Kitaabkii Qur’aanka Ahaa Ee Putin Uu Hoggaamiyaha Iiraan Siiyey, Oo La Ogaaday In Aanu Asalkii Ahayn

0
702

Tehran (Geeska)- Khamiistii ina dhaaftay oo bisha Noofambar 2015 ku ahayd 26 waxa uu Geeska Afrika boggan ku baahiyey sheeko cinwaan uu uga dhigay “Madaxweyne Putin Oo Kitaab Qur’aan Ah Oo Taariikhiya Hadyad U Siiyey Hoggaamiyaha Ruuxiga Ah Ee Iiraan” Warkan uu Geeska Afrika ka soo xigtay Shabakadda Al-Carabiya oo lagu baahiyey inta badan ee warbaahinta dunida muslimka ayaa ahaa mid si gaar ah u soo jiitay dareenka Muslimiinta guud ahaan iyo dadka reer Iiraan si gaar ah, sababta ugu weyn ee soo raacda in Kitaabkani uu Qur’aan yahayna waa taariikhda kitaabkan ee dheer iyo isaga oo mar taariikhda ka mid ah oolli jiray dalka Iiraan.

Nasiib darro waxaa caddaatay in kitaabkaasi uu yahay sawir/Nuskhad (Koobi) oo aanu ahayn kii asalka ahaa. Wakaaladda wararka TASS ee Ruushka ayaa ayaa ka soo xigatay Dmitry Peskov oo ah xoghaya warbaahinta ee madaxweynaha Ruushka in kitaabka uu Putin hadyadda u bixiyey uu yahay sawirka kitaabka asalka ah oo yaalla dalka Ruushka. Arrintan ayaa durbadiiba buuq iyo niyad jab ka abuurtay dadka reer Iiraan oo u arkay in hadyadda ay qaaliga moodayeen ee Ruushku siiyey hoggaamiyahoodu aanay ahayn mid u qalanta heerka wanaagsan ee uu hadda taagan yahay xidhiidhka Iiraan iyo Ruushka.

Taariikhda Kitaabkan Qur’aanka ah ee Gacanta ku qoran:

Kitaabkan taariikhdiisu waxa ay ku aroortaa dhammaadka casrigii dolwadda Umawiyiinta ee Muslimka, gaar ahaan xilligii uu talinayey Khaliifkii ugu dambeeyey bariga, Marwaan Bin Muxamed Bin Marwaan oo lagu naanaysi jiray, ‘Marwaankii dameerka ahaa’ sababta magacuna ay ahayd hawl-badnaantiisii iyo samirkii iyo dhabar-adaygii uu u lahaa shaqooyinka culus iyo dagaallada. Kitaabkan marar badan ayaa ay isu hadyadeeyeen hoggaamiyeyaal kala duwan oo muslimiin ahi. Sida mid ka mid ah Salaadiintii dambe ee dowladda Cusmaaniyiinta oo hadyad u siiyey Cabaas Mirzaa oo suldaan ku xigeen u ahaa boqorkii Iiraan ee Fatax Cali Shaah, asal ahaanna ka soo jeeday Turkumanaiyiinta oo illaa 1834kii xukumi jiray Iiraan. Laakiin aakhirkii boqortooyadii Iiraan waxa ay kitaabkan Qur’aanka Kariimka ah hadyad u siisay Maamulihii gobolka Genja (Gence) oo lagu sharfayey doorkii halyeynimada ahaa ee uu ka qaatay dagaalkii boqortooyooyinkii Ruushka iyo Iiraan. Nasiib darro aakhirkii kitaabkani waxa uu ku wareegay gacanta Ruushka kadib markii uu Ruushku qabsaday magaaladii Genja ee uu yaallay kitaabku oo hadda ka mid ah dalka Azerbaijan ee hore Midowga Soofiyati uga midka ahaa. Hoggaamiyihi labaad ee Midowga Soofiyati Joseph Stalin ayaana amray in Kitaabkan la dhigo matxaf weyn oo ku yaalla magaalada St. Petersburg ee Ruushka.

Dad badan ayaa aad ugu farxay in Kitaabkan Qur’aanka ah oo ahaa hanti hore Muslimiinta looga xoogay uu dib ugu soo noqday gacanta Muslimiinta, una arkay in uu muujinayo niyad wanaagga Madaxweyne Putin u hayo dunida Muslimka, laakiin taasi waxa ay beenowday markii xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Putin u qaabilsan warbaahintu uu si rasmi ah u caddeeyey in Kitaabka uu hadyadda u bixiyey Putin ahaa sawirka (Koobi) kitaabkii Taariikhiga ahaa oo isagu weli yaalla, oollina doona Ruushka.

Arrintan oo u muuqata mid uu Ruushku si dadban hoos ugu dhigay karaamada hoggaamiyaha diiniga ah ee Iiraan Khamana’ii maadaama oo aanay hore u dhicin in Kitaabkan taariikhiga ah oo Koobi ah la isu hadyadeeyo isla markaana aanay dhicin in ataar kale oo koobi ama sawir ah hoggaamiye dal sidan oo kale loogu hadyadeeyo.