Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Oo Ka Hadlay Ciyaarihii Gobalada Ee Bisha Ramadaan

0
1054

 

Picture4Hargaysa( Geeska )- Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha  Maxamed Nuux Jibriil,  ayaa daboolka ka qaaday in guud ahaan gobalada dalka lagu qabtay tartanka ciyaaraha ee bisha Ramadaan, isla markaasna loo qabtay kooxo kala duwan.

Agaasimahu wax uu sheegay inay dadaal ku bixiyeen sidii bisha ramadaan garoomada kala duwan ee dalka loogu ciyaarsiin lahaa kooxaha kala duwan ee ka jira, waxaanu qoraal uu soo saaray u dhignaa sidan. Gobol  walba  inta naadi ee tartankaas loo qabtay waa sidan hoos ku faahfaahsan

Gobolka Maroodi Jeex (Hargeisa)

Waxa gobolka Maroodijex caasimadiisa Hargeisa gaar ahaan afar dagmo ka socda tartamo dagmo kasta waxa lagu ciyaaraa hal garoon oo ugar ah oo ay ku wada ciyaaraan labiyo toban (12) kooxood damada Axmed Dhagax oo iyadu laba garoon ku ciyaarata tusaale :

Dagmada Ibraahin Koodbuur waxaa lagu ciyaaraa garoonka 31 May oo ay ku tartamayaan Afar iyo toban (14) kooxood, Dagmada 26 Juun waxa lagu ciyaaraa garoonka Xawaadle oo ay ku tartamayaan lab iyo toban (12) kooxood, Dagmada Maxmuud Haybe waxaa lagu ciyaaraa garoonka guryasamo oo ay ku tartamayaan laba iyo sodan(32) kooxood,Dagmada Axmed Dhagax waxa lagu ciyaaraa garoomada kala ah,Hargeisa stadium  todob iyo  toban (17) kooxood,Garoonka Tareeriska  Afar iyo toban (14) kooxood.

Gobolka Awdal  (Boorama )

Gobolka awdal magaalo madaxdiisa Boorama waxaa ka socda tartan kubada cagta ah oo loo qabtay laba iyo toban  (12) kooxood waxaanu ka socdaa garoonka wayn ee sheekh Cali Jawhar. waxaanu ku dhamaaday nabad galyo

Gobolka Saaxil(Berbara)

Gobolka saaxil magaalo madaxdiisa Berbara waxaa ka socda tartan kubada cagta ah oo dhan lix (6) kooxood waxaanu ka socdaa garoonka Berbara stadium waana gaba-gabo isaga oo maraya finalkii

Gobolka Togdheer (Burco)

Waxaa tartan aad iyo aad u xiiso badani ka socdaa gobolka togdheer magaalo madaxdiisa Burco  tartankaas oo ay ku tartamayaan labiyo toban  (12) kooxood oo ku dhow dhamaad kuna bilaabmay nabad galyo isaga oo la soo gabagabaynayo maalinta.

Gobolka Sool (Laascaanood )

Waxaa tartan uu ka bilaabmay gobolka sool magaalo madaxdiisa Laascaanood  tartankaas oo socday mudo dhan 14 cisho oo ay ka qayb galeen lix(6) kooxood

Tartankaas oo ka dhacay garoonka Cabdi Bile Cabdi isagoo ku dhamaaday si nabad galyo ah .

Gobolka  Sanaag (Ceerigaabo)

Waxa tartan kubada cagta ah oo dadka deegaan ka magaalada ceerigaabo ee gobolka Sanaag aad ula dhaceen  kusoo gaba-gaboobay magaalada Ceerigaabo waxaana tartankaas ka qayn galay lix (6) kooxood.

Basketka

Garoonka Timacade ee Basketka waxaa lagu ciyaaray laba tartan oo (B) 6kooxood  (A)8kooxood waxaanu ku dhamaday si wanaagsan waxaana qaaday kooxda Nagaad

Garoonka Axmed Guray waxaa ku ciyaaray 16kooxood waanu dhamaday waxaana qaaday Haboon Cons. Company.