Caadooyinka Guur Ee Dhaqannada Dunida: Xambaarka Aroosadda, Guurka Badan Iyo Arrimo Kale Oo Xiiso Leh

0
603

Hargeysa (Geeska)- Sida ay u kala duwan yihiin isirka, midabka, jinsiga iyo diinta dadka dunida ku wada nool ayaa ay sidoo kale u kala duwan yihiin caadooyinka iyo dhaqanka ay leeyihiin, ummad kasta oo dal ku nooli waxa ay leedahay dhaqan u gaar ah, dalalka qaarna dadka ku wada nool ayaaba kala dhaqanno ah oo qabiil kasta iyo qawmiyad kastaa ay leedahay mid u gaar ah.

Qormadan xiisaha leh oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda internet ka ee Al-Anbaa’ oo dalka Kuweyt laga leeyahay ayaa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah dhaqannadaas yaabka leh ee bulshooyin kala duwan oo dunida ahi u guursadaan.

1. Shiinaha: (Gabadha Aroosadda ah waa la qarinayaa)

Deegaanno ka mid ah dhulweynaha Shiinaha waxaa ku nool qawmiyad dhaqan u leh in lammaanaha isguursanayaa aanay iyagu iskood isu soo baran. Waxaa jira xillii go’an oo qoysaska hablaha lihi sannad kasta soo bandhigaan hablaha ay hayaan ragga guur doonka ahina halkaas ka guursadaan. Intanta oo sida aroosadda loogu soo labbisay aadna loo soo qurxiyey ayaa lagu xidhayaa qol, kadibna ragga guur doonka ahi marka ay yimaaddaan gooobtan, nin kastaa waxa uu qaadanayaa furaha mid ka mid ah qolalka habluhu ku jiraan, waa uu furayaa, kadibna eegayaa inanta gudaha ugu jirta qolkaas. Haddii uu ku raalli noqdo waa uu kaxaysanayaa oo toos gurigiisa ula tegeyaa, haddii aanay qancinna inta uu soo kaxeeyo ayuu isagu ku soo celinayaa guriga ehelkeeda.

2. Shiinaha (Aroosaddaydii geedbay saaran tahay):

Qaar ka mid ah qabiilooyinka u jira qawmiyadda Tibet ee dalka Shiinaha waxaa dhaqan in fagaare dhir leh ay muddo go’an oo la isla yaqaanno isugu soo baxaan dhammaan qoysaska leh hablaha, oo inta ay hablahooda si aad ah u soo qurxiyaan uguna soo labbisaan, ayaa intanta la fuushiiyaa laanta ugu sarraysa ee geed dheer. Gabadha reerkooda oo sita ulo dhaadheer ayaa geedka inantoodu saarantay hoostiisa is tuba.

Ragga guur doonka ah ayaa goobtan yimaadda oo nin kastaa uu halkaas geedka dushiisa ka eegaa bal in gabadha saarani ay qanciso. Marka dumarkaas mid ka mid ahi qanciso waxaa laga rabaa in uu geedkaas fuulo oo uu la soo dego, waxase dhibtaas fanashada geedka kagaba sii daran, qoyska inanta ayaa marka uu damco in uu fuulo geedka ku bilaaba garaacis ay adeegsanayaan ulahaas ay sitaan, si ay ugu diidaan in uu fuulo.

Haddii ay ka dhab tahay doonista inantaasi waxaa la gudboon in uu ushaas u adkaysto oo inta uu xoog iyo is-maqiiq ku dhaafo uu fuulo geedka oo inanta gacanta qabto, markaas uu gacanteeda taabto ayaanu qosku xididnimo u aqoonsanayaa oo uu ixtiraam iyo kalsooni ugu beddelayaa ushii. Haddii uu kori kari waayana waa uu iskaga hulleelayaa oo cidi uga soo dabci mayso halkaas.

Guinea (Gini): Aroosadda qaawan:

Dalka Guinea waxaa ka jira dhaqan ah in xilli la isla yaqaanno la qabto munaasabad ballaadhan oo lagu soo bandhigo hablaha da’da guurka gaadhay iyo dumarka guur doonka ah, ma jiro dhaqan haasaawe iyo isa sii barasho, balse barkado biyeysan ayaa ay ku dhacayaan dumarka guur doonka ahi iyaga oo aan haba yaraato ee wax dhar ah xidhnayn. Halkaas ayaa ay ku dabbaalanayaan, ragga guur doonka ahina inta ay yimaaddaan oo ay hadba dul istaagaan gabadh dabbaalanaysa ayaa ay eegaan illaa inta ay helayaan inanta ay ku qancaan.

Ninku inanta uu ku qanco waxaa lagu gartaa waxa uu soo qaadayaa baro kadibna waxa uu u dhiibayaa inanta dabbaalanaysa ee uu ka helay, taas oo inta ay soo xidhato maradaas oo ay soo baxdo raacaysa ninkaas. Haddiiba aanay inantu ku qancin ninkaas marada siiyeyna ma xidhanayso maradaas ee biyaheeda ayaa ay iskaga sii dhex jiraysaa.

Indooneesiya: (Aroosadda oo la xambaaro):

Qaar ka mid ah qabiilooyinka dalka Indooneesiya waxaa xaaraan ka ah in gabadhu maalinta arooskeeda ay cagaheedu dhulka taabtaan. Waxase xanuun badan in cidda ay tahay in ay xambaartaa aanay ahayn ninka doonaya guurkeeda, balse waxaa dhabarka u ridanaya aabaheed oo u soo qaadaya illaa guriga ninka guursaday, lagana nasin maayo xitaa haddii masaafadda labada guri u dhexeysaa ay aad u dheer tahay.

Weli Indooneesiya ayaa aynu ku jirnaa ee jasiiradda Java ee isla dalkaas, qaar ka mid ah qabiilooyinka ku dhaqan waxaa caado u ah in gabadhu maalinta arooskeeda ay dahaadh madow mariso ilkaheeda, in ninkeeda ay cagaha ugu maydho meel fagaare ah, taas oo ah ishaaro ay ku muujinayso in ay diyaar u tahay in ay u adeegto saygeeda daacadna u ahaan doonto nolosheeda oo dhan.

Scotland (Aroosadda oo qudhun la dhex geliyey:

Sida aynu uga barannay guud ahaanba dhaqannada kala duwan ee dunida gabadha iyo ninkuba waqtiga arooskooda waxa ay isu soo qurxiyaan sida ugu fiican ee ay awoodayaan, jidh ahaan iyo dhar ahaanba. Laakiin dhaqanka mid ka mid ah qabiilooyinkii hore ee asal ahaan degi jiray Scotland ayaa gebi ahaanba ka duwan kaa aynu u soo barannay.

Gabadha aroosadda ah saaxiibbadaheeda mnxiiska u noqonaya ayaa soo gura qashin, iyo qudhun kadibna gabadha aroosadda ah ayaa ay jidhka oo dhan u mariyaan qudhunkaas. Haddii gabadhu u adkaysato qudhunkaas iyo urtiisa waxaa loo arkaaa in ay u bisishay xaasnimada iyo nolosha qoysnimo ee culayska iyo masuuliyadaha badan, sidaa awgeed u qalanta guur, haddii kale oo ay u adkaysan weydana waa in ay muddo kale dib u dhigto guurka si ay u gaadho waqtiga ay u bislaanayso oo lagu garanayo tijaabadan oo kale oo mar dambe laga qaadi doono. Dhammaad.