadaas aad u badnayd, oo lagama aamin qabin in shil ama colaad kedis ahi ku dhacdo oo dhammaantood naftooda galaafato. Sida oo kale haddii qof qoyska ka mid ahi uu safrayo, waxaa mamnuuc ah inkasta oo uu dhowaan caadadan jebiyey wiilka ay boqoraddu ayeeyada u tahay ee William oo la safray wiilkiisa yar.

In kasta oo aan imikaba aamin laga ahayn in shil kedis ahi qoyska ku dhici karo, ama dhib kale mar wada dili karto, haddana muddooyinkan dambe dhaqankaasi waa uu is beddelay, oo hadda waa ay dhacdaa in marar badan la arko xubno badan oo qoyska ah oo mar keliya wada safraya.

– Dhiigga boqortooyadu waa uu ka sarreeyaa dhiig kale oo kasta. Taas macnaheedu waa in qof kasta oo aan qoyska isir ahaan ka mid ahayn, laakiin guur ama sifo kale uun ugu soo biiraa, uu ku qasban yahay in uu u foorarsado ixtiraam ahaan, marka uu la hadlayo amiirrada oo dabcan iyagu isir ahaan qoyska ah. Ixtiraamkaas iyo u foorarsigaasi waa ku waajib xitaa haddii amiirku uu aad uga da’ yar yahay. Sababta keliya ee arrintaas loo cuskadayna waa in qofkani uu isagu ka yimi dadka caadiga ah, dhiiggiisuna aanu wadan hidde-sideyaasha qoyska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here