Isbeddelka Cimilada Dunidu Waxa Uu Sababay Dhibaatooyin Caafimaad Iyo Dhimashadii Oo Korodhay

0
522

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis lagu sameeyey dalka Maraykanka oo natiijadeedu soo baxday toddobaadkii hore ayaa saadaalisay in isbeddelka cimiladu uu keenay saamayn ah in ay kor u kacdo tirada dadka celcelis ahaan sannad kasta dunida ugu dhimanaya suruufo caafimaad, gaar ahaan dhimashada sababteedu tahay heerkulka sarreeya oo weliba laga cabsi qabo in uu tobannaanka sano ee soo socda si xad dhaaf ah u sii kordhi doono, iyo kor u kaca mushkiiladaha caafimaad ee maskaxda ee iyaga qudhooduna ka dhasha cimilada si duufaannada iyo daadadka.

Marka laga tago dadka kulaylka xad-dhaafka ah dunida ugu dhimanaya oo tiradoodu sii korodho sannad kasta, waxaa iyaduna jirta cabsi lagu qabo in heer-kula sii kordhaya ee cimilada adduunku sabab u noqdo gubashada kaymaha waaweyn ee dunida, iyo tayada hawada ee dhinaca caafimaad oo sii xumaata, waxa aanay keenaysa xanuunno dhinaca hab-dhiska neefsiga ah oo ay xiiqdu ka mid tahay, taas oo ay khubaradu saadaalainayaan in tiradu sii laban-laabmi doonto marka la gaadho sannadka 2030ka.

Cilmibaadhistu waxa ay tilmaamtay in isbeddelka cimiladu uu halis ku yahay caafimaadka maskaxda, oo khatarta ka dhalata isbeddelka cimilada ee dufaannada, daadadka, kulaylka xad-dhaafka ah iwm ahi saamayn xun oo dhaqso ah kaga tagaan xaaladda nafsiga ah ee qofka.

Cilmibaadhistu waxa ay intaas ku dartay in haddii isbeddelka cimiladu uu ku sii socdo sida hadda uu yahay, ay sii kordhi doonaan xaaladaha caafimaad darro ee ka dhasha xasharaadka qaar, sida kaneecada, injirta iyo shilinta xoolaha oo sababi karta cudurro hilibka xoolaha dadka uga sii gudba.