Bisad Dhego La’ Oo Noqotay Xayawaanka Ugu Caansan Saadaalinta Natiijada Ciyaaraha Adduunka Ee Bilowday

25
3381

Mosko (Geeska)- Ciyaaraha koobka kubadda cagta adduunka waxaa sannadihii u dambeeyey k usoo kordhay tartan ka dhexeeya xayawaanno kala duwan oo ciyaar kastaa inta aanay bilaabmin ka hor sii kala saadaalinaya labada dal ee iska hor imanaya kooda badinaya.

Waxa aanay gaadhay in guddiyada iyo hawlwadeennada rasmiga ah ee koobka sannadkaas maamulayaa ay sii doortaan xayawaanka doorkaas loo aqoonsanayo in uu faaliyo ciyaaraha dhacaya. Saddexdii koob ee u dambeeyey oo dhacay 2010, 2014 iyo kan hadda bilowday ee 2018 ka, waxaa mid kasta ku soo shaac baxay hal xayawaan oo nasiibintii uu natiijada ciyaarta ku samaynayey u romoowday.

Waxa ay hawlwadeennadu sheegeen in sababta bisadda dhegaha la’ lagu doortay ay tahay, in aanay maqlayn codka iyo qaylada taageerayaasha oo laga yaabo in ay qaarkood ku yeeshaan saamayn wax ka beddesha ama khalkhal gelisa doorashadii ay samayn lahayd. Bisadda oo magaceeda Akhiil la yidhaahdo ayaa subax kasta loo keenaa quraac ku jirta laba xeedho oo midabkooda iyo cabbirkooduba is le’eg yahay cuntada ku jirtaana isku mid iyo isku qiyaas tahay, marka laga reebo in labada dal ee maalintaas ciyaaraha calamadooda oo aad loo yareeyey, midba xeedho lagu dul taagayo. Kaddib waxaa la eegayaa bisadda Akhiil labadaas dabaq oo isku masaafad u jira, midkooda ay doorato in ay cunto cuntada ku jirta.

Ma’aha markii ugu horreysay ee bisaddani ay hawshan qabato, balse waxa ay hore u saadaalisay ciyaarihii adduunka ee horyaallada qaaradaha oo sannadkii hore lagu qabtay isla dalka Ruushka, waxa aana rumowday in badan oo ka mid ah saadaashii ay samaysay, oo ay ku jirto ciyaar ay bisaddu barbardhac ku saadaalisay, kaddib markii labada bilaydh ee cuntada loogu ridayba ay wax ka cuntay.

Koobkii kubadda cagta adduunka ee 2010

Ciyaarihii sannadkaas waxaa ku soo caan baxay xayawaanka bad ku noosha ah ee Farabadan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Octopus’. Xayawaankan oo loo bixiyey Paul waxa uu dunida oo dhan kaga yaabiyey markii 13 ciyaarood oo ka mid ahaa ciyaarihii koobka Yurub ee 2008 dii, uu 11 ka mid ah si sax ah u saadaaliyey.

Xayawaankan ‘Paul’ waxa kale oo uu saadaaliyey dahammaan ciyaarihii koobka adduunka ee 2010 kii oo ka dhacay dalka Jarmalka, dhammaantoodna waxa ay ku dhammaadeen sidii uu sii saadaaliyey. Ciyaaraha markii uu saadaaliyey la rumaysan waayey, laakiin saadaashiisu runta noqotay waxaa ka mid ahaa tii dhex martay Jarmalka iyo Seerbiye, oo uu saadaaliyey in Seerbiay badinayso, laakiin aan lagu qancin illaa ay ciyaartii dhacday oo ay sidii uu saadaaliyey u dhacday, waxa kale oo uu saadaaliyey, balse bilowgii hore aan aad loo rumaysan in koobkaas 2010 ka oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika uu qaadi doono dalka Isbayn.

Waxaa la xasuustaa berigaas in markii Jarmalka laga guulaystay ay taageerayaashii Jarmalka oo aad u badnaa goobtii uu xayawaankani ku sugnaa la yimaaddeen dibad bax cabasho ah oo ay ku dalbanayaan in Farabbadantan la kariyo oo inta liin dhanaan lagu shiilo dadka loo qaybiyo. Laakiin taasi ma’ay dhicin oo markii ciyaarihii 2010 dhammaadeen, ninkii xayawaankan lahaa waxa uu dib ugu celiyey shaqadii uu marka hore u qaban jiray oo ahayd in uu carruurta ka qosliyo, kaddibna lacag yar ka qaato waalidkood. Si kastaba ha ahaato ee Paul ugu dambayntii waxa uu bakhtiyey bsihii Maarso 2010kii.

Koobkii kubadda cagta adduunka ee 2014

Koobkii kubadda cagta adduunka ee 2014 kii oo uu dalka Baraasiil martigeliyey, waxaa isna saadaalinta ciyaaraha loo dabafadhiistay diin biyood, loo bixiyey ‘madaxweyne’ (Big Head). Ciyaaraha uu saadaaliyey ee sida gaarka ah loogu xasuusto waxaa ka mid ahaa ciyaartii furista ciyaaraha ahayd ee uu dalka Baraasiil kaga badiyey dalka Kurawaatiya, ciyaartii barbardhaca ahayd ee Baraasiil iyo Mexico, iyo ciyaaro kale. Laakiin saadaasha diinkani ma’ay noqon mid sida tii Farabbadanta u wada rumowdo ama in badan oo ka mid ahi rumoobaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here