“Anigu Waddani Kuma Biirayo”

0
818

Picture4

Hargeysa(Geeska)- Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawaan) ayaa sheegay inaanay ku biirayn xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, islamarkaana aanu weli ka bixin xisbiga KULMIYE.

Cabdillaahi jawaan oo shalay saxaafadda kula Hadlay Hargeysa ayaa yidhi .“Markaan Komiishanka Ka tagay Xisbiga Aan ku Biiray waxa uu ahaa Xisbiga Kulmiye,ilaa hadana kamaan Bixin Xisbiga,Kumanaan Biirina Waddani ilaa hadana Maskaxda kuma Hayo inaan ku biirayo,Warkaas Aad sheegaysaana waxba Kama Jiraan.”

Waxa la suaalay in wasiir loo magacaabayo, waxaanu yidhi  ”Madaxwaynaha ayaa Xaq u leh inuu I Magacaabo Xilkuna Nooca uu yahay Maad sheegin Laakiin waxaan Arkayay Jaraa’id waxaanan leeyahay waxaasi waa Been,waxaanan ku leeyahay Madaxwayne Siilaanyo ayaa Xaq u leh isku shaan-dhaynta iyo cid uu xilka u dhiibanayo.”

Cabdillaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Wax aniga igu haya Kurbo am aan u dagaalamayo Majirto,Madaxwayne Siilaanyo Cidii uu doono ayuu Xilka u dhiibaa Karaa Lakiin aniga waxa kurbo igu haya oo dhib ahi Ma jiraan,waxaanan hambalyaynayaa Xuska Maalinta Ciidanka qaranka oo shalay ku beegnaa waxaanan leeyahay ilaahay Sanadkan Sanadkiisa ha idinku gaadhsiiyo.”

Siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar waxa uu Rajo wanaagsan ka Muujiyay in Somaliland Dhinac  Nabada,waxbarashada Ka gaadhay Horumar Lataaban Karo waxaana uu sheegay in wax ka dhiman Laga Gaadhi Doono Guulo. “Baarlamankii la doortay Deegaankii ay ka soo jeedeen u Hadli lahaa ayaa wax badalay Cuqaal iyo odayaal Dano Gaara leh ayaa had iyo jeer buuq galiya,deegaankas   markasta wax u hadla xildhibaanka laga soo doortay,Anigu ma dhaliilayo Haay’adda Lakiin Baarlamanku Wixii loo doortay Kuma Shaqeeyo Marka Runta Laga hadlo,waxaana Haboon in ay dadka Baahidooda Ka hadlaan Deegaanka Ay ka Soo jeedaan ay u tagaan Xildhibaan kasta.

Wuxuu xisbiyada u soo jeediyay inaanay murashixiinta ku qaadan beel ahaan balse ay ku qaataan mabda’ ahaan iyo inuu xisbiga ka tirsanyahay, waxaanu yidhi “Xisbiyadu shaqadooda Ha qabsadeen, ninka ay qaadanayaan Xisbiga ayaa xaq u leh Xeerkiisa ayaa dhigaya,waa inaan Reer hebel lagu keenin ee waa inuu xisbigu keenaa,waana in lagu xidhaa dhigaal xisbiga inuu bixinayay lix bilood,waa inuu xisbiga Xubin Wanaagsan ka yahay,Lakiin Maaha in reer hebel lagu soo Xulin,Halkan Ay tagayaan waa halkii dalka ugu saraysay ee Madaxwaynaha La xisaabtamaysay