Sababta Shaadhadhka Ragga Badhamka Dhinaca Midigta Loogu Tolo, Dumarkana Dhinaca Bidixda. (Q.1)

0
773

London (Geeska)- Dadka inyar ayaa u fiirsata in shaadhadhka ragga iyo dumarku ay ku kala duwan yihiin dhinaca badhamadu kaga tolan yihiin, inta aragtaana waxa ay su’aalo badan iska weydiiyaan sababta shaadhadhka ragga oo dhami ay badhamka ugu leeyihiin dhinaca midigta, halka kuwa dumarkuna ay ku leeyihiin dhinaca bixida?

1Qormadan uu Geeska Afrika turjumay oo uu ka soo xiganayo shabakadda Al-Carabiya ayaa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah sababta ay u kala duwanaadeen jihada badhanka lagu tolayo ee shaadhka ragga iyo dumarku.

1. Ku dayasho: Shaadhka iyo guud ahaan dharka noociisa u tolan oo magacyo kala duwan yeelanaysa marka dib loo raaco taariikhda dheer ee ay aadamuhu ku labbisanayeen shaadhka, waxaa maro dhererka ku kala duwanaan karta oo laabta u furan, badhamo noocyo kala duwan oo isu keenana leh. Sida taariikhda ku cad shaadhka raggu muddo dheer ayaa ay isticmaalayeen laakiin isticmaalka haweenka ee maradani waa uu ka dambeeyey, waxa aanu ku bilowday dumarka maalqabeenka ah oo uu u ahaa labbis ka sarreeya kan dumarka kale xidhaan.

Waxa ay taariikhdu xusaysaa in dumarkan shaadhka ama maryaha la midka ah ee laabta furan isticmaali jiray ay ahaayeen kuwo leh shaqaale iyo adeegayaal gaar ah oo tusaale ahaan sida imikaba ka jirta meelo badan oo dunida ah ka caawiya xidhashada dharka. Mar haddii ruux kale shaadhka kuu xidhayo, gacanta caadi ahaan qofku adeegsadaana midigta tahay, waxa ay noqonaysaa in qofka kaa soo horjeeda uu ka bilaabay dhinacaaga bidixda xiga oo dabcan isaga midigtiisii ah. haddaba si qofkan adeegaha ah loogu fududeeyo xidhista badhamada shaadhka dumarka waxaa lagu tolay badhankii dhinaca bidix oo isaga qofkaas midigtiisa noqonaysa.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in badhamadu ay ahaayeen alaab qaaliya oo lagu garto ladnaanta dumarka dharkoodu ay leeyihiin, taasi waxa ay keentay in dumarkii xiisaynayey in ay u labbistaan qaabka dumarkaas ladan, waxa ay ka codsadeen dawaarlayaasha iyo xirfadlayaashii dharka tolayey in ay badhamadaa ugu sameeyaan, oo weliba dhankaas uu kaga yaallo shaadhka dumarkaas ladan iyagana loogu sameeyo, illaa aakhirkii ay noqotay hab dunida oo dhan ku faafo oo loo tolo shaadhadhka iyo dharka laabta furan ee dumarka.

2. Hawl-maalmeed kala duwan: Hab-nololeedkii hore ee dadka dunida marka aynu eegno, raggu waxa ay ahaayeen dagaal u joog mar kasta gacanta ku haysta hubkooda, seefta  oo ahayd hubka markaas jiray ayaa mar kasta midigta ugu jirtay ninka, waxa uu u baahnaa hab uu dhaqso ugu xidhan karo shaadhka ama maradiisa badhamada leh isaga oo aan midigta ka dhigin seeftiisa, gacanta ugu dhaqsaha badan ee uu u isticmaali karayey furista badhamaduna waxa ay noqotay bidixda oo dabcan badhanta ay furaysaa noqonayo ka dhinaca midigta ka soo xidhan.

Halka dumarkana hawlmaalmeedkooda ugu badani uu ahaa ubadka korintooda iyo barbaarintooda sidaa awgeed ay gacantoodu aad mashquul ugu tahay qaadista ilmaha yar, badhanka dhinaca bidixda xigaana uu yahay kan u fudud ee ay dhaqso ugu furi karaan marka ay doonayaan in ay ilmaha jaqsiiyaan.

3. Fardo-fuulka: Dumarka waxaa caado u ahaan jirtay in ay jir-jir (Dhinac-dhinac) u fuulaan fardaha oo labada lugood dhinac wada miyaraan, iyada oo inta badan uu ninku faraska kaxaynayo gabadhuna daba fadhiisanayso, haddaba si aanay dabay ladabu u gelin shaadhka iyo jidhka dhexdiisa oo aanu kor u kicin, dabayshuna dabcan ay ka imanayso dhinaca hore ee farasku u socdo waxaa la rogay dhinaca batamadu ay shaadhka kaga yaallaan si daloolka labadabadhan u dhexeynayaa uu dib u jeesto.

Laakiin ninku oo sida caadiga ah faraska labadiisa dhinac lugaha ka kala ridayaa waxa uu ku qasbanaa in uu seeftiisa midigta kula diyaar ahaado, si haddiiba uu dagaal gondihiisa ka dhasho uu isugu difaaco, bidixdana ku qabsado hawlaha ay ka mid yihiin xidhashada badhamadu waana sababta kala du’day jihada uu badhanku ku xidhmayo.