Kulan Wasiirka Macdanta Loogu Soo Jeediyay Inuu Faraha Kala Baxo Wakaalada Biyaha Burco

0
704

 

wasiirka-macdanta-274x300Burco(Geeska)–Shir ay iskugu yimaadeen Hormuudka waxgaradka ,aqoonyahanka  iyo Madaxdhaqameedka beelaha ku dhaqan Waqooyiga ,Koonfurta iyo galbeedka gobolka Togdheer  ayaa si weyn loogu taageeray go'aankii ay xildhibaanadda baarlamaanka Somaliland ku eedeeyeen  wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland qaabka uu u maamulo deeqahii biyaha ee caalamku bixiyaan .

 

Sidoo kale kulankan oo shalay ka dhacay Hoteelka Goliss ee magaalada Burco  ayaa loogu baaqay Wasaaradda Macdanta iyo biyahu in ay faraha kala baxo maamulka wakaalada biyaha Burco oo mudooyinkii u danbeeyay khilaaf hadheeyay .

Badhasaab ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. "Waxaanu halkan ka cadaynaynaa in aanu si dhab ah u taageersanahay baaqii ay ka soo saareen  labada gole ee sharci-dajinta  guurtida iyo baarlamaanku sinaan-la'aanta , cadaalad-darada ,iyo kala sooca  ee uu ku dhaqaaqay wasiirka macdanta iyo biyahu ,waxaan leeyahay bayaankaasi xildhibaanada waa in sida uu yahay madaxweynuhu u qaataa, waayo codsi maaha xildhibaanadu waxay ku hadlayaan afkii gobolada reer Somaliland oo dhan waana ragii laga soo doortay ee codka ku yimi."Dhinka kale shirkadda Al-naafoora wakhti ay dadka iyo xayawaankuba moqorada ay ka wada cabayeen ayaa ilaahay umada usoo diray ,xaafadaha galbeedka ,iyo koonfurta Burca-na lama galay ayay ahayd markii hore biyo la'aan awgeed   markii ninkaa Saleebaan Kulul biyaha keenayna guryaha laga dhisay New-york  way ka duwanyihiin  ,sidaa awgeed manta ninka leh noloshaa dhisantay ee bilaabantay ha la baabiiyo waa nolol u quudhi-waa ,waana nin aan dalka war u haynin xaqiiqadii " Sidaasi ayuu Mr Guuleed hadalkiisa kaga baxay." Dawladaha Hoose iyagaa dastuurku xaq u siiyay in ay bixiyaan adeegyada bulshada sida  biyaha ,laydhka ,dugsiyada hoose ,dhexe iyo caafimaadka ,xaqbaanay u leedahay  dawladda Hoose  adeegyada ay fuliso in ay cid heshiis kula gasho oo ruqsad u siiso si adeegii bulshadu u hesho markaa lama arag wasaarad ama wasiir yidhaada waxaan xukumayaa wakaalada biyood ,dastuurkana meel ay kaga taalaa ma jirto ,waana sharcidaro in ay wasaaradda macdanta iyo biyuhu soo farogaliso wakaalada biyaha Burco iyo shirkadihii dawlada Hoose ay ogolaansha biyaha siiyeen "Sidaasi waxa yidhi Yuusuf Maxamed Ducaale  oo ahaa agaasimihii hore wasaarada arimaha gudaha Xukuumadii Rayaale waxaanu intaasi ku daray. " Waxaanu leenahay Xukuumada ku noqo sharciga lagaa aqbalimaayo in aad tidhaado sharciga gacmahayga ayaan ku duminayaaye ,waxaananu taageersanay go'aankii baarlamaanka ".

Maxamuud  Cismaan Fadhiyare oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay riigagii deeqaha ahaa ee Imaaraadka Carabtu bixiyay iyo meelaha uu wasiirka macdanta iyo biyuhu ka qoday gobolka Togdheer. " Ceelashii laynoogu deeqay tiradooda waxay dhamaayeen  39-ceel waxaana bixiyay Imaaraadka Carabta ,Kuwait iyo Unicef sidaa darted 16-ka mid ah  gobolka Togdheer ayaa loo soo wareejiyay marka aan ka hadlo degmada Burco ceelashaas Lix ka mid ahi waxa laga qoday dhinaca bari ,galbeedkana waxa laga qoday  sedex ceel ,mid ka mid-ahbaana shaqeeya tuulooyinka magaalada ka baxsanina waa sidaas oo kale ".

Waxa kale oo iyana ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay ee taageeray go'aankaasi xildhibaanada  Xoghayihii hore ee gobolka Togdheer Maxamed Faarax Axmed ,Dayr Maxamed Cilmi ,Maxamed C\laahi (Hugur) ,Cismaan Dheere ,Oday Diiriye Jaamac .

Waxaaney dhamaantood  usoo jeediyeen wasaaradda macdanta iyo biyaha in ay faraha kala baxdo maamulka biyaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer isla markaana la dhiirigaliyo dadka reer Somaliland ee maalgashiga wada .